Xubno Ka Tirsan Sirdoonka Soomaaliya Oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
235

Hargeysa(Geeska)Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay 2 nin oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.Hay’adda qoraal ku baahisay barta ay ku leedahay X ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay ragan oo ay sheegtay in ay la shaqayn jireen Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasin Xaaji.
Hay’adda ayaa sheegtay in raga la qabtay ay fuliyeen falal ku lidi ah jiritaanka Somaliland, inkasta oo aan qoraalka lagu xusin halka laga qabtay, iyo waxa ay ku hawlanaayeen.
“Hay’adda ugu saraysa amniga Somaliland ee NIA ayaa gacanta ku dhigtey Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye, iyo Sahal Axmed Cabdilaahi, oo labaduba kamid ah sirdoonka Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraalka NIA.
“Gaar ahaana waa shaqsiyaadkii la shaqeyn jiray Fahad Yaasiin, kuwaas oo Somaliland ka fuliyay falal lidi ku ah jiritaankeeda” ayay warbixintu ku dartay.
Sirdoonka Somaliland ayaa bilihii u danbeeyay xabsiga dhigay dad badan oo ay ku eedeeyeen in ay yihiin basaasiin kasoo jeeda waddamo kala duwan.