Cuqaasha Iyo Salaadiinta Xilalka Ka Qabta Somaliland Iyo Khatarta Isku Milanka Dhaqanka Iyo Siyaasada:

0
694

Waa ay badan yihiin tusaalayaasha aynu u soo qaadan karno sida qabiilka ama reerku aanay hoggaamiye dhaqameedkooda uga filayn in uu noqdo maal-qabeen ama qof adduun raadsi ku jira, waxase ugu xiiso badan oo aynu xusi karnaa Afarray duco ah oo qabiilka Ciisuhu ay Alle ku baryaan xilliga ay ku gudo jiraan soo xulista Ugaaska guud; ducadan oo inta badan ay ku celceliyaan waqtiyada Maqribka iyo subaxa ayaa muujinaya in astaamaha hoggaamiye dhaqameedka laga eegayaa aanay ahayn hanti iyo maal, balse uu doonayo xaakim cadaali ah oo aan eex ku dhiqin, waxaana ereyada ducada ka mid ah:

“Ilaahoow geel-badane kuma weydiisan .. Adhi-badane kuma weydiisan .. Lo’ badane kuma weydiisan .. Mid baane badan kuma weydiisan .. Mid gaashaan-dhigga yaqaan kuma weydiisan .. Mid walaalo badan kuma weydiisan .. Ilaahoow waxaan ku weyddiisannay: Mid eex iyo inkaarba ka fayow .. Mid hibo leh oo habeen dhashay .. Mid aad adigu noo boqortay .. Ilaahoow noo biniixi. Aamiin!” (Tixraac: http://ogaasissa.com/)

Waxaa laga yaabaa in aad is weydiinayso bal in ay jiraan hebello la og yahay oo madax dhaqameed iyaga oo ah haddana haya shaqo dowladeed ama mansabyo siyaasi ah. Haddaba, inta aynaan ka jawaabin su’aasha labaad ee la xidhiidha dhibta ka dhalan karta in hoggaamiye dhaqameedka loo dhiibo xilal siyaasi ah, garsoorka iyo guud ahaanba shaqada adeegga dadweynaha, aynu dhowr ka xusno magacyada qaar ka mid ah hoggaamiye dhaqameedka xilalka dowladdnimo qabtay muddooyinkan u dambeeyey oo aad mooddo in ay sidii hore kaga sii badanayaan:

– Suldaan Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal): Bilowgii dhismaha xukuumadda madaxweyne Siilaanyaba, dadkii xog-ogaalka ahaa waxaa dareen ku beeray markii ay maqleen in Suldaan Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada booliiska Somaliland. Waa dhab in uu Suldaanku uu yahay kornayl ruug-caddaa ah, isla markaana waayo aragnimo u leh xilkan taliyaha bilayska Somaliland oo uu hore u soo qabtay, laakiin intii ka dambaysay markii hore ee xilkan laga wareejiyey waxa uu Kornaylku Suldaan u noqday qabiilkiisa, taas oo macnaheedu yahay in uu u digo rogtay hoggaamiye dhaqameed, maadaama oo ay sidaas tahayna markaa wixii ka dambeeyey waxa laga filan karayey uu ahaa in uu isu xil saaro horumarinta iyo hoggaaminta qabiilkiisa oo dabcan dowladnimadeenna muhiim u ah iyo in Qaranku uu ka dhiso dhinaca dhaqanka. Haddii uu Suldaan Cilmi Kabaal inta la og yahay ahaa hoggaamiye dhaqameedka xilka ugu sarreeya ka qabtay dowladda, keli kuma’ uu ahayn liiskan, oo waxaa jiray hoggaamiyeyaal kale oo iyagana xilkan dhaqan hayey markii la magacaabay ama iyaga oo xilka haya ay cumaadaddu ku soo wareegtay, labadii shaqo ee cuslaana weli duudkooda saaran yihiin, waxa aynu ka magacaabi karnaa:

– Jiif Caaqil Maxammed Cali Daallin: Jiifku waa agaasimaha Waaxda Amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland isla markaana ah jiif Caaqilka reerka uu ka dhashay.

– Guddoomiye ama Caaqil Rashiid Axmed Maxamed: Badhasaab ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex ayaa isna soo galaya liiska hoggaamiye dhaqameedka haya xilalka kale ee dowladda. Guddoomiye ama Caaqil Rashiid Axmed Maxamed, waxa uu noqonayaa masuulka saddexaad ee xil dowladeed oo sare haya isla markaana ah caaqilka jufadiisa.

– Caaqil Xasan Daahir Xaddi Abraar: Caaqilkan oo loo garan-ogyahay Xasan Ciid ayaa uu madaxweyne Siilaanyo bilowgii xukuumaddiisa u magacaabay guddoomiyaha gobolka Awdal. Iyada oo uu guddoomiye ama Caaqil Xasan Ciid xilkan iska casilay bishii September 2011kii, kadib markii uu u guuray dalka Canada.

– Suldaan Muuse Jaamac Deelaaf: Waxa uu ka mid yahay madax dhaqameedka gobolka Sanaag, sidoo kalana waa Gaashaanle ka tirsan Milateriga Somaliland, oo mar haystay ciidamada gobolka Sanaag.

– Boqor Maxamed Boqor Axmed dheere: Boqorku waxa uu ka mid yahay madax dhaqameedka sare ee Somaliland, sidoo kale waa sarkaal sare oo booliis, oo weliba haya xilka ah; Taliyaha saadka ee booliiska qaybta gobolka Sanaag.

– Caaqil Cabdi Guuleed Jaamac: Waxaa muuqata in cudurka mansab siinta hoggaamiye dhaqameedka Somaliland uu hadda kadib sii faafayo oo inta uu ka gudbo xilalka xukuumaddu siinayso, ay xisbiyaduna bilaabayaan markooda. Sida caadiga ah xisbigu waa xubin ka tirsan hayadaha dowladda ee dastuuriga ah, waxa aanu leeyahay qaab-dhismeed u eeg xukuumadda, oo leh gole xoghayeyaal ah oo la meeqaam ah wasiirrada. Haddaba xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa Caaqil Cabdi Guuleed Jaamac u magacaabay xoghayaha hiddaha iyo dhaqanka ee xisbiga oo dabcan u dhigma ama laga soo dheegtay darajada wasiir ee golaha xukuumadda.

Liiska madax dhaqameedka xilalka sare iyo mansabyada qaranka hayaa intaas waa ay ka badan yihiin, sidoo kale waxa aynu ka gaabsannay madax dhaqameed tiro badan oo haya shaqo dowladeed hoose ama saraakiil dhexe ka ah hay’adaha qaranka, sida wasaaradaha, gegooyinka diyaaradaha, bangiyada iyo xarumo kale oo badan.

Dhib iyo dheef iyama?

Waxaa muran la’aan ah in hoggaamiye dhaqameedku uu bulshada dhexdeeda ka yahay masuul sare, oo xikmad iyo talo laga dayo, laguna og yahay in dantiisa gaarka ah oo xataa qoyskiisu ka mid yahay uu u dayaco wanaajinta iyo horumarinta danta guud ee qabiilkiisa Suldaanka ka dhigtay ama jufada uu caaqilka u yahay, waxa uu ruux habeen iyo dharaar u taagan in uu arrimaha dhaqanka ka shaqeeyo, waxaana ceeb ku ahayd in la arko isaga oo tiisii eryanaya. Sidoo kale hoggaamiye dhaqameedku waxa uu lahaa xurmo u gaar ah oo uu ku mutaystay karaamada qabiilkiisu huwiyey, sidaa awgeed waa laga haybadaystaa, la ixtiraamaa, ereygiisa la dhegeystaa, garsoorkiisana lagu qancaa, taladiisa iyo go’aankiisana lagu go’aa, xataa goobta uu joogo cid kale in ay ka ducayso lama jecla oo isaga ayaa lagu maamuusaa, loona arkaa duco-yeel yahay. Waa run in hoggaamiye dhaqameedka xilka qaran loo magacaabay uu leeyahay aqoontii iyo waayo-aragnimadii uu xilka ku qabanayey, balse waxaa madowga ku jiraa waa sida uu isu waafajin karo labada hawlood oo labaduba qaranka dantiisa ah. Haddaba arrimahaasi ma jiri karaan marka uu hoggaamiye dhaqameedku ku dhex milmo siyaasadda, ama uu raadsado shaqo noloshiisa uu ka dabbaro, isla markaana laga yaabo in uu maamulo ruux aan karaamadiisa garanayn ama shaqadu ku kallifayso in uu gacan bira kula dhaqmo.

Arrimaha kale ee aynu ka xusi karno sababta xil qaran iyo shaqo dowladeed oo uu hoggaamiye dhaqameed qabtaa ay dhib ugu tahay reerkiisa xurmeeyey iyo qarankaba waxaa ka mid ah:

– Dastuurka Qaranka iyo xeerarka ay ku dhisan yihiin hayadaha dowladda oo xisbiyadu ka mid yihiin waxa ay ka digayaan in qaab qabiil wax lagu dhiso ama danta qaranka lagu dhex daro, maadaama oo hoggaamiye dhaqameedka shaqadiisuba tahay qabiilna waxaa hubaal ah in aanu kala ilaalin karin danta qaranka iyo tan qabiilkiisa ama ay marar badan dhacayso in danta labada dhinac is jiidho, waxa afka qalaad lagu yidhaahdo (Conflict of interest).

– Waxa uu waayayaa xurmadiisii, waxaana ay taasi dhaawac geyeysiinaysaa sharafta ciddii hal-doorka uu u ahaa.

– Hoggaamiye dhaqameed iskii u shqo tegey waxa uu dayacay dantii qabiilkiisu u dirtay, ama waxa ay noqonaysaa inuu dayacay dantii qaranka oo uu reerkiisa ama naftiisa uun mansabkan ugu adeego, labadaba kii ay noqotaba waa khasaare, oo ama qabiilkii ayaa ku wax la’ ama qarankaa ku jabay.

– Hoggaamiye qabiil oo loo diray amniga qaranku, waxa uu baal marsan yahay u jeedadii xilka ee ahayd in uu amniga u daacad noqdo, waxaa dhici in sharciga dowladnimo ka hor yimaaddo danta hoose ee qarankiisa, markaasuu garan waayi mid uu raaco, ama dhib ka dhex jirta beeshiisa iyo mid ay xurgufi dhex taallo ayaa uu ku dhex hafan. Tusaale ahaan guddoomiye ama Gud. Ku-xigeenka gobol waa masuulka ugu sarreeya dowladda ee gobolkaas dhinac kastaba, waxa uu kaalin weyn ku leeyahay amniga iyo wax-ka-qabashada arrimaha gobolka. haddana waxaa jirta in uu qaranka u hayo hawl khusaysa jifadiisa oo qaranka iyo qabiilkaba dan u ah, labada shaqo tii uu ka mashquulaana ay hagar daamo iyo halis keenayso. Waxaa taas dheer in guddoomiyaha iyo ku xigeenka gobolku ay qaranka ugu xil saaran yihiin diiwaangelinta iyo la shaqaynta hoggaanka dhaqanka, markaa in uu isagu dhaqankii ka mid noqdaa waxa ay keeni kartaa dano-is-buriya iyo wada-shaqaynta oo khalkhal gasha. Waxaa la mid ah xilalka sare ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga, iyo sidoo kale booliiska iyo ciidamada qaranka.

Ruuxa masnabkan siyaasiga ah ee sare qabanayaa waa in uu noqdo qof dhex u noqon kara beelaha kala duwan ee dega hadba gobolka loo dhiibayo, in beelaha mid ka mid ah caaqilkooda xilkaas loo magacaabaana waxa ay abuuri kartaa xurguf siyaasi ah, ama in beesha kale u aragto in caaqillada la-is-dhaafiyey iyo cabsi laga qabi karo in xilka qaranka looga faa’idaysto dano qabiil oo hoose. Su’aashu waxa ay tahay suurtogal ma tahay in laba beelood oo khilaaf dhex maray, haddii la dhex dhigo ciidan uu wato caaqilka mid ka mid ah labada beelood ama haddii uu masuul gobol ama wasaarad ay arrintani khusaysa ka socda oo labadooda mid caaqil u ahi dhex galo, in ay yeeli karto, mise waxa ay u arkaysaa in ciidankii iyo awooddii dowladnimo ay beesha kale u soo adeegsatay, mar haddii caaqilkoodii meesha marayo??.

– Suldaanka shaqada loo diray waa reerkiisa oo uu cid kasta ka jecel yahay, dantooda ayaanu ilaalinayaa, sidaa awgeed laguma aamini karo in uu qaranka si cadaalad ah ugu qabto danaha loo diray, ugu yaraanna waa ay ku adkaanaysaa in uu u adkaysto cadaadiska kaga imanaya qabiilkiisa oo dabcan mar kasta iyagu sida qabiillada kalaba sad-bursi iyo korodhsiimo doonaya iyo danaha qaranku ka rabo ee cadaaladda iyo eex la’aanta ku dhisan. Waxa aanay u dhow ahay in uu mar kasta danta reerkiisa u iisho.

– Caaqilkii oo buuxiya shaqadii dowladda iyo xilalkii qaranku waa laba xil oo qaran oo uu isku darsaday, taasina waxa ay shaqo tiraysaa aqoonyahan iyo ruux kale oo xilkaa ama shaqadaa qaban kari lahaa, oo weliba ay suurtogal tahay in uu reerkiisa noqon lahaa oo uu isagu la raadin lahaa. Marka aynu soo ururino waxaa hubaal ah in xil dhaqameedku uu muhiim u yahay tiirka ugu muhiimsan dowladnimada oo ammaanka ah, isla markaana uu yahay halka ay qarannimada Somaliland ka soo unkanto, sidaa awgeed in ruuxii hawshaa culus ee qaran lagu ogaa, halkii isaga halkiisa lagu xoojin lahaa, laguna ogaan lahaa loo dirto hawl labaad oo qaran, ama shaqo dowladeed la siiyaa waxa ay duminaysaa dantii ka weynayd ee uu u hayey qaranka, waana sababta uu maqaalkani ugu doodayo in dib loogu noqdo ka fikirista xilalka siyaasiga ah ee loo dhiibayo hoggaanka dhaqanka. Dhammaad