Madaxda Saddexda Xisbi Qaran Oo Ka Soo Laabtay Safarkii Kenya

0
490

Picture3Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyayaasha saddexda xisbi Qaran ee UCID, KULMIYE iyo Waddani ayaa shalay dalka ku soo laabtay ka dib markii ay safar maalmo qaatay ku tageen magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya.

Faysal, Cirro iyo Muuse, oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay wadamada deeq bixiyayaasha kula soo kulmeen magaalada Nayroobi. “Deeq bixiyayasha inaga caawiya doorashooyinka oo aan ka tashananay doorashoyinka soo socda, inaga xil ayaa ina saarnaa, iyaguna waxay inaga taageerayeen xaga dhaqaalah iyo farsadamda, inaga wixii la inaga sugayay 90% way qabsoomeen, waxaanu u tagnay anagoo midaysan. Shalay waxaanu  Addis Ababa kula soo kulanay safaaradda Ingiriiska oo aanu soo marnay oo siyaasadaha caalamka jira iyo kuwa deegaanka aanu ka soo wada hadalnay.” Sidaas waxa yidhi guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna sheegay inay saddexda xisbi qaran bulshada caalamka ula tageen go’aan ah inay ka go’antahay qabsoomida doorashadu, waxa kale oo uu sheegay inay beesha caalamka kala soo hadleen sidii loo hirgelin lahaa qaddiyadda Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi, “Deeq bixiyayasha iyo beesha caalamku waxay noo xaqiijiyeen inay diyaar u yihiin inay Somaliland ka taakuleeyaan arrimaha doorashada, waxaanay jecelyihiin inay doorashooyinku ku qabsoomaan wakhtigii loogu tallo galay.” Ayuu yidhi guddoomiye Cirro.