Cudur-Daarrada Yaabka Leh Ee Aynu Mararka Qaar Ku Sababayno Ka Maqnaanshiyaheenna Shaqada (Q:1)

0
793

Picture10London (Geeska)- Waxaa jira sababo badan, oo qaarkood dhibaato iyo fadeexad yihiin oo aynu sheegno marka aynu ku guul darraysanno in aynu iska xaadirinno goobta shaqada. Marar badan ayaa aynu ku qasbanaanaa in aynu jawaab degdeg ah ka bixinno su’aalaha la xidhiidha sababta aynu shaqada kaga maqnayn, waxaaba suurtogal ah in adiga oo su’aashan lagu weydiiyey aad si kedis ah isaga tidhaahdo, “Warqaddii ay ku qornayd warbixintii aan maalintaa oo bandhigi a ayaa iga qoyday oo googo’day” ama “Kombiyuutarkii ay warbixintu ku jirtay ayaa iga xumaaday ama iga lumay” iwm.

Si kastaba ha ahaato ee dadka qaar ayaa iyagu ku dheggen fikirka saxda ah ee odhanaya in qofku uu sheego sababta dhabta ah ee uu shaqada kaga maqnaa in ay tahay hab uu ku badbaadi karo. Haddaba marar badan ayaa dadka iyagu siyaasaddan aaminsan waxaa ku dhacda in ay sheegaan cudur-daarro run ah balse dhadhan khayaali iyo been-abuur ah leh, ama maangal aan u muuqdan, Wargeyska Geeska Afrika waxa uu maanta akhristayaasha la wadaagayaa qormadan soo bandhigaysa qaar ka mid ah cudur-daarrada yaabka leh ee dadka qaar ay ku sababeeyaan ka maqnaanshiyahooda shaqada. Wargeyska qormadan oo uu Afsoomaali u rogay waxa uu ka soo xigtay BBC qaybteeda Carabiga.

Waa run laakiin sheegistoodaa doqonniimo dhadhamaysa:

Waa suurtogal in aad mararka qaarkood dareento in aad maamulahaaga shaqada runta uga sheegto sababta aad shaqada kaga maqantahay, adiga oo og xaqiiqada ah in aanay beentu inta badan lugo adag ku taagnayn oo ay marar badan dib kaa fashilin karto.

Su’aalo arrintan la xidhiidha oo uu baahiyey degelka Internet ka ee shirkadda Quora oo ka shaqaysa raadinta su’aalaha iyo jawaabahooda ayaa waxaa ka mid ahaa cudur-daarro run ah oo dad shaqo kaga maqnaadeen balse markii ay sheegeen dadka badankooda ula muuqatay wax aan maangal ahayn ama ku habboonayn in la sheego, waxaana ka mid ahaa:

1. Biinka waraaqahaa i muday oo dhakhtarka ayaa la iila cararay:

Brandon Lee, ayaa maalin maalmaha ka mid ah go’aansatay in uu si saraaxad leh runta uga sheego sababta uu kaga maqnaa shir muhiim ahaa, su’aasha oo kedis ku ahayd awgeed isaga oo yara firka naxsan ayaa uu yidhi, “Waa aan ka xumahay, waayo waxaa i dhaafay shirkii duhurnimada aynu gelaynay. Waxaa igu dhacay in aniga oo isticmaalayey mishiinka biinanka uu si kedis ah biin ii muday, jidhkaygana hore u galay, sidaa awgeed waxa aan u cararay dhakhtarka qaybta gurmada degdegga ah” Inta uu cabbaar yara aamusay ayaa uu haddana yihin, “Weli waxa aan haystaa xabaddii biinka ahayd ee jidhkayga laga soo saaray oo aan xusuus ahaan u haysanayo” ayaa uu yidhi isaga oo doonaya in uu dadka u xaqiijiyo in uu run sheegayo. Waa xaqiiqa laakiin muhiim ma’ay ahayn in uu sidaas faahfaahsan gudaha ugu sii gundo dego.