Hargeysa (Geeska)- Laba af oo aad ku hadli taqaannaa waxa ay ku siinaysaa fursado badan, shaqo fiican iyo dallacaad, maskax furnaan iyo xitaa in aad ka badbaaddo cudurka maskaxda ee Dementia oo xusuusta burburiya. Sidaa waxaa daaha ka fayday natiijada cilmibaadhis cusub oo weliba intaas ku sii dartay in dadka labada luuqadood ku hadlaa ay sidoo kale dunida u arki karaan si ka duwan, kana fiican sida dadka afka keliya ku hadla, laakiin dadkan labada af ku hadla qudhooduna ay ku sii kala duwan yihiin hadba labada af meelaha lagaga hadlo.
15 kii sano ee u dambeeyey waxaa la sameeyey daraasado aad u tiro badan oo la xidhiidha maskaxda dadka labada af ku hadla, waxa aanay caddaymaha ugu badani muujinayaan in laba Af oo lagu hadlayaa ay leedahay faa’idooyin la taaban karo, oo ay ugu horreyso in maskaxda ay u noqdaan tababar u fududeeya in ay furfuranto isla markaana ogolaato in ay wax yaabaha ku cusub si sahal ah ula jaan-qaadi karto, xitaa haddii aanay aad ula dhacsanayn.
Cilmibaadhisahan kala duwani waxa ay daahfureen in barashada laba luuqadood iyo ka badan ay maskaxda u leedahay faa’ido ay maskaxda qofku, da’diisa qaybteeda dambe (Gabowga) dheefsato, waxa aana ka mid ah, in ay ka ilaaliso isku-daadashada iyo asaasaqa ama illowga badan oo gabowgu uu wato iyo xitaa cudurrada maskaxda dila oo ay ka mid yihiin Dementia iyo cudurka Alzheimer’s ama ugu yaraan qofka dib uga riixdo si aanay ugu soo degdegin cudurradani.
Qofka laba af ku hadlaa waxa uu yaqaannaa halka uu u socdo iyo wax aka dhalanaya ficilladiisa.
Cilmibaadhis uu Wargeyskan Geeska Afrika Afsoomaali u rogay oo dhowaan natiijadeeda lagu daabacay majaladda Psychological Science, ayaa daahfurtay in dadka Jarmalka ah ee afkooda hooyo ka sokow ku hadli yaqaanna Afingiriisiga ama afaf kale u sii dheer yihiinba labadan, ay si fiican u garanayaan ficilka ay samaynayaan iyo halka uu beegsanayo ama yoolkiisa, tijaabooyin la sameeyey ayaana iftiiminaya in dadka labada af ku hadlaa ay dabeecad u leeyihiin in ay yaqaannaan ujeedada iyo halka uu ku aroorayo ficilka ay samaynayaan ama qof kale samaynayo. Halka qofka afka keliya ku hadlaa uu ku ekaado keliya ficilka isaga oo aan ka fikirin waxa ka dhalan kara, tusaale ahaan, “Cali waa uu socdaa” isaga oo aan ogeyn ama ka hadlayn halka uu u socdo, iyada oo qofka labada af ku hadlaa laga yaabo in uu odhan lahaa, “Cali waxa uu ku socdaa gurigiisii” taas oo macnaheedu yahay in qofka laba af ku hadlaa dhinacyo badan uu wax ka eego, laakiin qofka af keliya ku hadlaa uu shayga u muuqda uun is dul taago. La soco…