Dadka Macaanka Qaba Oo Looga Digay In Ay Badsadaan Cunista Malabka, Muuska Iyo Saliid Saytuunta

0
1643

Qatar (Geeska) Cudurka macaanka oo ka mid ah xanuunnada ugu badan ee dunida maanta ka jira ee aan lahayn dawo rasmi ah marka laga tago dawooyinka suurtogelinaya la noolaanshiyaha xanuunka, ayaa ay dad baddani aaminsan yihiin in qofka qabaa aanu iska karantiimayn cunista malabka maadaama oo uu macaankiisu dabiici yahay, iyo sidoo kale khudradaha. Dr. Barafasoor Cabdalbadiic Abu Samrah oo madax ka ah qaybta xanuunnada uur-ku-jirta ee mu’asasadda caafimaadka ee Xamad dalka Qatar ayaa mar uu dhowaan u waramayey barnaamijka Cayaadatul-Jazeera ee ka baxa Talefishanka Aljazeera waxa uu sheegay in cudurka macaanka oo si habboon loo xakamayn waayaa ay keento khataro ay ka mid tahay wadne xanuun, dhiig-furan maskaxda ah iyo kelyaha oo hawl-gaba qasabna ay noqoto in joogto loo maydho. Sidoo kale waxa qofka ku dhaca aragga oo daciifa ama uu waayo, awooddiisa jinsiga ah oo daciifta iyo daal iyo burbur jidhka oo dhan ah, maadaama oo uu macaanku saameeyo dhammaan qaybaha jidhka.

Digtoorka oo ka jawaabay tobannaan su’aalood oo toos ay daawadayaashu ugu soo weydiiyeen barnaamijkan ka baxayey talefishanka ayaa sheegay in cunista xabbad wax ka badan oo muus ahi aanay u fiicnayn qofka macaanka leh, sidoo kale Dhakhtarku waxa uu sheegay in inkasta oo malabku uu caafimaadka dadka u fiican yahay, haddana ay muhiim tahay in qofka macaanka lihi uu xaddi aad u yar uun ka cuno. Malabka waxaa ku jira sonkoro saafi ah sidaa awgeed qofka macaanka cunaa waa in uu ula macaamilo sida sonkorta cad ee caadiga ah, oo xaddi aad u yar uun uu ka cuno.

Caanaha iyo bunka ayaa uu dhakhtarku sheegay in ay kaalin ka hortag ka qaadan karaan cudurka Macaanka, saliid Saytuunta oo leh faa’idooyin badan oo caafimaad ayaa iyaduna aad u dhintay Kalastaroolka, laakiin haddana sida uu Dr. Abu Samrah sheegay waxaa qalad ah in qofka macaanka lihi uu xaddi badan ka qaato saliiddan, waayo waxaa ku badan Colors (Kolooris).