Hargeysa (Geeska)-Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa sheegay inay Xukuumaddu ku fashilantay inay wax ka qabato ama qorshe cad, talo iyo siyaasad cad ka yeelan kari weyday Abaaraha baahsan ee dalka ka jira,sicir bararka iyo dhoofka xoolaha ee la joojiyey.
Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale baaq nabadeed u diray beelaha dagaalku ku dhexmaray Deegaanka Buuhoodle, waxaanu ugu baaqay inay colaada joojiyaan, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Saddex xaaladood oo dalka ka jiraa waxaad mooda in aanay Xukuumadda Somaliland in talo iyo siyaasad midna ka lahayn, midi waa abaarta, oo ilaa iyo bishii kow iyo tobanaad xaaladeedu ka sii daraysay, Xisbiga Waddani si uu xogogaal ugu noqdo Gobolada Barri buu tagay, ilaa intaana baaqyo badan baa la soo jeedinayey, in la xoojiyo gurmadka iyo taakulada Shacbiga reer Somaliland, waxaad mooda inay Xukuumaddu xilkeedii malaa waxay ku wareejisay Guddida Abaaraha, oo aanu ognahay awoodooda iyo waxay helaan iyo waxay ururiyaan, Shacbigii reer Somaliland abaartii si ba’an, ba’an, Ba’an ayey u haleeshay, Shacbiga xoolihii wey ka dhammaadeen, wax qorshayaala oo loogu talagalay ma jiro, maanta waxay ahayd maalintii kaamamka la sameeyan lahaa, ee lagu ururin lahaa, intii is dhaqaajin karaysayna waxay tageen Puntland iyo Itoobiya iyo meelo ka shisheeya, Gobolada kalena markii hore waxa lagu tuhmayey sida Gobolka Awdal”.
Cabdiraxmaan Cirro mar uu ka hadlaayey Xoolaha la joojiyey iyo abaarta ayaa yidhi “Abaarta ba’an ba’an, waxa arintii si xumeeyey oo sii adkeeyey Xoolihii oo dhoofkoodii laga joojiyey, Saylada Hargeysa waxa la sheegay neefka Adhiga maanta Boqol kun oo laana ayaa la siiyaa ama ka yar, ninka xoolo dhaqadada ah wuxuu mararka qaar waaya nooligii uu ku soo qaaday iyo kii uu ku baxaayey”.
Cabdiraxmaan Cirro mar uu ka hadlaayey Sicir bararka iyo Xukuumadda ayaa yidhi “Xukuumaddu sicir bararka wax siyaasad iyo talo midna kama laha, intaa dadku wey qaylinayeen, maanta waxay soo gaadhay in la xidho suuqyadii waaweyn ee Caasimadda Hargeysa, oo dadku wax ay wax ku iibiyaan ay garan waayeen, taasi markaas waxay keenaysaa abaartii aynu lahayn miyiga ayey jirta, guriyaheena ayey soo gashay oo Hargeysa ayey hadda joogtaa, waxa la doonayaa inay siyaasad cad la timaado Xukuumaddu, oo ay ugu talashay inay wax kaga qabato abaarta, sicir bararka iyo xoolaha la joojiyey intaba, maanta sicir bararkaasi qof kasta oo reer Somaliland ah noloshiisi cidhiidhi buu galiyey, wuxuu marayaa oo ku sabaynayaa wax aan la garanaynin, Sagaal kun, inuu Toban kun dhaafo ayaa laga yaaba, cid xukuntaa ma jirto, cid haddii taasi sii socotana waxay keeni doontaa gadood, in shacbigu gadoodo, ka miyiga jooga, ka magaalada jooga, Shacbiga waxaan ugu baaqaynaa inay marka hore is dejiyaan, laakiin Xukuumadda waxaan ugu baaqayaa in arintaa talo cad iyo siyaasad inay la timaado oo arintan wax lagaga qabanayo, haddii kale waxay u eekan doontoo taladu gacmaheena ayey ka baxaysa, qof walba markay dhibaatadu taabato, oo kii wax iibsanayey, wuxuu iibsado waayo, oo kii iibinaayey wuxuu ku iibiyo garan waayo, oo kii abaarti haleeshay, ee macaluusho haysay cid u gurmato waayo, xaaladaasi waa xaalad ba’an, waa xaalad adag, markii horena waxaad moodaysay baaqa ka soo yeedhayey Xukuumadda in loo gurmado dadkan in aanay jirin”.
Cabdiraxmaan Cirro mar uu ka hadlaayey in Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye, ay abaartii kaga mashquuleen Doorashada ayaa yidhi “Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ee XIsbul xaakimka ahi, arintaa waxay kaga mashquuleen in Doorashadii la qabto 28 march, inkastoo lagu heshiiyey in la joojiyo, haddana waxaan u soo jeedinaynaa in Shacbiga la dareen noqoto Xukuumaddu, oo Xukuumaddiisu la dareen noqoto, Xisbul xaakimku la dareen noqdo, oo wax kale iska dhigno, oo arimahan sidii wax looga qaban lahaa aynu iskugu tagno oo gacmaha iskugu geysano, anagu Xisbi Mucaarad ahaan wax kasta oo arintaa aanu kaga qayb gali karno haddii ay talo tahay iyo haddii ay gacan tahay intaba waanu ka geysanaynaa insha allaahu, waxaan ILLAAHAY ka bareyeya inuu abaarta inaga soo jabiyo, oo roob ina siiyo, Xukuumaddana waxaan ugu baaqaynaa arintani waxay u baahan tahay in saacado gudahood lagu farageliyo sidii aanay gacmaha uga bixin, waan salaamaya shacabka reer Somaliland”.
Cabdiraxmaan Cirro oo baaq nabadeed u diray Beelaha Buuhoodle ee dagaalku dhexmaray ayaa yidhi “Inkasta oo aan hore u sheegay baaqaas oo qoraal ah, waxaan jecel ahay in maantana ku celiyo, oo Saxaafadda horteeda ugaga baaqo Shacabka walaalaha ah ee Deegaanka Buuhoodle, ee shaqaaqadu dhexmartay in colaada la joojiyo, in nabada loo soo noqdo Odayaasha Dhaqanka iyo dhamaan Beesha Dhaqanka Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay hawshaas ka qayb qaatan dejinteeda, iyo nabadaynteeda, Xukuumaddana waxaan ugu baaqayaa inay doorkeedii ka qaadato, Shacabkana waxaan ugu baaqayaa abaar iyo colaad iskuma wadi karno ee colaada aynu joojino”
Geesta kale, Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa gurigiisa ku soo booqday xildhibbaan Ibraahim Axmed Haybe(Kacaan) oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland isla mar ahaantaana muddooyinkii dambe u jiifay xaalad caafimaad.
Booqashadan guddoomiye Cirro oo ay ku wehelinaayeen xoghayaha guud ee Xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, siyaasi Cali Cantar oo ka tirsan hoggaanka Xisbiga, xildhibbaano iyo weli ba mas'uuliyiin kale, ayaa ugu horeyn waxa xaaladdiisa caafimaad uga waramay xildhibbaan Ibraahim Kacaan iyo weli ba sida oo kale Ooridiisa, waxaana ay sheegeen in ay hada ay aad u wanaagsan tahay xaaladda xildhibbaanku balse baxnaano ay ku wadeen maalmahii ugu dambeeyey oo aanu ka soo reynin siddii ay doonayaan in ay xaalad caafimaad ugu qaadaan dalka Itoobiya si halkaas looggu soo daweeyo.
Xildhibbaan Ibraahim Kacaan oo si kooban u la hadlay guddoomiye Cirro, ayaa u sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada uu ugu yimi, waxaana uu Alle uga baryey in uu kheyrkeeda siiyo sida oo kale na uu isna xanuunka ka dulqaado.
Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo isna dhankiisa la hadlayey xildhibbaanka Ibraahim Kacaan, ayaa ugu horeyn Alle uga baryey in uu xanuunka ka dulqaado sida oo kale na uu dambi dhaaf ugu bedelo intii uu xanuunsanaayey, waxaana uu oorida iyo qoyska xildhibbaan Ibraahim Kacaan ba uu halkaas ku siiyey talooyin la xidhiidha xaaladda caafimaad ee Ibraahim Kacaan iyo sida ay ka yeelayaan wakhti xaadirkan.