Dab Iyo Cadho

50
3757

Buug dunida oo dhan xiise geliyey:

Kamaal A. Cali (1)

Inta badan ee dadka dunida ku dhaqani waxa ay maalmihii u dambeeyey si joogto ah u maqlayeen hadalhaynta buugga soo baxay shalay 6 dii January 2018 ka ee ka warramayey, shakhsiyadda iyo caafimaadka maskaxda madaxweyne Trump iyo guud ahaan xaaladaha ku xeeran madaxweynenimadiisa.

Qormadan oo aynu maalmaha soo socda kaga sheekayn doonno buuggaas iyo waxa ku qoran, inta aynaan u gundodegin aynu inyar isbarno qofka uu yahay qoraaga buuggan iibkiisa safafka dhaadheer looga galay Maraykanka, Ingiriiska iyo dalal badan oo kale.

Waa Michael Wolfe oo ah gabayaa, qoraa iyo warfidiyeen Maraykan ah oo aad magaciisa loo yaqaanno. Waxa uu wax ku qoraa qaar ka mid ah wargeysyada iyo majaladaha ugu caansan Maraykanka oo ay ka mid yihiin New York, US Today iyo kuwo kale, waxa se uu magaciisu cirka gaadhay bilowgii sannadkan 2018 ka, markii uu ku dhawaaqay in uu soo saaray buugga ‘Fire and Fury’ oo daaha ka rogaya siro badan oo uu leeyahay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Buuggani waxa uu Michael Wolfe ka dhigay shakhsi warbaahinta afafka kala duwan ee dunidu ay si isku mid ah uga sheekaynayso.

Michael 27kii bishii siddeedaad 1953 kii ayaa uu ku dhashay gobalka woqooyiga bari ee Maraykanka ku yaalla ee New Jersey. Waxa uu dhammaystay jaamacadda Columbia ee magaalada New York. Xilligii uu waxbarashada waday waxa uu shaqo hoose ka helay majaladda New Times eek a soo baxda dalka Maraykanka, waxa ay shaqadiisu ahayd in uu qormooyinka iyo maqaaladaha qoran u kala qaado qaybaha kala duwan ee xarunta majaladda.

Markii uu muddo ku dhexjiray xaruntan warbaahineed Wolfe waxa uu bilaabay in uu wax qoro, sheekadii ugu horreysay ee uu qoray, oo isla majaladdan uu ka tirsanaa lagu daabacayna waxa ay soo baxday sannadkii 1974 kii, laakiin ma’ uu sii joogin majaladdan oo waxa uu u wareegay wargeys lagu magacaabi jiray The New Times.

Wolfe waa uu ku sii socday dunidii qoraalka, waxa aanu u gudbay in uu soo saaro buugaag. Buuggii ugu horreeyey ee uu qoro oo soo baxay sannadkii 1979 kii waxa uu magaciisu ahaa, ‘Carruurta Cad’. Buuggaas kadib Wolfe waxa uu u baydhay dhinaca ganacsiga, gaar ahaan maalgashiga, iyo in uu ku shaqaysto lataliyenimo dhinaca warbaahinta ah. waxa uu dhisay shirkaduu gaar u leeyahay oo kutubta soo saarta. Qoraalladii ugu horreeyey ee ay shirkaddiisu baahisaa waxa ay ahaayeen bilowgii sagaashamaadkii qarnigii tegey, waxa aana ugu horreeyey buug ah, ‘Hagaha Internet ka’. Waxaa ku xigay buugaag kale oo isla mawduucaas ku aaddan oo dhammaantood suuq fiican helay.

Wolf waxa uu doonay in uu shaqada shirkaddiisan sii ballaadhiyo isla markaana ka dhigo shirkad saamiyo kala duwan lagu leeyahay. Waa uu ku guulaystay qorshahaas waxa aanay shirkaddiisii noqotay shirkad weyn oo raasamaalkeedu ka badan yahay Boqol Milyan oo doolar, laakiin farxaddii guushaas kuma uu sii waarin, oo muddo gaaban gudaheed waxaa la soo dersay khilaaf iyo dhirbaaxooyin ku dhammaaday in laga eryo shirkaddii uu isagu aasaaskeeda lahaa, laakiin looga saamiga batay.

Sannadkii 1998 kii ayaa uu Wolfe soo saaray buuggiisa, ‘Burn Rate’ oo uu kaga warramay waayoaragnimadiisa maalgashiga, iyo sida uu guusha iyo sharafta ganacsi ku helay, ee haddana uu muddo gaaban gudaheed ugu dumay. Waxa uu si fiican u sharraxay jidka uu guushaas u tirinayo iyo sababaha uu u malaynayo in uu eersaday. Buuggaasi waxa uu helay suuq iyo magac fiican.

Wolf mar dambe ayaa uu haddana dib ugu soo noqday shaqadii majaladda New York, waxa aanu ka mid noqday qoraayo tirsan oo ku leh maqaallo joogto ah. Waxa kale oo uu caan ku ahaa tifatirka bogga rayiga ee majaladda Vanity Fair ee ka soo baxday Maraykanka, oo ka falloota arrimaha dhaqanka, fashiyanka iyo wararka taagan.

5tii Bishii Koowaad ee sannadkan 2018 ka, ayaa uu magaca Wolfe noqday mid si xawli ah dunida oo dhan caan uga noqday, kadib markii uu soo saaray buuggan ‘Fire and Fury’ oo aynu ku macnaynay ‘Dab iyo Cadho’. Waxa uu dhalleecayn aad u kulul u jeedinayaa madaxweyne Trump qof ahaantiisa, siyaasaddiisa iyo maamulkiisa.

Madaxweyne Trump iyo maamulkiisa oo buuggan ku tilmaamay been la soo ururiyey, waxa ay isku dayeen in ay joojiyaan soo bixistiisa, dacwad ka dhan ah ayaanay maxkamadda u gudbisteen, laakiin Wolfe waxa uu ku guulaystay in intii aanay maxkamaddu arrintan ka hadal uu buugga soo saaro, waxa aanu soo baxay maalintii shalay, oo ah afar maalmood ka hor waqtigii marka hore qorshuhu ahaa in uu soo baxo.

Daabacaddii koowaad ee buuggan ayaa dhammaatay saacado yar kaddib soo bixistiisii, waxa aanay taasi sababtay in uu cirka isu shareero dalabaadka lagu doonayo qaybtiisa eletarooniga ah (Soft).

Wolf waxa uu buuggiisan xogta ku qoran, xoogga ku saaray in ka badan laba boqol oo waraysi oo uu la yeeshay Trump laftiisa iyo dadka aadka ugu dhow-dhow. Buuggu waxa uu sheegayaa in Trump uu dadka ku xeeran u sheegay in Sucuudigu uu maalgelin doono ciidamo cusub oo Maraykan ah oo la dejinayo Sucuudiga, si loogu beddelo saldhigga Maraykanku uu hadda ku leeyahay dalka Qatar, La soco…………….

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here