Dadka Hindiya Oo Bilaabay In Ay Cabbaan Kaadida Lo’da Oo Ay U Arkaan In Ay Daweynayso ‘Coronavirus’

0
645

Xilligan oo ay dalalka adduunka oo dhami ku mashquulsan yihiin cilmibaadhisaha iyo hindiseyaasha lagu raadinayo dawo lagu dabiibo cudurka ‘Coronavirus’ ayaa ay dadka aaminsan diinta Hinduuska ee dalka Hindiya waxa ay abaabuleen xaflado waaweyn oo dadka la cabsiinayo kaadidada lo’da oo ay ku andacoonayaan in ay ka ilaalinayso Coronavirus.

Sabtidii 14-ka March ayaa dad aad u tiro badani ay isugu yimaaddeen meel ka mid ah magaalada New Delhi, si loo cabo kaadida lo’da oo ay dadka Hinduusku aaminsan yihiin in ay karaamaysan tahay, maadaama oo ay caabudaan lo’da.

Dadka aaminsan diinta Hinduusku waxa ay caabudaan lo’da, sidaa awgeed waxaa mamnuuc ah in la qalo oo hilibkeeda la cuno ama si uun loo dilo. Taas beddelkeedana waxa ay aaminsan yihiin in kaadideedu ay dawo ka tahay xanuuno ay ka mid yihiin Kasrka iyo xanuunka hadda warkiisu taagan yahay ee Koronavurs Laakiin marar kala duwan ayaa xeeldheereyaasha caafimaadka iyo saynisyahannadu ay ku celceliyeen xaqiiqada ah in kaadida lo’du aanay dawo ka ahayn nooc kasta oo xanuun ah.

Fikirka isku daweynta kaadida lo’da waxaa si aad ah u riixayey xisbi siyaasadeedka ‘All India’ oo ay leeyihiin dadka aaminsan diinta Hinduusku. Xafladda uu xisbigu ku qabtay New Delhi waxaa ka soo qaybgalay laba boqol oo qof. Waxa aanu xisbigu qorshaynayaa in uu xaflada noocan ah ku qabto dalka oo dhan.

Mid ka mid ah dadka xafladdan ka qaybgalayna waxa uu difaacay nadaafadda kaadida lo’da oo uu ku andacooday in aanay waxba caafimaadka yeelayn. Isaga oo arrintaas tusaale ugu soo qaatay in kaadida lo’da uu cabbayey muddo 21 sano ah. Waxa kale oo ay dadku ku maydhaan ama dhexgalaan dhiriqda saalada lo’da oo ay aaminsan yihiin in ay dawo ka tahay xanuunno badan oo CoronaVirus ka mid yahay. Isaga ll si gaar ah ugu dooday in muddadaas 21 ka sano ah aanay u baahan dawo. Sida uu hadalka u dhigay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here