Cilmiga Kombiyuutarka: Amarrada La Soo Gaabsado Si Dhaqso Loogu Gaadho Jid Dheer Loo Soo Mari Lahaa (2)

0
732

Hargeysa (Geeska)- Waaqaybtii labaad uguna dambaysay qormadii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey amarro loo adeegsanayo batamo iyo xuruuf oo kombiyuutarka ah oo fududaynaya in uu kombiyuutarku qabto hawl haddii jidkeeda tooska ah loo soo maro qaadan lahayd waqti intaas ka dheer, waana waxa afka Kombiyuutarka lagu yidhaahdo (Shortcut):

7. Ctrl + Backspace: Waxa ay kaa caawinayaan in aad si dhaqso ah u tirtirto xarafka ugu dambeeyey ee aad qortay. Sida caadiga ah marka aynu qoraal samaynayo haddii aynu u baahanno in ay dib u tirtirno qaybo ka mid ah waxaa inoo furan dhowr jid oo ay ka mid tahay in inta aynu masaxayno xagga hore ka istaagno kadibna qabanno batamka Delete Ama in innaga oo xagga u dambaysa ka taagan aynu taabanno batamka Backspace oo isna dib u tirtiraya, laakiin labadan jeerba qoraalku waxa uu u tirtirmayaa xaraf xaraf, halka marka aad Ctrl iyo Backspace isla qabato ay kelmad kelmad u tirtirmayaan.

8. Ctrl + Left Arrow / Right Arrow: Sida caadiga ah marka aynu doonayno in Cursor ku uu dib u soo dul maro qoraalka aynu akhriyeyno waxa aynu taabannaa fallaadha u jihaysan dhianca midig, haddii aynu dib u eegaynana fallaadha u jeeda dhinaca bidix / Midig, laakiin haddii aad taabato Ctrl iyo Fallaadha u jeedda dhinaca midig ama ta u jeedda bixid waxa kuu suurtogalaya in kelmad kelmad uu u boodo Cursor ku.

9. Ctrl + ++: Marka aad internet ka isticmaalayso haddii bogga kuu furan aad qawaddo xajmigiisa oo ay kula haboonaato in aad weynayso ama uu kugu weyn yahay oo aad jeclaysato in aad yarayso. Isticmaal Ctrl iyo caalamadda xisaabta isu-geynta ee (+) waxaa markaba weynaanaya bogga internet ka ee kuu furan. Haddii aad rabtay in aad yaraysana waxaa aad adeegsataa; Ctrl oo aad la cadaadiso calaamada kala jaridda xisaabta ee (-)

10. Haddii adiga oo isticmaalaya adeegga kor ku xusan aad weynaysay ama aad u yaraysay boggii internet ka ee aad isticmaalaysay, ama ugu yaraan aad ka maarantay weynayntii aad u baahnayd markii hore, waxa aad isticmaalaysaa Ctrl iyo xarafka O.

11. Batamka Windows ee kombiiyutarka oo lala qabto xarafka M: Waxa ay yaraynaysaa/Laabaysaa dhammaan daaqadaha/faylashada furan. Haddii adiga oo Word ku dhex jira aad doorato amarkan waxaa soo ururaya mastaradda qoraalkuna dhinac ayaa uu isugu soo ururayaa. 12) Ctrl + L: Adiga oo ku dhex jira bogga internet ke (Internet Explorer) haddii aad rabto in aad si dhaqso ah u tagto sanduuqa cinwaana websites ka lagu qoro, waxa aad taabataa Ctrl iyo L. laakiin ogow in haddii adiga oo Word document ku dhex jira aad taabato Ctrl + L qoraalka ayaa dhinaca bidixda u guuraya.

13. Windows Key + Pause / Break: Isticmaalka amarkan si aad dhaqso ugu furto daaqadda uu ku qoran yahay tafaasiisha iyo macluumaadka kombiyuutarka. 14). Windows Key + L: Isticmaal amarkan haddii aad rabto in aad dhaqso u xidho muraayadda kombiyuutarka si adiga oo ka maqan aanay cidi qarsoodi u isticmaalin, oo qofka uu weydiiyo furahaagii sirta ahaa.

15. F2: Haddii aad dul tagto dhukumanti aad doonayso in aad magaa ka beddeso, kadibna taabato F2 waxa uu ku siinayaa fursaddii aad magaca kaga beddeli lahayd. (16) Ctrl+Tab: Haddii aad ku gudo jirto internet Explorer oo ay website yo tiro badani kuu wada furan yihiin, isticmaal amarkan si aad dhaqso ugu soo saari karto hadba website ka aad u baahan tahay.