Wasiir Maxamed Kaahin Oo Mar Kale Ka Hadlay Dirirta Dararweyne

36
2996

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay dagaalkii dhexmaray labada beelood ee wada degan deegaanka Dararweyne ee Degmada Ceel-afweyn, waxaanu sheegay inay Xukuumad ahaan ay shirar ka yeesheen, gaar ahaan Wasiiradda ka soo jeeda labada Beelood inay shir gaar ah ka yeesheen, waxaanu tilmaamay inay baadhitaan ay ku sameeyeen sababta keentay in dagaalka iyo colaada labadan beelood uu soo noqnoqdo,waxaanu xusay inay talaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo dagaalkan ku lug leh.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo shalay hor yimid Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa sidoo kale sheegay inay tayada Ciidanka Booliska sare u qaadi doonaan, isla markaana ay furi doonaan Kuuliyaddii Booliska,waxaanu ugu horeyn uu yidhi  “Ilaa xad ayaa la gaadhsiiyey deegamadii ay isku haysteen in la burburiyo, oo ilaa xad la yidhi Masaajidiina aynu qiil u doono, oo macal Masaajidadii cagaf la mariyey, oo la yidhi Nabadgalyo ayeynu ku doonaynaa, dhacdadaasna khasaaraheedu intu leekaana waad la socotaan, waa dhawr iyo toban dhimasho ah iyo tiro afartan ku dhaw oo dhaawac ah, dhaawaca badankiisi halkan baa lagu hayaa, dhacadadaas Xukuumaddu shir bay ka yeelatay, Guddideeda nabadgalyadu shir buu ka yeeshay, Wasiiradda deegaanka labada dhinaca ee halkaas wax isku yeelay, ee golaha Xukuumadda ku jira shir gooniya ayaanu ka yeelanay,arintaas go’aanka aanu ka gaadhnay waxa weeye, marka ugu horeeysa sababta soo cel-celinaysa colaada deegaanka Ceel-afweyn ka huraysa in aanu marka hore baadhno, waxyaabaha soo baxay waxa weeyaan in aanay waxba daweeynin wixii hore ee la qabtay, in meeshii xumaani dhex taalo, waxaanu go’aansanay markaas in aanu baadhitaana sameeyno, daraasadna sameeyno, dabadeedna talaabo laga qaado, dadka colaadan hurinaya, waayo laba ciidan baa meesha jooga, oo labada ciidam waa labada deegaan cududoodii, ee dadka meesha ku haya, dadka masruufaya, dadka hubka siinaya, intuba waa dadkii waayeelka ahaa, ee labada deegaan ka tirsanaa, markaas waxaanu go’aasanay arin aanu hubno oo aynu sugnay, aynu talaabo ku qaadno,nabadgalyadana aynu xasalino, fal dambe iyo dhaq-dhaaq dambe si aanu u dhicin, xoog labada qoloba ka xoog roon aynu meesha geyno, Ciidanka Bilayska ee SPU-da iyo ciidan kale oo aanu ku darnay halkan baanu ka dirnay, Ciidankii Qaranka ee barigii hore meesha joogay inta meesha lagaga tagay mooye, Ciidan xooga oo ah Ciidankii Qaranka, oo hub culus watana waa la keenay, warwar badana hadda kama jiro, in dagaal dambe isku qaadan, labada dhinacba wey xakameeysan yihiin”.

Wasiirka Arrimaha Gudduhu mar uu ka hadlaayey Madax-dhaqameedka ayaa yidhi “Marka laga yimaado cunfiga iyo wada shaqeeyn xumada ee labada deegaan dhexdooda yaala marka laga  yimaado, waxa iyada lafteeda dhex socota waxyaabo u eekaan karayaa inay nabadgalyada sii dhaawacan, oo ay sameeynayaan dad waaweyn oo masuuliyiin ah, oo Salaadiin leh, oo dad oo Rag waaweyn oo Guurti ah ee Beelaha iyo Reeraha ee marka la hadlaayo Golayaasha ka hadla, ayaa dhex socoda, marka dhacdooyinkan oo kale dhacaan, dadka qaybta weyn ka qaata, ee hawshaas qaybta weyn ka fuliyaa waxa weeyaan, waa dadka madax-dhaqameedka ah, arintaasna Siyaasad ahaan Xukuumadda intaanay dhacdadanba dhicin, waa la eegay, arintaasna waxaanu go’aan isla gaadhnay, in Saxaafadda lagaga faa’iidaysan, ama aanay warbaahinteenu aanay dhiirigelin, in Telefishanadeena qabyaalad lagaga hadlo, go’aankaas mar hore ayaanu qaadanay, hasa haate nidaamka Dimuqraadiga ah ee aynu dalkeena ku maamulno, waxyaabaha xaasaasiga ahina ay u tahay xoriyatul qawal, in aan la odhan karin dadka ha laga joojiyo, inagana dadkeenu bahadaladan wey hoos fadhiyaan oo wey  eegaan, waxaanu arintaas u xilsaarnay Wasaarradda Warfaafinta, meel fiican bay marinayaan, barnaamijkaas waxaanu la wadnaa dadka Tiifiyada, in aanay Tiifiyadu iyagu aanay horta dhiirigelin, cid qabyaalad ku hadlaysa, in arin xilligan la inaga garawsanaynin ay noqoto, isla markaana dagaal aan lagu abaabulin Warbaahinteena, go’aan baanu ka soo wadnaa arinkaas joojinaya,gaar ahaan Madax-dhaqameedka”.

Mar uu ka hadlaayey Kuuliyad ay u furayaan Booliska ayaa yidhi “Dugsiyada sare qudha in aan lagu darine, Dugsiyada sare iyo Jaamacaddaha in laga dhigo, hadda tiro wanaagsanina wey ku jiraan, tiro aanu imika gacanta ku haynaana wey ku jiraan, Ardayda Dugsiyada sare ka baxay iyo ilaa heerka Jaamacadda, in bilayska loo qaato, waxa kale oo aanu imika dhisaynaa oo aan warbixintii ku daray Kuuliyaddii ama Akadamiyadii Saraakiisha Booliska, taana waxa inoo galayaa dadkii Jaamacaddaha ka baxay iyo ugu yaraan qof Dugsi sare ka baxay, Oobiyada oo qudha maaha ee nidaamka Booliska oo dhan ayaanu doonaynaa inuu inoo noqdo dad mutacaliiman ah, Xarunta Booliska loo dhisay waxa yaala Tiknoolajiyada casriga ah ee imika adduunyada lagaga dhaqmo, qof kasta oo dambiile ah Gobolkii hore ee uu dambiga ka galay ayaa marka ay faraha ka qaadan bay soo saarayaan, hebel hebel hebel Burco ayaa intaas oo jeer kiis lagu qabtay, tana weynu haynaa ee marka Kuuliyadda Ciidamada la inoo sameeyo waxa inoo soo baxaya koorsooyin kala jaad-jaad ah, marka la siiyo dadka aqoon leh oo ilaa iyo heer jaamiciyiin ah”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here