Xildhibaano Cirro Ugu Hanjabay Maamuus Ka Xayuubin Iyo Kuwo Kale Oo Madaxweynaha Ugu Hanjabay Maamuus Ka Xayuubin Jawaab Ah

0
645

Picture1Hargeysa(Geeska)-Laba garab oo ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland kana soo kala jeeda xisbiga KULMIYE iyo xisbiga Waddani ayaa hawada isu mariyay hanjabaado kala duwan. Garab ayaa wuxuu guddoomiye Cirro ugu hanjabay maamuus ka xayuubin, halka uu garabka labaadna Madaxweynaha ugu hanjabay maamuus ka xayuubin.

Garabka KULMIYE ayaa guddoomiye Cirro ku haysta marin habaabin ay sheegeen inuu ku sameeyay xeerkii diiwaangelinta ee ay dhawaan golaha wakiiladu ansixiyeen oo ay guurtidu dib u soo celisay.

Hanjabaada 1aad

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE ugu jira Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ku eedeeyey in uu marin habaabiyey xeerkii Diiwaan galinta Madaniga ah ee dhawaan ay dib u soo celiyeen Golaha Guurtida Somaliland,waxaana ay sheegeen in Xeerkaas loo gudbiyey Golaha Guurtida Somaliland aanu ahayn xeerkii laga ansixiyey Aqalka Golaha Wakiilada.Iyaga oo sida oo kalena ugu hanjabay guddoomiye Cirro in ay ku keeni doonaan Mooshin ay xilka kaga xayuubinayaan.

Xildhibaanadan oo kala ahaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere,Xildhibaan Ibraahim Ruush,iyo Xildhibaan Cali Barre ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Xarunta Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland,waxaana Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere) oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay uu sheegay in Xeerka loo gubiyey Golaha Guurtida Somaliland ay ku jiraan illaa Sagaal Qodob oo aan ahayn sidii ay ku ansixiyeen Xeerka Diiwaan galinta Madaniga ah. Waxaanay guddoomiye Cirro ugu hanjabeen maamuus ka xayuubin.   “Xeerkii aanu gudbinay ee Goluhu Ansixiyay ee uu 64 Mudane ugu codeeyay maaha xeerka la gudbiyay ee waa mid ka gadisan. Waxaanu soo qaadnay xeerkii Asalkii ka yimid Xukumadda iyo Xeerka Gudoomiyuhu(Cirro)gudbiyay, waxaanu ka soo min guurinay qodobo 9 qodob ka kooban oo kala ah sidii Xukumaddu ku soo gudbisay iyo sidii Gudoomiyuhu ku sii gudbiyay ee guurtida ugu gudbiyay.Markaanu Ogaanay in Xeerka Guurtida loo gudbiyay ahayn kii Golaha laga gudbiyay ee loo codeeyay aanu ahayn waxaanu qaadnay fajac iyo jaahwareer waayo,waxaanu garan waynay waxa kalifay in khiyaamadani dhacdo” ayuu yidhi XIldhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin.  Sida oo kalena Xildhibaan Ibraahim Ruush oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku hanjabay in haddii sidan wax laga badali waayo ay keeni doonaan Mooshin Xil ka xayuubineed oo ka dhan ah guddoomiyaha Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland. “Khiyaamadan qaran ee dhacday oo laga wada hadlo mooyaane Golaha haddii la furo waxa ugu horeeyay ee Imanayaa waa xil ka xayuubin, waa Imbiijmankaaga, waayo? Wixii xilka lagaaga xayuubin lahaa ayaad ku kacday, adigoo iska maydha oo banaanka soo dhiga mooyaane haddaad isku daydo inaad gole hogaamiso ku tala gal in Xilka lagaa qaadayo”Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Ruush.

Hanjabaada labaad

Dhanka kale Qaar iyaguna ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Golaha Wakiilada ugu jira oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa ka difaacay guddoomiyaha Aqalka Wakiilada Somaliland eedaymaha ay qaar ka tirsan Xildhibaanada Xisbiga KULMIYE ugu jira Golaha Wakiilada Somaliland.

Guddoomiyaha Gudida Joogtada ah ee Aqalka Golaha Wakiilada Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu ugu horeyn uu eedeymo weyn uu u soo jeediyey guddoomiyaha Aqalka Golaha Guurtida Somaliland Md:Saleebaan Maxamuud Aadan,waxaana uu sheegay in si sharci darro ah uu maqlay qaar ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Golaha Wakiilada oo ka codsaday in Xeerka loo gudbiyey in uu dib ugu soo celiyo Aqalka Wakiilada,waxaana uu sheegay in arrintaasi ay ahayd arrin sharci darro ah. "Nidaamka Labada aqal ee Xeer dajinta dalku siday wax isagu gudbiyaan shuruucda dalka dastuurka ayaa cadeeyey.Marka xeer laga ansixiyo Golaha Wakiilada waxaa loo gudibiyaa Golaha Guurtida Somaliland,u jeedada loogu gudbinayaa waxa weeye haddii ay wax ku jiraan in ay dib u eegaan oo ay dib u saxaan oo ay raacaan,haddii sida aanu u soo dhignay ay ku ansax tahay ay nagu raacaan,haddii kalena ay wax ka soo badalaan.Sidaasina may dhicin oo Saleebaan waa uu iska hor istaagay Golahii in uu xeerkii u qaybiyo,deedna inta uu golahii soo hor fadhiistay ayaa uu yidhi Inamo ayaa noo yimi,inamadaasina waxaa ay yidhaahdeen xeerkii waxbaa ka qaladan ee soo celiya,sidaas darteed gali mayno xeerkiiyee,Golaha ayaa aynu dib ugu celinaynaa,waa sharci darro arrinkaasi”Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qodobada ay ka cabanayaan Xildhibaanada Xisbiga KULMIYE ay yihiin qodobadii lagu kordhiyey kadib markii xeerka ay mudanayaal dhan 34-xildhibaan ay ka doodayeen muddo 18-cidho ah. “Erayada ay sheegayaan iyo qodabada ay sheegayaan nimanka hadlay dee Xeerka dood ayaa laga galay,oo waxaa ka dooday 34-Xildhibaan oo golaha Wakiilada ka tirsan ayaa ka dooday,muddo 18-cisho ahna doodiisa ayaa socotay oo golaha lagaga doodayey xeerka oo doodiisu ka socotay goalaha,waxaa qasab ah oo sharciguna uu dhigayaa in waxa ay mudanayaashu ka doodaan in xeerka lagu darro,waana nidaamka sharci ee aanu samayno xeerarka,Maxaa ay u doodayaan Xildhibaanadu haddii ay u xeerka isu dhaafinayaan sidii ay Xukuumadu isu soo gudbisay,Xeerka markii la gudbinaayey doodii xildhibaanada ayaa lagu daray,markaa haddii ay laba qodob ku soo kordheen iyo haddii ay toban qodob ay ku soo kordheenba, waa xeer ka dhashay doodii ay mudanayaashu sameeyeen ee Golaha Wakiilada oo hadal qoraal kodiina la hayo”Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

Ugu danbayntiina Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu isna dhankiisa uu ku goodiyey in haddii ay Xildhibaanada Xisbiga KULMIYE ugu jira Aqalka Golaha Wakiiladu ay keenaan Mooshin Xil ka xayuubin ah oo ka dhan ah guddoomiyaha Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ay iyaguna keeni doonaan Mooshin Xil ka Xayuubineed oo ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) "Waxaa ay yidhaahdeen haddii uu guddoomiyahu uu golaha uga yeedho kalfadhi aan caadi ahayn, waxaanu keenaynaa mooshin xil ka xayuubin oo lagu ridaayo guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland oo aanay wahelin Labada guddoomiye ku xigeen,haddii ay dib u istaadheen Xurguftii diyaar ayaanu anaguna u nahay in aanu dib u istaadhno xurguftii,waayo qaniinyo qaniinyo ayaa kaa fujisa. Anagu markaa maxaanu samaynaynaa?.Nimankani iyaga ayaa haysta Xukuumada iyaga ayaa lacagtii haysta iyaga ayaa ciidankii haysta iyaga ayaa Golahii guurtida haysta Markaa haddii ay keenaan xil ka xayuubin guddoomiyaha ah,waxaanu anaguna keenaynaa Xil ka xayuubin Madaxweynaha ah,oo aanu qiil u hayno oo ah Madaxweyne daalan oo aan Doorasho gali karin,Madaxweyne Muddo kordhin Doonaya.Madaxweyne kolna odhanaya waan sharaxanahay kolna ma sharaxni"Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog.