Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Masuuliin Kale Oo Imaaraad Ah Oo Si Rasmiya Uga Hadlay Saxeexa Heshiiska Dubai Ee Somaliland Iyo Somaliya

0
782

dibadaDubai(Geeska)- Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa war rasmi ah ka soo saartay heshiiska ay dhowaan madaxweynayaasha Somaliland iyo Somalia ku kala saxeexdeen magaalada Dubai ee dalkaas. Dhanka kalana Wakaaladda wararka dalka Imaaraadka ee rasmiga ah oo heshiiskan labada dhinac ku magacowday “Axdiga Dubai” ayaa sheegtay in kulankan taariikhiga ahi uu taageerayo dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in la xoojiyo nabadaynta dhinacyada Soomaalida iyada oo marka laga tago dhinacyada Soomaalidana uu goob joog ka ahaa wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Imaaraadka Md. Anwar Maxamed Qarqaash.

Wasiir Qarqaash oo kulanka dabadii la hadlay wakaaladda wararka ee Imaaraadka oo lagu magacaabo WAM ayaa hadalladiisa waxaa ka mid ahaa, “Isu keeniddan, (Dhinacyada Soomaalida) ayaa ah bilow fiican oo lagu abuuri karo iskaashi dhex mara dhinacyada Soomaalida iyo inay ka wada shaqeeyaan wanaajinta xaaladaha Soomaaliya iyo wax kasta oo samaan iyo horumar ugu jiro muwaadinka Soomaaliga ah” Wasiirku waxa uu carrabta ku adkeeyey in dalkiisa saliidda ku hodannka ahi ka qayb qaadan doono, taageerida Soomaalida illaa inta ay ka awoodayaan in ay dalkooda nabad ka aslaaxiyaan.

Wakaaladda wararka ee dalka Imaaraadka ayaa sheegtay, in war-saxaafadeed, saxeexii heshiiska labada dhinac kadib ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Isu-tagga imaaraadka Carabta lagu sheegay in dawladda Imaaraadku ay qayb ka qaadanayso isu keenidda dhinacyada Soomaalida, taas oo ay u marayso soo jeedinteeda axdigan ay labada dhinac wada saxeexeen.

Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Md. Anwar Maxamed Qarqaash oo ay wakaaladda rasmiga ah ee wararka Imaaraadku sheegtay in uu kulan la qaatay madaxweynayaasha waxa ay ugu yeedhay afarta goobol ee Soomaaliya, ayaa waxa uu kulanka kadib sheegay in dawladdiisu ay hareer taagan tahay walaalaha Soomaalida, iyo in isu keeniddani bilow fiican u tahay isu soo dhowaanshiyaha dhinacyada Soomaalida. Waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Soomaaliya shacab iyo dawladba waxaa soo martay dhibaatooyin kala duwan oo muddo dheer soo jiitamayey, waxaana lagu asteeyey calaamad aan u qalmin” isaga oo intaas ku sii daray in la gaadhay xilligii ay Soomaaliya soo ceshan lahayd kaalinteedii, iyo in noocan cusub ee xidhiidh uu noqdo mid u togan Soomaaliya iyo muwaadiniinteedaba.

Wakaaladdu waxa ay sheegtay in wasiirku intaas ku sii daray, in saxeexa hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay saxeexeen axdigani ay caddaynayso in shacabka Soomaaliyeed uu yahay shacab keliya oo u xidhiidhaya hab xadaarad muujinaya, sida uu u dhigay.

Dhanka kalana Janaraal Faaris Maxamed Al-Mazruuci oo ah kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka ee dhinaca amniga iyo milateriga ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay shalay ku sheegay in, natiijada ugu weyn ee shirkan lagu gaadhay ay tahay saxeexa Axdiga Dubai, kaas oo uu kaaliyuhu ku qiimeeyey in uu yahay guul Soomaaliyeed oo Soomaalida u soo hoyatay, kuna timid gacan qabashada Imaaraadka iyo dhulkiisa. Wasiirku waxa uu yidhi, “Guushani waa mid taariikhiya oo muhiim ah, waxa aanay albaab ballaadhan u furaysaa Soomaalida” Isaga oo intaas ku sii daray, “Waxa aanu aad ugu faraxsan nahay, in guushan lagu gaadhay dhulka Imaaraadka Carabta, oo hawl iyo dadaal u galay fududaynta is-af-garadka iyo isu soo dhoweynta dhinacyadan oo kala maqnaa muddo labaatan sano ah.”

Md. Al-Mazruuci waxa uu muujiyey aragtida dawladdiisa ee heshiiska Madaxweyne Siilaanyo iyo madaxweyne Shariif kala saxeexdeen, “Maalintii shalay, (Doorraad) ayaanay heshiis heer dib-u-heshiisiineed ah ama in la isu furo albaabada xidhiidhka iyo in la wada hadlo ahi dhex maray Somalia iyo woqooyiga Somalia (Somaliland).

Saxeexa heshiiska Somaliland iyo Somalia waxa uu dhacay mar ay labada hoggaamiye ee labada dal ku kulmeen shir doceed qayb ka ahaa kulankii guud ee lagaga arrinsanayey la dagaalanka budhcad badeedka Soomaalida oo uu Imaaraadku markii labaad martigeliyey. Kulankaas oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 41 dal iyo 73 hay’ado iyo wakaalado caalamaiya ah, ayaa waxaa isna ka warramay Jamaal Bin Thaniya oo ah ku xigeenka agaasimaha waaxda dekedaha Dubai ee caalamiga ah oo sheegay in hawsha loo kala qaaday saddex weji oo aasaasiya oo loo gelayo, waxaa ugu horreeya in la dammaanad qaado xasilinta amniga Somalia, in la taageero horumarinta dhaqaalaha, iyo kan saddexaad oo ah dhinaca milateriga.

Qodobbada gebogebada shirkaa ka soo baxayna waxaa ka mid ah in dawladda Imaaraadka Carabta lagu ammaanay in ay Somalia ku caawinayso Hal Milyan oo doolarka Maraykanak ah, lacagtaas oo qayb ka ah qorshaha caalamiga ah ee lagula dagaalamayo budhcad badeedka, waxaa kale oo lagu sheegay war-murtiyeedka shirkan in la taageero dadaallada Soomaalid wadaan iyo aragtidooda kadib sannadka 2012-ka ee ah in la dhiso dawlad Soomaaliyeed oo midaysa dhammaan shacabka Soomaalida.