Cirro Oo Waraysi Gaar Ah Kaga Hadlay Wareejinta Haamaha Berbera, Wararka Sheegaya In Isaga Iyo Mr. Muumin Seed Is Hayaan Iyo Arrimo Kale

0
568

Picture6Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa waraysi uu la yeeshay wargeyska Geeska Afrika wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xisbiga Waddani, wararka sheegaya in madaxdhaqameed ka qayb galayaan shirka wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, wareejinta haamaha shidaalka Berbera iyo arrimo kale.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay waxa la gudboon haddii ay Doorashadu dib u dhacdo. Waxa kale oo uu ka hadlay kulan uu shalay la yeeshay masuuliyiin ka tirsan hay’adda Saferworld oo uu kulan la yeeshay, waxaanu waraysigu u dhacay sidan:

Waftigan aad la kulantay maxay ahaayeen, maxaad se ka wada hadasheen?

Waxa aan kulmay qoladan lagu magacaabo Saferworld, oo hadda la shaqaynaya qaybaha kala duwan ee bulshada, shaqooyinka kala duwan ee ay qaban doonaana waxa ka mid ah inay Axsaabta la shaqeeyaan iyo inay Komishanka la shaqeeyaan  iyo inay wacyigelinta Diiwaangelinta codbixiyayaasha ka shaqeeyaan, iyagu waa Ingiriis, waxayna qaateen mashruucaas ku saabsan arinta Diiwaangelinta iyo Doorashada ka shaqeeyaan, kalana shaqeeyaan Ururada Bulshada, Axsaabta, Komishanka iyo Xukuumadda.

Maalmahan waxa soo baxayey warar sheegaya inuu Turkiga madax dhaqameedada Somaliland iyo Somaliya u qabanayo wada hadaladii labada Xukuumaddood ka dheexeeyey, inkastoo ay qunsuliyada Turkigu warkaas beenisay, haddana sidaad u aragtaa?

Somaliland wey ka war qabtay in arinta wada hadalada Somaliland iyo Somaliya in Barlamaanka Somaliland u xalaaleeyey Xukuumadda Somaliland inay wada hadal la gasho Somaliya, ee haddii aanay Dawladdu u sii wakiilan Madax dhaqameedada xilkaasi waxa uu saaran yahay oo keliya Xukuumadda Somaliland.

Golaha Wakiiladu waxa uu laalay in la wareejiyo Haamaha, haddana Xukuumaddu wey wareejisay ee maxay kula tahay madaama aad tahay Guddoomiyihii Golaha Wakiilada?

Waxay aniga ila tahay inay Xukuumadda waajib ku tahay inay ixtiraamto go'aanka Golaha Wakiilada, wixii aanu Goluhu ansixina wax sharciya noqon mayaan, markaas arintaasi Golaha ayey u taala.

Khilaaf waa kii soo kala dhex galay masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye oo qaar ka mid ah Masuuliyiintii ay ka qayb gali waayaan Shirkii Golaha Dhexe, Xisbiga UCID waa khilaaf ayaa ka dhex jira oo waa kii is casilay Musharaxa Madaxweyne ku xigeen, sidoo kale warar soo baxay ayaa  sheegay in adiga iyo ku xigeenkaaga Xisbigu inuu khilaaf idinka dhexeeyo ee maxa ka jira?

Anagu arimaha Kulmiye iyo UCID waxaanu jecelnahay inay Axsaabtooda ku eekaato, wanaagooda ayaanu jecel ahay, inay wixii u gaar ah  dhamaystaan oo aanu anagu dhex galin arimahooda oo aanan ka hadal waxa ay ka mid tahay Siyaasada Xisbiga. Waxa aan u malaynayaa in arintii Kulmiye kadib inay Saxaafaddu weyday waxa ay ka hadasho oo waxa ay yar xoq xoqaysa arinta Axmed Muumin Seed, waxay ila tahay taasi mid jirta maaha, Axmed waa Musharax, Musharixiin kalena wey jiraan, laakiin Siyaasada Xisbigu waxa weeye in arinta Musharixiintu inay timaado oo kaliya marka Shirka la qabanaayo, oo aanay noqon arin suuqa iska taal-taala ama olole hadda laga bilaabo, arintaasina ma jirto, wax xumaan ah oo aniga iyo Axmed Muumin Seed naga dhexeeysa ma jirto.

Adigu diyaar ma u tahay in Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga lagula tartamo?

Wax kasta oo Sharciga Xisbigu ogol yahay aniguna waan ogolahay

Madaxweynuhu uu ka tanaasulay musharaxnimadii Madaxweyne ee maxaad yeelaysaan haddii ay Doorashadu dhaafto wakhtiga loo cayimay?

Waxa aan rajanayaa in ILLAAHAY idamkii aanay taasi iman, oo Doorashadu wakhtigeedii ay ku qabsoonto , sabab ay Doorashadu u qabsoomi weydana ma garanaayo, waayo Diiwaangelinta bisha December ayaa la bilaabayaa, haddii ay Diiwaangelintu dhammaatana Doorasho ayaa ku xigta, wixii xaalad ah ee soo kordhana qaranku uu ka tashanayaa.   

Maxaad Bulshada ugu baaqaysa?

Umadda reer Somaliland waxa aan ugu baaqaya xilli Doorasho ayeynu galaynaa, Diiwaangelin ayeynu galaynaa, wakhti xaasaasiya ayeynu galaynaa, waxa ugu muhiimsan waxaas oo dhan amaanka iyo nabadgaliyada, in nabadgaliyada wada ilaashano, wixii qaran ahaana leenahay iyo qarankeenana aynu wada ilaashano, wixii tartan aynu ku galaynana weynu u simanahay oo tartanu uu banaan yahay ee waxaan Shacabka ugu baaqaya inay midnimada iyo nabadgaliyada wada ilaashano