Mudaneyaasha Cusub Ee Wakiillada Oo Loo Soo Jeediyey In Aanay Ku Deg-degin Ansixinta Xeerka Furista Ururrada, Haddii Guurtidu Dib Ugu Soo Celiso

0
565

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee wakhtigu ka dhammaaday, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajaahan Xeer Golihii uu ka tirsanaa deg-deg u ansixiyey, maalmihii ugu dambeeyey ee muddo xilkeedkooda, waxaanu Golaha cusub ee beddelay uu ka codsaday inay dib u eegaan marka uu Xeerkani dib ugu soo noqdo, kana soo noqdo Golaha Guurtida oo uu hadda horyaalo. 

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile,oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sidoo kale sheegay inay Xukuumaddii hore Axmed Siilaanyo ay jabisay Sharciga iyo Dastuurka, waxaanu ugu horeyn yidhi “Waxaa jira Xeer uu si deg-deg ah Golahayagu u ansixiyey, xeerkaas oo ah in dib loo furo Ururrada Siyaasadda, xeerkaasi wuxuu hadda hor yaallaa Golaha Guurtida, waxaa dhici karta inay Golaha Guurtidu sidiisa ku ansixiso oo ay ku soo celiso Golaha Wakiillada na beddelay waxaa kale oo dhici karta inay wax ka bedel iyo kaabis ay ku sameeyso, kadibna ay dib ugu soo celiso Golaha Wakiillada ee na beddelay, markaas Golaha na beddelay waxaan leeyahay waa inaad ka fiirsataan xeerka dib idinku soo laaban doona ee deg-deg Golahayaga u ansixiyey, maxaa yeelay xeerkan oo hadda Golaha Guurtida hor yaalla, oo ah Xeerka furista ururrada siyaasadda, waxaan leeyahay Golaha cusub aad uga fiirsada, oo si xeel dheer u eega, oo ha ku deg-degina inaad ansixisaan, maxaa yeelay imika ayaa Doorashadii Golaha Deegaanka la galay, inta badana Doorashada Golaha Deegaanka iyo xulashada Xisbiyada Siyaasadda ee ka soo baxa ururrada Siyaasadda ee tartamay way wada socdaan, oo ma kala hadhaan”.

Mar uu sheegay inay Xukuumaddii hore sharciga jebisay wuxuu yidhi “Xukuumaddii Axmed Siillaanyo  si badheedh ah ayey u  jebisay Dastuurka iyo Sharciga, Guurtiduna way ku raacday, oo Goleyaasha Deegaanka oo aan Sharcigu ogolayn inay muddo kordhin loo sameeyo, ayey muddo kordhin loo sameeyey, sidaas darteed waxay ahayd in Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo ururrada siyaasadda la isla sugo, balse hadda Doorashadii Golaha Deegaanku ee dalku way dhacday, waliba waxay dhacday iyadoo ku sidkan Doorashada Golaha Wakiillada, markaas tartan bilaa halbeeg ah  laguna soo xulayo Axsaab doorasho bilaa Gole Deegaan ah garan maayo, halkay ka dhacayso, Wadamada aynu jaarka nahay iyo Caalamkaba Axsaab lagu soo xulo qaabkan oo kale maan arag, ee Golaha cusub waxaan leeyahay Xeerkan ururrada siyaasada dib loogu furaayo aad ugu fiirsada”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office