Cisbitaalka Edna Oo Laga Bilaabay Qaliino Bilaasha Oo Lagu Dawaynayo Carruurta Madaxu Weynaado

6
618

Picture2Hargeysa (Geeska) – Cisbitaalka Edna Maternity, ayaa bilaabay qaliino bilaa lacag ah oo lagu samaynayo carruurta Madaxu waynaado iyo kuwa uu dhabarka iyo xangulaha ay ka soo baxaan burooyinku.

Qaliinadan oo labadii sanadood ee u dambeeyay Cisbitaalku ku sameeyay ilaa 73 carruur ah, isla-markaana ay fuliyaan dhakhaatiir Maraykan ah oo si tabaruc ah ugu adeega dhalaanka, ayaa mar kale Cisbitaalka Edna ka bilaabay qaliinadaasi, waxaana loo diwaangaliyey ilaa dhowr iyo labaatan carruur ah oo laga kala keenay gobolka Geeska Afrika.

Madaxa Edna Maternity Drs Edna Aaden Ismaaciil, ayaa faahfaahin ka bixisay qaliinada cisbitaalku u samaynayo carruurta madaxu waynaado iyo carruurta kale ee xangulaha iyo dhabarka ay ka soo baxo burooyinku, waxayna tidhi “Waxa inoo joogta dhakhaatiirta khuburada ah ee sameeya qaliinada carruurta ku dhalata burooyinka dhabarka ka soo baxa ee la yidhaahdo xangulaha oo dibada ah iyo Madaxa waynaada”

Drs Edna, waxa kale oo ay sheegtay tirada carruurta cisbitaalku hore qaliinada ugu sameeyay “Hore waxa loo sameeyay 73, waana laba sanadood intii aanu hawshaa wadnay ee dhakhaatiirtu imanaysay, imikana waxa jooga tiradii ugu badnayd oo ka yimaada Geeska Afrika oo dhan, Soomaaliya way ka yimaadaan, Somaliland koonayaasheeda ayay ka yimaadaan, kililka shanaadna way ka yimaadaan, Jabuutina marar waa laga soo diraa” ayay tidhi waxayna intaa ku dartay “Carruurtaasi marka la keeno qaar la qali karo iyo kuwo aan la qali Karin ayaa jira, haddii neerfayaashu hooseeyaan lama qalo, haddiise neerfayaasha qaarkood u fayow yihiin waala qalaa wayna iska bogsadaan oo way koraan”

Drs Edna Aaden Ismaaciil, waxay sheegtay oo kale in carruurta kharash la’aan lagu qalo oo aan wax lacag ah laga qaadin “Carruurtan kharash la’aanbaa lagu qalaa, laakiin waxa taageero xoog leh looga baahdaa hooyada ilmaha dhashay, waxaanu u baahanaa inaanu ilmahaasi ooyin, waayo oohintaasi way qarxinaysaa meelihii la toley oo aad u jilicsan, markaa dhibaatada ugu weyni waxay naga soo gaadhaa waalidka”

Marwo Edna waxa kale oo ay sheegtay inay damaanad qaadeen dhakhaatiirta qaliinada samaynaysa “Dhakhaatiirta annaga ayaa damaanad qaadnay oo meel ay seexdaan iyo raashin ayaanu siinay, dhakhaatiirtaasina inta badan waa dhakhaatiir waaweyn oo aan inooga baahnayn (Mushahar) waa dad mushahar u socda, waxayna soo qaataan fasax lacag la’aan ah, annaguna madaarka ayaanu ka soo qaadnaa, waanu dejinaa, nabaddooda iyo nadaafadooda (ayaanu damaanad qaadnaa”ayay tidhi.

Comments are closed.