Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaamay In Aanay Xukuumaddu Aanay Maalin Kaliya Ka Hadal Xaaladda Wadanku Ku Jiro

0
288

Filand (Geeska) Musharaxa Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo Safar ku Maraya Wadamada Yurub ayaa doraad la kulmay Jaaliyiada Wadanka Filland. Musharax Ciro ayaa jaaliyada kula hadlay kulan saacado badan qaatay.  Musharax madaxwayne ayaa ka hadlay xaalada wadanku ku jiro, gaar ahan arimaha amni, dhaqaale, dumuqraadiyad iyo Wada jirka bulshada. Mudane Ciro wuxu aad ugu dheraaday Somaliland 32 kii sano ee  ay jirtay sumcadda iyo Maqaamka ay addunka iyo Geeska Afrika ku lahayd. Wuxu sheegay in somalialand ay lahayd waxa aan Somali Badan lahay oo ah, Dal Nabada, Midaysan, Dumuqraadiya, Saxaafadiisu Xortahay, Dooroshooyin qabsaday. Musharaxa Xisbiga wadani ayaa tilmaamay  iyo halka maanta Somaliland taagantahay. Cabdiraxmaan Ciro ayaa  aad ugu dhaliilay xukuumadda Muuse Biixi ka aamusnaanta xaaladaha taagan, gaar ahaan Maxaabiista Ciidamadii Qaranka.

Hadaba Hadalka Musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa u dhignaa sidan:-

“Waxan Bogaadinayaa Jaaliyadda Fillan doo ah Kuwii ugu hor Samaysmay Jaaliyadaha Somaliland ee dalka Yurub, Magac Fiinacana ku lahayd Waan idin wada mahadsanqayaa.

Xisbiga WAdani Hal-kudhagiisa  cid waliba waa ogtahay, waa isku haynta dalka iyo dadka. Marka laga tago hadaladda laysku tuur-tuurayo iyo kaftana, Xisbiga Wadani Mawqifkiisu waa Cad yahay; Difaaca Dalkiisa Waa u diyaar, Maalinkasta iyo Saacad Kasta. Somaliland la soo noqoshadeedi waxay jirtay 32 sanadood, Taariikh wanaagsan ayey ku lahayd geeska Afrika iyo Dunidda inta kaleba. Waxay samaysatay magac aan somalida inta kale lahay; Dal midaysan oo Nabada, Dimuqradiya oo dooroshooyin qabta, saaxafadiisu xortahay oo citiraafkii inyari uga hadhsantahay baynu ahayn. Hadaba maanta halkaynu taaganahay? Somaliland Dagaal bay gashay, dagaalka faaido kamay keenin. Maanta Dad baa inaga Maqan, Dhul baa inaga maqan, Saraakiishii iyo Ciidankeeni aynu jeclayn baa inaga maqan oo aanay Maalin Qudha Xukuumadda talada haysa aanay ka hadal. Wali Maalin kaliya kamay hadal xumadeenu maxaaabista ciidamadeeni. Anagu xisbi ahaan waxanu qabnaa Dalka in la difaaco waa Khasab, Dadku inay istidifaacana waa Qasab laakin Mar walba Nabada ayey Somaliland ugu Badinaysaa.

Madaxwayne Muuse Doorashada wuu Ogolaaday, hadana wuu ka war wareegayaa. Doorashadu Badbaadada Qarankay ayey ka mid tahay, Waxan filayaa ka doorashada diidan ee Dagaalka u Bu’aya waa Fulay”