Al-Shabaab Oo Sheegatay Weerarkii Ka Dhacay Nayrobi

3
609

Picture1Nayrobi(Geeska/W.Wararka)-Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii shalay lagu qaaday suuqa loo yaqaan Westgate Mall ee magaalada Nayroobi, halkaas oo ay ku dhinteen dad tiro badani.

Al-Shabaab, ayaa barta ay ku leedahay twitterka, waxay xalay ku cadeeyeen masuuliyadda weerarkaas inay fuliyeen iyagu. Waxaanay sheegeen inuu weerarkoodu yahay mid ay ugu aar-gudayaan dad Somali ah oo ay sheegeen inay ciidamada Kenya ku laayeen duqaymo. Waxaanay sheegeen in dadka weerarka fuliyay oo ay la xidhiidheen u sheegeen inay dileen boqol ruux oo Kenya u dhashay.

Bisha Cas ayaa sheegtay in ilaa labaatan qof ay ku dhinteen, in kabadan konton kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaas.Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay sidoo kale isticmaaleen bambaano.

Boliis hubaysan ayaa tagay xarunta dukaamada, waxaana ku biiray ciidamada Kenya.

 

Wiil Somali ah oo lagu magacaabi jiray Yaasiin Xirsi Diiriye, ayaa ka mid ah dadka weerarkaas ku geeriyooday, waxaanay wakhtigaas wada socdeen xaaskiisa oo iyadu badbaaday. Geesta kale, waxa soo baxaya warar sheegaya in dadka geeriyooday ay ku jiraan dad reer galbeed ahi.

Comments are closed.