Dad Ku Tukanayey Mayd Oo Kala Yaacay, Kadib Markii Ruuxii Ay Ku Tukanayeen Uu Mar Keliya Kacay

0
712

Tunis (Geeska)- Wargeys ka soo baxa dalka Tunisia ayaa qoray in gabadh u dhalatay dalkaas oo loo haystay mayd 24 saac kadib la ogaaday in ay nooshay. Wargeyska Al-mustaqil oo ah toddobaadle ka soo baxa dalka Tunisia ayaa sheegay in dhakhtar uu sheegay in gabadhan oo magaceedu yahay Naciima ay u dhimatay wadne istaag. Dhakhtarkan oo ah kii qoray shahaadada dhimashada ee gabadhan ayaa sheegay in la isku dayey in gabadhan lagu badbaadiyo qalabka neefsiga laakiin lagu fashilmay. Qoyskii Naciima ayaa qaatay maydka waxa aanay u diyaariyeen aaskii.

Wargeyska uu Geeska Afrika soo xigtay waxa uu intaas ku daray in markii la dhamaystiray xabaashii loona diyaar garoobay in lagu tukado si kedis ah looga war helay in ay nooshay Naciima. Dad goob joog ahaa ayaa wargeyska u sheegay in Naciima ay ku dhex diidday gurigeeda kadibna loola cararay cisbitaalka, laakiin waxyar kadib oo dhakhaatiirtu ay dadaal badan sameeyeen lagu dhawaaqay in ay geeriyootay. Waxa uu wargeysku sheegay in dhakhtarka gaarka ah ee qoyska Naciima loo yeedhay si uu u hubiyo dhimashadeeda baadhitaan kadibna uu ku waafaqay dhakhtarka hore in ay dhimatay. Caddaynta dhakhtarku markii ay dhammaatay qoyska Naciima waxa ay u maydheen isla markaana kanfeen maydkeeda, kadib waxa u rideen naxash si Masjid weyn oo ku yaalla magaalada loogaga tukado salaadda Jinaasada. Imaamkii masjidkan oo maydku hor yaallay ayaa si kedis ah u dareemay in uu maydku dhaqdhaqaaq samaynayo, baqdin iyo argagax badan oo gaadhsiiyey in uu khaladaad badan ku sameeyo salaadda ayaa sheekhii ku yimi. Ilbidhiqsiyo gudaheed oo weli lagu jiro salaaddii ayey Naciima mar keliya kor u boodday, jilba joog ayaanay ku dhex fadhiisatay naxashkii. Dadkii ku tukanayey maydka Naciima qaar badan oo ka mid ahi markii ay arkeen waxa dhacay, orod cagaha wax ka dayey, halka ninkeedii oo ka mid ahaa dadka ku tukanayaana uu ku soo cararay si uu ugu duubo maryaha saaran naxashka iyo jidhkiisa isaga oo ka ordaya in ay qawanaan la sara kacdo naxdinta iyada oo aan is ogeyn. Intii kale ee dadka ku tukanayey ayaa bilaabay takbiir (Allaahu Akbar) iyo inay ducooyin akhristaan. Naciima waxa ay nabad ugu noqotay gurigeedii.