Borama: Ganacsade Dawladda Hoose Ku Eedeeyay Inay Dhibaato Ku Hayso Meheradiisa

0
613

Picture3Borama(Geeska)-Ganacsade Cabdikariim Muumin Jaamac Samaale oo ka mid ah ganacsatada waawayn ee cashuur bixiyayaasha ah ee magaalada Boorama, isla markaana leh gudaha ganacsi si xoogan u socda oo la  yidhaahdo XIIS ayaa waxa uu saxaafada u soo bandhigay cabasho iyo dhaliil ka dhan ah D/Hoose ee Boorama, kadib markii subaxnimadii shalay  ay shaqaalaha dawlada hoose galeen mid ka mid ah ganacsiyada XIIS ee gudaha Boorama isla markaana ay hakiyeen dhisme halkaasi ka socday.

 

Ganacsade Cabdikariin ayaa waxa uu si kulul u dhaliilay wax uu ugu yeedhay hab-dhaqanka guracan iyo masuuliyad darada maamulka Dawlada Hoose ee Boorama, waxana uu cadeeyay in ciidanka iyo shaqaalaha D/Hoose ee Boorama ay u gaysteen qasaare naf iyo hanti isugu jira.
“Waxa aan si xoogan u cambaaraynayaa isla markaana sheegayaa in Madaxda Dawlada Hoose ee Boorama ee kala saraysaa ay masuul ka yihiin bililiqada ay shaqaalaha Dawlada Hoose u gaysteen xaruntii ganacsiga ee XIIS ee bartamaha Boorama, sidoo kalena ay ka masuul yihiin dhaawaca loo gaystay Hooyaday Xiis iyo Wiil aan walaalo nahay oo ay bakoorado la dhaceen shaqaalahaasi nagu soo duulay, iyo hanta aad u badan oo ay ka mid yihiin shaadhadh, Mobile labtop ah, macawiso xariir ah, qalab electronic ah iyo hanti kale oo naga maqan oo aan aaminsanahay inay sii bililiqaysteen shaqaalaha D/hoose ee na soo weeraray” ayuu yidhi Ganacsade Cabdikariin.

Ganacsadahan oo faahfaahinayay sida uu falkani u dhacay ayaa waxa uu yidh “Xaruntan ganacsi ee aan ku leenahay bartamaha Boorama waxa ay lahayd albaab jiingad ah oo aan qirnay inaanan lagu aamini karin hanti badan, waxa aan damacnay inaan u badalno albaabkaas nooc bir ah, waxa aan tagnay D/Hoose ee Boorama, waxa aan kala hadalay Maayarka Maayar ku xigeenka iyo Xoghayaha D/Hoose waxana ay nagu xidheen inaan bixino lacag dhan boqol kun oo shilin oo fasax ogolaasho ah oo aanan xaq la noogu lahayn, waan ogolaanay tii oo warqadii waa lana soo siiyay, saaka waabarigii waxa nala soo hadlay madaxa Shaqaalaha D/Hoose oo ah ninka la yidhaa Ayaanle Siciid, waxa uu na waydiiyay lacag kale oo dhan 35 doolar oo aanan garanayn waxa ay tahay balse aan u malaynay laaluush, markii aan ka hakanay ee aan saaka waabarigii bilawnay inaan shaqada gudo galno waxa na soo dul dagay shaqaalaha Dawlada hoose oo aan ku qiyaasnay in ku dhaw 65 qof, kuwaas oo is hor taagay shaqadii aan fasaxa u haysanay, sidoo kalena gacanta ula tagay Hooyaday XIIS iyo wiil aan walaalo nahay, siina bililiqaystay hanti badan oo aan diiwaan galinay oo naga maqan”

Ugu dambayntii waxa uu ganacsade Cabdikariin xusay in ay dacwad gaarsiiyeen ciidanka Booliska balse aanan wali waxba laga qaban “Waxa aan ku dacwoonay ciidanka Booliska, balse anagii ayay dib noo xidheen, markii ay odayaashu u yimaadeen ee shaqaalahii bililiqada la sameeyayna loo yeedhay ayaa waxa ay eeda oo dhan ku riixeen masuuliyiinta D/Hoose, waxa laga codsaday inay yimaadaan xarunta booliska oo ay arkaan dhaqan xumada shaqaalahoodu sameeyeen, balse way ku gacan saydheen Maayarka, M/Ku Xigeenka iyo Xoghayaha D/Hooseba inay yimaadaan xarunta Booliska, waxana aan u aragnaa waxan dhacaya oo dhan cadaalad daro, ku takri-fal awoodeed iyo masuuliyad xumo u soo hoyatay maamulka degmada, waxana aan ugu baaqayaa xukuumada dhexe gaar ahaan wasaarada Ganacsiga inay arintan wax ka qabato oo ay muujiso xurmada ay dalkan ku leeyihiin ganacsatada Somaliland ee cashuur bixiyayaasha ahi”

Dawladda Hoose ee Borama, oo aanu isku daynay inaanu warkan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.