Ciyaartii Hawd Iyo Buuhoodle Oo Saaka 8:00 ilaa 10:00 La Qabanayo

0
504

Picture1Borama(Geeska)-Ciyaartii shalay baaqatay ee gobalada Hawd iyo Buuhoodle ayaa la qorsheeyay inay subaxnimada hore ee saaka ka qabsoonto magaalada Borama.

Ciyaartan ayay saraakiisha wasaaradda ciyaaruhu labada gobol u sheegeen inay bilaabmi doonto 8:00 subaxnimo islamarkaana ay dhammaan doonto 10:00 subaxnimo. Inkastoo aanay wasaaradu sheegin sababta subaxnimadan hore loo qabanayo ciyaarta, haddana sababta ayaa ah xaaladda amni ee magaalada Borama ka jirta oo aan saamaxayn in labada gobol wada ciyaaraan gelinka dambe.

Labadii maalmood ee u dambeeyay waxa magaalada Borama ka jirtay xaalad amni darro iyadoo barqadii shalay dab la qabadsiiyay guriga taliyaha booliska gobalka Awdal. Sidoo kale ciidamada booliska ayaa rasaas ku dilay wiil dhallinyaro ah Axadii, iyadoo uu rasaastaasna mid kale ku dhaawacmay.