Hargeysa (Geeska) – Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa sheegay in qof walba looga baahan yahay inuu ilaashado iimaankiisa, akhlaaqdiisa, ballanka iyo dhaarta uu maray, si uu Ilaahay SW agtiisa iyo ummada sharaf ugu yeesho, ugana nabadgalo oo uga fogaado liiska kuwa Ilaahay SW NACDALAY ee laaluushka qaata.
Khudbadii Jimcaha shalay oo Sh Maxamed kaga hadlay cunista xaaraanta ama isticmaalkeedaa sidii la doonaba ha loo cunee iyo cuqubada cidhib-xumadeeda, oo wakhtigan aynu joogno dad badan hamigoodu noqday sidee xoolo loo uruursadaa, meeshii la doono haka yimaadeene? Nebi Maxamed NNKH musiibadaa wuu ka sii digay, “Aakhiru-samaanka waxa dhici doona in qofku ku dedaali doono inuu xoolo uruuriyo xalaal iyo xaaraan meeshay doonto haka timaadee. Qofka Muslimka ahna sidaa maaha, Nebigaa CSW macalim buu inoogu ahaa oo yidhi “Xabad timir ah ayaan xaafadayda ku arkayaa, afka geli ayaan is-odhanaya, haddana inay sadaqo tahay ayaan uga shakiyaa, waanan iska daayaa” ubadkiisa iyo asxaabtiisana sidaa ayuu ku rabeeyey.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in xaaraantu ka mid tahay dembiyada waaweyn. Todobada dembi ee waaweyn sida dilka, sixirka ayuu Nebigu CSW tiriyey, oo ku daray xoolaha Agoonta iyo ribbada oo la cunno (waa xaaraanta), markaa nooc kasta oo ay yeelato xaaraantu wax sahlan maaha.
Xaaraanta oo la cunno cuqubada iyo cidhib-xumada ay leedahay oo laga hadlo dadka faa’iido iyo aqoon ayay yeelanayaan ka digtoonidoodu, halka diinta islaamku ka taagan tahay xaaraanta, iyo meelaha xaaraantu ka soo geli karto qofka si dadku u xusuustaan ka digtoonidooda.
Sheekh Maxamed oo ka hadlayey cuqubada cunista xaaraantu leedahay ayaa sheegay inay nafta qofka, ehelkiisa, maalkiisa, ummada, waddanka, ama adduunyadiina iyo aakhiradiisa ama qabrigiisa ku dhici karto, meel u fayow ma jirto. Waxaanu yidhi,
“Qofkii maal xaaraan ah cunay, naftiisa, ehelkiisa, maalkiisa, ummada, wadsanka, asduunyadiisa, aakhiradiisa iyo qabrigiisa intaba way ka ibtilaysaa cuqubadeeda awgeed.”
Cuqubada koowaad ee Nebigu CSW sheegay waa sida xadiiska saxeex Muslim ku sugnaa, “Qofku hadduu maal xaaraan ah cunno ducadiisa lama aqbalo” mar hadii dhar iyo dhuuni iyo waxii lagu soo koriyey xaaraan tahay. Qofku Ilaahay SW wuu baryayaa, laakiin ducadiisa waxa hortaagan xaaraanta uu cunay.
Cuqubada waxa ka mid ah barako la’aan, wax badan qofku ha haysto haduu doono, laakiin barako ma laha, tiro ha lahaadeen, balse tayo ma laha. Ilaahay SW ayaa aayad inoogu sheegay “Waxii sadaqo ah Ilaahay wuu badiyaa, maalka ribadu ku jirtana wuu barako tiraa (waa xaaraanta).”
Nebigu NNKH waxuu yidhi xadiiskii saxeexaynka “Dhaarta beenta ah ee xoolaha (ganacsiga) aad ku socodsiiso, alaabta waad ku iibin, laakiin barakada ayey ka qaadaysaa.” Maxay badnaantiisu kuu taraysa maal bilaa barako ah oo aad uruuriso.
Cuqubada saddexaad Ilaahay SW wuu nacdalaa oo u cadhoodaa qofka xoolo xaaraan ah uruurinaya, sida Ilaahay SW aayad inoogu sheegay “Dadka ku iibsanaya ballankii iyo dhaartii ay galeen aduunyo yar, kuwaasi aakhiro nasiib kuma laha, Ilaahay SW ma eegayo, lama hadlayo, dembigana kama dhaafayo, cadaab kulul-na wuu gelayaa.”
Xadiis saxeexa ku sugan Nebigu CSW waxuu yidhi “Ilaahay SW ha nacdalo qofka cunna ribada, ka cunsiinaya ee isugu soo hagaajinaya, karaaniga wax u kala qoraya, markhaatiyada, dilaallada, dhamaantood waa isku dembi.”
Xadiis kale Nebigu CSW waxuu ku yidhi “Ilaahay SW ha nacdalo qofka kala bedela calaamadaha dhulku kala leeyahay”, baloodh, beer, dhulka dadku isu dhowyihiin.
Cuqubada xaaraanta waxa ka mid ah cadaabtul-qabri, sadaqada lagama aqbalayo, weligii masaajido, malcaamado ha dhiso, isagu muu lahayne maxuu saddaqeystaa? Waa xoolahii ummadee! Masiibooyin ayey ummada ku keenta cuqubada xaaraantu, qalbiga qofka xaaraan cunku wuu dhintaa, cibaadaduna dhadhan uma yeelato,waxuu ku dhiiradaa macaasida.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in mudooyinka dambe la arko dad aqoonyahano sheegta oo ka hadla ribadda weyn iyo ribadda yar, xagee ayey jirtaa islaamka?, Ilaahay SW waxuu yidhi “Ka taga dhamaan ribadda” waxa ribada la yidhaahdo ma kala yara hadday shillin tahay iyo hadday malaayiin tahay waa isku mid. Haddaba qofka ribada dadka u xalaaleeya intan oo daliil ayuu jebiyey, islaamnimmadana wuu kaga bixi karaa, marka inuu Ilaahay SW u soo noqdo ayaa ku waajib ah.
Meelaha xaaraanta laga shaqeysto ama qofka ay ka soo gasho waxa ka mid ah in dadka marka wax laga iibinayo tiradiisa/tayadiisa la yareeyo, xadiis Nebiga CSW ayaa macnahiisu ahaa “Qofkii inna khiyaama innaga mid maaha” dadka ganacsiga iyo baayac-mushtarka ku jira ayuu Nebigu CSw u digayaa, una sheegaya in qofkii na khiyaameeya naga mid ahayn, dhaqanka muslimka maaha.
Waxa ka mid ah dhul-boobnimmada, oo qofku intuu ku mamo iska qaato? Ama dad haka qaado, ama danta guud haka qaato. Haduu qofku beer banaanka iska xidho oo yidhaahdo dhirteedan xaabo ayaan ka shidanaya, cawskeedana anigaa guranaya? Hantidii ummadu wada lahayd ayuu qaatay? Qofku haduu dhul iska qaato, oo aan loo sharciyeyn, waxna ka dhisin ma laha.
Waxa ka mid ah dhaxalka agoonta oo la cunno? Dhaxalkii caruurta agoonta looga tegay ayey iska cunayaan, ama magtii caruurtu lahayd ayey iska cunayaan caaqilada, odeyaasha reerku oo iska qeybsanayaan waxii qubanaha la odhan jiray, waxa ka mid ah tuugada, nooc kastoo ay tahay, dad baa waxii dayacan u haysta xalaal? Waxa ka mid ah amaano qofkii loo dhiibo dafiro, sidoo kale laaluushka oo maalmahan suuqiisu xaami yahay? Marka kursiga la dhaqdhaqaajiyo, dadka madaxdu inbadan shacabka ayey laaluushaan si loo doorto? Marka la doortana iyaga doonaya laaluush ilayn markii hora laga qaadee? Saaka waxaan maqlay xildhibaanadii soo baxay midkood oo ku qeylinaya, “Waar Ilaahay SW ka baqa oo laaluushka naga daaya..ma nihin xoolo gowraca oo seyladda lagu kala iibsanayo? Codka in la iibsado waa xaaraan, ee ka fogow kuwa Ilaahay SW NACDALAY ee laaluushka qaata? Ilaahay SW ayaa quraanka inoogu sheegay “Dadka ku iibsanaya ballankii iyo dhaartii ay galeen aduunyo yar, kuwaasi aakhiro nasiib kuma laha, Ilaahay SW ma eegayo, lama hadlayo, dembigana kama dhaafayo, cadaab kulul-na wuu gelinayaa.” Waxa igu Walaahi ah inaan dadlka, dadka iyo diinta daacad u ahay” ayuu ku dhaartay, waxaanu ka dambaysiinayaa ii dhiiba? Qofkan hadaad markhaati been ah u furtay, oo go’aan been ah wax kaga qaadato? Shaqsiyadaadi halkaa ayey ku dhimatay? Marka waxa waajib ah in qofku ilaashado iimaankiisa, akhlaaqdiisa, ballanka iyo dhaarta uu maray, si aad Ilaahay SW iyo ummada agtooda sharaf ugu yeelato, ugana nabadgasho oo uga fogaato liiska kuwa Ilaahay SW NACDALAY ee laaluushka qaata.
Geeska.net/Hargeisa Office