Dab Iyo Cadho

26
2669

Aqalka Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay  Kamaal A. Cali (Q. 14aad)

Trump ayaa isaga oo sidii lagu yaqaannay u hadlaya waxa uu yidhi, “Waa aynu dacweyn doonnaa!” Waana kii Melania u qabtay qareennadii sida guusha leh hawshii u qabtay. (Waxa ay dacwado ku soo oogeen warbaahintii faafisay arrimaha Melania). Laakiin isaga qudhiisu si aan hore looga baran ayaa uu sida Melania arrintan uga xumaa.

Cabbar yar inta uu aamusay, ayaa uu Melania u sheegay, in hawlahan oo dhami iska dhammaan doonaan marka la gaaadho Noofambar. In dhibaatadan fadeexadda iyo dabagalka warbaahinta ahi kaga ekaan doonto bisha Noofambar ayaa uu xaaskiisa dammaanad buuxda ku siiyey. In kasta oo uu weligiiba xaaskiisa u ahaa say aanay ku kalsoonaan karin waxa uu sheego, haddana tani waa ay ka duwanayd oo markan waxa ay aaminsanayd in ballanqaadkiisani uu fuli doono. (In sheekada warbaahinta iyo dacaayadda lagu furay ay iska dhammaan doonto marka la gaadho bisha Noofambar oo ah marka ay doorashadu dhacdo ee ay dhammaato, oo dabcan ay u arkayeen in Trump guuldarraysan doono, kaddibna sheekadiisu sidaas hawada kaga bixi doonto).

***

Ol’olaha Trump, waxa uu si laga yaabo in aanay kama’ ahayn u soo minguuristay fikirkii filimka ‘The Producers’ ee Mel Brook’s. filimkaas aan duugoobin, oo ay hoggaaminayaan Max Bialystock iyo Leo Bloom oo jilaaya laba tuug oo maangaabyo ahi, waxa ay qorshaynayaan in ay saamiyo ka badan boqolkiiba 100 ka iibiyaan lahaanshiyaha masraxiyad ay soo saarayeen. (Waxa ay samaynayeen khiyaamo ah in ay iibiyaan saami ka badan inta ay tahay). Waxa ay ogaayeen in haddii ay masraxiyaddoodu guulaysato ay fashilmi doonaan, (Waayo saamileyda ayaa isugu imanaysa), sidaa awgeed waxa ay masraxiyaddii oo dhan ku saleeyeen guuldarro ay og yihiin.

Sidaas oo kale, waxa ay abuureen [Tramp kooxdiisu] bandhig si la yaab leh ugu muuqda in uu guulaysanayo, laakiin ay ogyihiin in uu guuldarraysanayo , si ay eedda jabkiisa ay u saaraan gadhwadeennadii hawshan.

Ol’ole doorasho oo ku dhisan qab, ismuujin, danaystenimo iyo habdhaqan aan caadi ahayni, in uu guulaystaa ha joogto ee waxa uu u dhowyahay in uu dadka wada xirfaddooda galaafto, oo ay ku sumcad dhacaan, waaba haddii aanu noloshooda galaafan ee. Waa run in ay xilal dawladeed helaan, iyo in ay dadka wejiyo fiican ka samaystaan, waayo si ka badbadin iyo waalli ah ayaa ay shabakado u samaystaan, laakiin guusha runta ah ee siyaasaddu taas ma’aha, balse waa hadba cidda ay yihiin xulafadaadu.

Waa ay tababartaan siyaasiyiinta guusha doonayaa. (Xitaa marka aynu eegno ninkii bilaa xiisaha ahaa ee George W. Bush, waxa uu miciinsaday aabihii raggii la shaqayn jiray, si ay u dhisaan), sida oo kale siyaasiyiintu waxa ay iska nadiifiyaan ceebahooda hore, ama ugu yaraan waxa ay aad ugu dadaalaan in ay daahsaaraan. Waxa ay isu diyaariyaan in ay guulaystaan oo ay taliyaan. Laakiin xisaabta uu isu geystay Trump, oo aan maskax soo jeeda ku dhisnayni, waa ay ka duwanayd sidaas aynu soo sheegnay. Murashaxa iyo laba xiddigleyaasha ku xeerani waxa ay aaminsanaayeen in ay iyagu ay ku guulaysan karaan in ay madaxweyne noqdaan iyaga oo aan waxba ka beddelin habdhaqankooda, ama aan ciddi uskageed ka beddelin aragtidooda dunida ku aaddan. ‘Ma doonayno in aanu noqonno wax aan ahayn, waxa aanu nahay ee runta ah, waayo dabcan waxa aanu ognahay in aannaan guulaysan doonnin.’ Sidaas ayaa ay aaminsanaayeen Trump iyo raggiisu.

Murashaxiin tiro badan ayaa ka faa’idaystay in aanay ahayn reer Washington awgeed (Masuuliyiinta ka shaqeeyey dawladda dhexe oo fadhigeedu Washington yahay); marka se ficil ahaan loo eego istaraatijiyaddaas, waxa ay keliya u dan tahay ragga guddoomiyeyaasha gobal soo noqday oo ay xitaa uga dheef badan tahay kuwa xildhibaannada ah.

Murashax kastaa sida uu doono, ha u caayo Washington e, waxa uun uu aakhirka talo iyo xoojin uga baahdaa ragga caasimadda jooga. Laakiin Trump lataliyeyaashiisa ugu dhow abid kama ay soo shaqayn wax haba yaraato ee siyaasadda xidhiidh la’ leh. waa ay yaraydba cid ka mid ah dadka aadka ugu dhow, oo weligood soo maray wax shaqo siyaasadeed oo heer qaran gaadhsiisan. Intii uu jirayba, Trump saaxiibbada aadka ugu dhow ee uu yeeshay, aad ayaa ay u tiro yaraayeen, nooca ay doonaanba ha noqdaan ee, markii uu ol’olihiisa madaxtinimada bilaabayna, wax saaxiib ahba kuma uu lahayn siyaasadda.  Labada siyaasi ee keliya ee Trump aadka ugu dhowaa waxa ay ahaayeen Rudy Giuliani iyo Chris Christie, labadan ninna iyaga ayaaba ahaa gooni socod dadka ka faquuqan, sidaa awgeed Trump waxba kama uu aqoonin, haba yaraato ee wax faham ah kama uu haysanin in yar oo ah aqoonta aasaasiga ah ee shaqadan uu doonayaa u baahan tahay. La soco…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here