Coronavirus Sambabada Kuma Koobna Ee Waxa Uu Weeraraa Maskaxda Iyo Neerfeyaasha

0
818

Boqol iyo tobankii maalmood ee u dambeeyey warka ugu weyn ee adduunka lagu hayaa waxa uu ahaa xanuunka COVID-19 ee uu dhaliyo fayraska Corona iyo xaaladaha ka dhashay ee caafimaad, bulsho iyo dhaqaale. Waxaana maalin kasta soo kordhaysa barasho cusub oo loo yeelanayo xanuunkan aanay weli saynisyahannadu ka dhammaan daraasaynta wejigiisii koowaad ee barashada ahayd.

Xaaladaha u dambeeyey ee ay ogaadeen dhakhaatiir bukaanka COVID-19 kula tacaalaya magaalada New York ee dalka Maraykanka waxaa ka mid ah in calaamadihii xanuunka lagu yaqaannay ee xummada, qufaca qallalan iyo neefsiga oo cidhiidhi noqdaa, ay ku soo kordheen calaamado aanay hore u dhaadin oo ay ka mid tahay in xiska qofku isku dhexdaato ama xusuustu daciifto, taas oo gaadhaysa in bukaanku uu garan waayo waqtiga iyo goobta uu joogo. In kasta oo ay arrintani ka imanayso ogsajiinta dhiigga ku yaraanaysa oo saamayn ku yeelanaysa maskaxda. Laakiin dhakhaatiirtu waxa ay sheegayaan in ay la kulmeen bukaan badan oo dhibaatadan maskaxda la xidhiidhaa ay kaga badan tahay sidii laga filanayey, isla markaana aanay u dhigmin heerka bukaanka iyo caabuqa sambabadooda.

Dr. Jennifer Frontera oo ku xeeldheer caafimaadka neerfaha kana tirsan cisbitaalka jaamacadda Lagoon ee degmada Boorklyn, New York ayaa sheegtay in xaaladdan soo korodhay ay keenayso in wax la iska weydiiyo illaa xadka uu Fayraskani saamayn karo maskaxda iyo habdhiska neerfaha.

Waxaa arrintan u marag kacaysa daraasado hore loogu ogaaday isla xaaladahan oo kale. Waxaa ka mid ah daraasad uu toddobaakdii hore faafiyey joornaalka ‘American Medical Association (JAMA)’ oo ay dhakhaatiirtu sheegeen 214 bukaanka COVID-19 ee China ka mid ah, in boqolkiiba 36 ka mid ah lagu arkay xaalado caafimaad darro oo la xidhiidha neerfaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin dareenka urta oo taga, neerfayaasha oo qofka xanuuna, iyo xitaa qofka oo ay ku dhacaan suuxdin, ama dhiigga oo maskaxda qaybo ka mid ah ka istaaga ama carqaladooba taas oo keenaysa xaaladda ‘Stroke’ loo yaqaanno.

Xaaladaha dhinaca neerfaha iyo maskaxda la xidhiidha ee lagu arkay bukaanka COVID-19 waxa kale oo laga soo sheegayaa dalka Faransiiska. Iyada oo dhinaca kalana Dr. S. Andrew Josephson oo madax ka ah waaxda Neerfaha ee jaamacadda California dalka Maraykanka, ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in dadka badankiisu ku mashquulay keliya hadalka sheegaya in xanuunkani uu neefsiga dhibaato ku keenayo, laakiin ay runtu tahay in uu sida oo kale dhaawac gaadhsiinayo qayb jidhkeenna ka mid ah oo innagu qaaliya, taas oo ah maskaxda.

Isaga oo arrintan talo ka siinaya bukaanka COVID-19 ee guryahooda isku baxnaaninaya xaaladdooda oo ladan awgeed, waxa uu yidhi, “Haddii aad dareento jaahwareer, ama aad isku aragto dhibaato dhinaca fikirka iyo shaqada maskaxda ah, waxa aad u tagtaa dhakhtar.” Dr. Josephson waxa uu intaas ku daray in qalad tahay fikirka marka hore dadka loo sheegay ee ah in qofka bukaa uu dhakhtarka u tago keliya haddii uu isku arko cidhiidhi neefsiga ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here