Saleebaan Oo Ka Hadlay Doorashada Iyo Muddo Kordhinta

0
526

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa sheegay inaanu jirin wax qoraal ah oo kaga yimid madaxtooyada oo la xidhiidha dib u dhigista doorashada.

1

Saleban oo ay shalay saxaafadu su’aalo weydiisay ayaa yidhi “Wakhtigan  annaga wax na soo gaadhay oo qoraala ma ogin, dee markay na soo gaadho ayaanu ka talin. abaartaase waxay ila tahay inaynu gurmano, dadkiina midhadh baa dhintay, xoolana hadalkooda daa’, hala sii kala darnaado.”

Saleban oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “xoolihiina way ka madheen waanay baro-kaceen, nidaam ayay leedahay doorashadu ee dadku ha soo noqdeen, dadka ayaa codka bixiya ee dhulku ma bixiyo, dee abaartan Alle ha inaga kaxeeyo.”

Saleban ayaa wuxuu intaas raaciyay “Madaxweynuhu wuxuu leeyahay ilaa bisha March, hadduu qaban kari waayo wuu iska soo gudbin, markaas ayaanu ka talin doonaa, asxaabta iyo madaxweynuhu markay isku soo biirsadaan kolay golahan ayay horiman doontaa, duruufta markaas joogta ayaanu qiimayn doonaa, marka aanu is nidhaahno way ugu haboontahay ayay noqon doontaa.”