Dagaal Xabsiga Ku Dhex Maray Cabdillaahi Abokor Iyo Nin Ay Walaalo Yihiin Wasiirka Madaxtoyada Oo Wada Xidhan

0
570

Picture4Hargeysa(Geeska)-Wasiir xigeenkii hore ee amniga Cabdillaahi Abokor oo xabsiga ku jira iyo nin lagu magacaabo Maxamuud Cali Xaaji Xasan, oo ay walaalo yihiin wasiirka madaxtooyada, ayaa isku dhex laayay gudaha xabsiga dhexe ee Hargeysa oo ay ku wada xidhanyihiin.

Ma jiro war rasmi ah oo uu taliska asluubta Somaliland ka soo saaray dagaalkan, laakiin shabakada wararka ee Farriin News oo soo xigatay warar xogogaala, ayaa baahisay dagaalkan. Waxay shabakadu sheegtay in Cabdillaahi Abokor uu dhaawac gaadhsiiyay ninka ay walaalaha yihiin wasiirka madaxtooyada oo ay isku qol ku xidhnaayeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu labada maxbuus dagaal gacan ka hadal ahi dhex maray, waxase ay shabakadu sheegtay in maxbuuska ay walaalaha yihiin wasiirka madaxtooyada ee dhaawacmay loola cararay cisbitaalka guud ee Hargeysa si loo daaweeyo.

Cabdillaahi Abokor, ayaa muddo laba bilodo ku siman u xidhan xukuumadda Somaliland, halka ninkan la sheegao inay walaalo yihiin wasiirka madaxtooyada laga soo xidhay magaalada Burco, iyadoo loo soo wareejiyay magaalada Hargeysa.