UDUB Oo Wasaaradda Maaliyadda Ku Eedeeyay Inay Ka Boobtay Xafiis Uu Xisbigu Lahaa, Ciidamada Boliskana Ugu Baaqay Inay Dhexdhexaad Noqdaan

0
555

 

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa shalay xabsiga u taxaabay ku simaha xoghayaha guud ee UDUB Cabdixaliim Maxamed Muuse.

Inkastoo Cabdixaliim markii dambe la soo daayay, haddana wuxuu xadhigiisu yimid ka dib markii uu dacwad u gudbiyay taliska guud ee ciidanka Booliska, taas oo ka dhan ah xafiis xisbiga UDUB ku lahaa xarunta khayriyada Hargeysa oo la sheegay inay wasaaradda maaliyadu la wareegtay. Booliska ayaa amarka xadhigan bixiyay ka dib markii uu Cabdixaliim qaar ka mid ah warbaahinta dalka kula hadlay gudaha xarunta taliska Booliska oo uu uga waramay hawsha uu u socday. “Ciidanka waxaanu ka filaynay dhexdhexaadnimo, xisbiguna waa xisbi qaran, manay dhici jirin in masuul xil sare ka haya xisbiyada aanu xadhig kula kacno xilligii aanu talada haynay.” Sidaas waxa yidhi xoghayaha UDUB oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay “Aniguna saxaafadda lamaan hadal ee su’aal ayaa lay weydiiyay oo aan saxaafadda uga jawaabay, cidda ka dambaysay xadhigaasna waanu ognahay waxaanan ka qaadan doonaan waajibkayaga.”

Cabdixaliim, wuxuu xukuumadda u soo jeediyay inay dhawrto sharafta iyo karaamada xisbiyada qaranka, “ Dawladani meesha inqilaab kumay iman, asxaabtuna waxay leeyihiin karaamadooda, markaas falka noocaas ahi wuxuu meel kaga dhacayaa dimuqraadiyadii iyo dawladnimadii iyo sharaftii muwaadinka.” Ayuu yidhi.

Cabdixaliim oo la weydiiyay cidda ay ku eedaynayaan inay kala wareegtay xafiiskoodii khayriyada, wuxuu yidhi “Masulkii tagay ee xisbiga UDUB ka socday wuxuu noo sheegay in wasaaradda maaliyadu la wareegtay saddex xafiis oo aanu khayriyada ku lahayn, agabkii iyo dhukumentigii xisbigana waxa lagu daadiyay meel aan munaasib ahayn, hoolkiina nin ganacsade ah ayaa la siiyay.”

Waa markii u horaysay ee ay ciidamada Booliska Somaliland xidhaan masuul ka tirsan saraakiisha sar sare ee xisbiyada mucaaradka.