Cismaan Caato Oo Xamar Ku Geeriyooday

0
572

Picture1Magaalada xarunta u ah Somaliya ee Muqdisho waxaa ku geeriyooday Xildhibaan Cismaan Xasan Cali Caato oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlaaanka Somaliya ee hada.

Geerida Cismaan Caato waxa xaqiijiyay ehelkiisa ku waas oo sheegeen in xannuun aanu hore u qaban balse nabarkan uu u geeriyooday uu ku soo booday, Waxa uu ku geeriyooday 4-tii galabnimo ee shalay gurigiisa oo ku yaal degmada Hodan.

Cismaan Xasan Cali Caato waxa uu ahaa nin ganacsade ah, laakiin waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyayaashii dagaalka Muqdisho waxaana uu gacan midig u ahaa General Maxamed Faarax Ceydiid, isagoo xagga dhaqaalaha ka taakuleyn jiray.

Laakiin markii danbe waxaa isaga iyo Ceydiid soo kala dhexgalay khilaaf kaasi oo keenay inuu dhexmaro dagaal culus labadii maliishiyo ee ay kala hoggaaminayeen.