Dadka Dabka Dhexdooda Dhigaya Waxan Leeyahay, War Allahina Ka Cabsada Oo Maalmihiina Wanaagsan U Tudha

0
181

Hargeysa (Geeska) Dhawaan ayaa Colaad ka qaraxday degaanadda Buq-dharkayn, yeyle iyo Degaanka Quri-lugud.  Inkasta oo xaalada colaadeed ee hada ay yara salka dhigatay, ka dib  baaqyadii  ka soo baxay shirkii Beelaha Habar-jeclo. Shirkaas oo hadal hayn kala duwan dhaliyey go’aamadiisi ka soo baxay, hadana bulshada degaanadaas iyo Somaliland ayaa qaarna taagey qodobadda ay ka mid yihiin in aanan degaana dulimaad ku ahayn, beeshu isna difaacayso.  Arinkan ayaa u muuqday in uu dabkii yara qaboojiyey, hase ahaate waa faran colaadeed taas oo markasta ay ka dhici karto dirir colaadeed.

Hadaba, Xildhibaan Xasan Dhuxul Laab-saalax aya si kadisa ula kulmay wariye Baylood oo ka hawl-gala Warbahinta Maxaliga ah, waxanu u waydiyey Xildhibaan maxad ka leedahay Degaanadda Yeyle iyo Buqdharkayn iyo Xaaladda ka taagan.

Xihibaan laab-saalax oo hadalkiisa oo arintaas ka hadlay wuxu yidhi ;

“Buqdharkayn iyo Yeyle Waxan leeyahay ummada somaliyeed Beelaha wada Daga ee walaalaha ah, Waxan leeyahay War Nabadgalyadda Wax wayn ah. Afartan sanadood, 50 sanadood ama lixdan sanadood in aad noolata laga yabaa, laakin kumaan sano lagu Ciqaabo intaad dambi Dunnida Guudkeeda ku samaysay.  Anigu Dadka Dagaalka dhiiri-galaya ma ahi, Dadka Qabyaaladda Dhiirigaliya ma ahi. Hadaba Waxan idin leeyahay War Nabadda inoo dan ah, iyadda Naas la nuugo leh. Nabadda ayaa midnimo iyo Wada noolasho leh, kala guuri mayaan Dadkani. Dadka Dabka dhexdooda dhigaya waxan leeyahay, war Allahina ka cabsada oo Maalmihiina wanaagsan u tudha”

Ugu dambayn, Xildhibaan xasan dhuxul laab-saalax ayaa tilmaamay in uu nabadda ugu baaqayo dadka degaanka wada dagan, sidoo kalena sheegay in dadkaasi waligood kala guurayn, colaadina aanay dantoodu ku jirin  ee nabad iyo wada jirka laga wada shaqeeyo.  Xildhibaanka ayaa tilmaamay in dadka dab lakala dhex-dhigay, tahayna in la -bakhtiiyo oo nabad iyo wada Nolaasho lagu soo dabaalo.