Cunto La Cunayo Oo La Isku Badiyaa Waxa Ay Keeni Kartaa Cudurka Maskaxda Dila Ee Alzheimer’s

0
1222

Washington (Geeska)- Warbixin caafimaad oo uu Geeska Afrika turjumay, oo shabakadda Al-Carabiya ay ka soo xigatay majaladda Journal of Alzheimer’s Disease ayaa lagu sheegay cunto badnaanto ay qofka ku keento xanuunka unugyada maskaxda dila ee Alzheimer’s iyo in garaadka qofku hoos u dhaco.

Cilmibaadhis cusub ayaa sheegaysa in qofka oo maalintii cuna wax ka badan 2’143 Kalooris ay keenayso khatarta ah in garaadkiisu qiyaas laban laab ah intii hore hoos uga dhaco, marka la barbar dhigo dadka xaddiga cunto ee ay cunayaan inta saxda ah ku eegtay.

Waxa ay khubaradu ku taliyeen in qofku uu ka fikiro in cuntada uu cunayaa ay leedahay nafaqadii uu jidhkiisu maalin kasta iyo waqtiga dheerba u baahnaa, laakiin uu iska jiro in xaddi badan oo cuntada ahi calooshiisa gasho. Wasaaradda beeraha ee dalka Maraykanka ayaa talo bixin ay dhowaan u jeedisay dadka Maraykanka waxa ay ku sheegtay in ragga ay da’doodu u dhexeyso 21 sano illaa 40 jir u dhaxayso u fiican tahay in ay maalintii cunaan cunto kalooriskeedu aanu ka badnayn 2400 oo Kalooris, halka ragga ay da’doodu u dhexeyso 41 illaa 60 ay la gudboon tahay in ay intaas ka yareeyaan Kalooriska ay cunaan.

Dumarkana waxa ay xeeldheerayaashu ku taliyeen in gabadha da’deedu u dhexeyso 19 illaa 25 ay ku ekaadaan cunista 2000 oo Kalooris ah maalintii, laakiin haddii da’doodu gaadho inta u dhexeysa 26 illaa 50 sano, looga baahan yahay in ay isticmaalaan ugu badnaan 1800 oo kalooris ah, dumarka 51 sano ka weyna aanay dhaafin 1600.

Waxa ay khubaradu k utaliyeen in la badsado cunista khudradda iyo in cunto qaadashada maalinlaha ah lagu daro cuntooyinka qofka dheregga dareensiiya si ay qofka uga ilaaliyaan in uu ku talax tago cunto cunista, taasina ay ku keento khatarta xanuun ee aynu sheegnay.