Hargeysa: Xaflad Lagu Soo Bandhigay Buugga HIIL Ee Ka Hadlaya Mushkilada Hayb Sooca

0
721

 

BUUGHargeysa (Geeska)-Akadamiyada horumarinta waxbarashada beelaha la hayb sooco ayaa habeen hore  ku soo bandhigtay magaalada Hargeysa, buug  ka hadlayaa hayb sooca, kaas oo uu qoray agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland Md Xasan Cabdi Madar, oo ah qoraa magac leh, waxaana buugan lagu magacaabaa HIIL.

Munaasibada buugaas lagu soo bandhigay waxaa ka soo xaadiray, wasiirka cadaalada iyo garsoorka Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid, gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, agaasimaha guud ee madaxtooyada Md. Xasan Cabdi Madar, agaasimaha koomishanka xuquuqal iinsaanka Marwo Aamin Cabdilaahi Axmed, agaasimaha samafalka ee  madaxtooyada Aamina Maxamed Diiriye, agaasimaha guud ee wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Baashe Maxamed Yuusuf, masuuliyiin kale oo ka socday shirkada Telesom iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxa halkaas lagu soo bandhigay buug uu qoray Xasan Cabdi Madar oo haatan ah agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland. Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha Akadamiyada horumarinta waxbarashada dadka la hayb sooco gudoomiye Barkhad Jaamac Xirsi, waxaanu in badan kala dar daarmay bulshada la hayb sooco sidii ay u joojin lahaayeen cabashada faraha badan ee ka soo yeedha, waa sida uu sheegay gudoomiye Barkhade. Sidoo kale wuxuu gudoomiyihu xukumda ku canaantay saamiga beelaha Somaliland oo uu sheegay in beeshaas aan wax muuqda laga siin xukumada, isaga oo sheegay in xisbiga Kulmiye ku ololeeyey in uu qayb lixaadle siin doono beelaha la hayb sooco. Waxaanu intaas ku daray in wali xukumada laga sugaayo ka shaqaalaysiinta xaafiisyada xukumada beelaha la hayb sooco. Gudoomiyaha oo arrimahaas ka hadlayey ayaa yidhi ‘waxaan xagan aad iyo aad caawa ugu mahad naqi lahaa aniga oo shaqsi shaqsi u soo koobi karayn bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwan oo mar kasta u dhaga nugul la dagaalanka iyo tir tirida nooc kasta oo takoora. Barnaamijyada noocan ah soo bandhigidoodu waa mid ka mida ujeedooyinka uu akadamigu leeyahay oo ah in la sameeyo barnaamjiyo wacyi galin ah oo bulshada qaybaheeda kala duwan loo yeedho laguna tir tiraayo nooc kasta oo uu takoor yahay. Waynu isla wada dareen sanahay oo waxa caawa madasha aynu u joognaaba waxay tahay in aanu waxani diinta iyo danimada aanu ku salaysnayn. Laakin caawa tani maaha in la isku cawdo ee waxa weeyaan in wada jir iyo midnimo toos ah inta la muujiyo oo in badan ayaa barnaamijkan hadal iyo huguba lagu dayaye’e in wax qabad rasmiya laga galo. Akadamigu isaga oo ka duulaya ujeedooyinkiisa wuxuu isku dayaa inuu madalo aqoon is waydaarsi iyo wacyi galin u qabo bulshada wax tabanaysa iyo garabka wax laga tabanaayo. Waxaan si gaara caawa ugu mahad naqayaa shirkada Telesom oo taageertay ama suurto galnimada barnaamijka iska leh caawa. Manaha ah markii koowaad ee shirkada Telesom wax la qabto dadka wax tabanaya, waxaana ilaahay mahadiiya inay toban macalin u gudbiyeen oo dadka wax u dhiga, barana diinta islaamka io xifdiga quraanka. Waxaan iyana halkan uga mahad naqayaa shirkada Nationlink oo iyada nagala qayb qaadanaysa dib u dhiska wadada daami ee ay dadkani dagaan, taas oo uu maayarkuna gacan buuxda naga siiyey dhwaana la dhisi doono. Dhanka kale habeen kasta qofkii kuu yimi haduu murugo kaala tago dhibkeeda ayey leedahay, laakin in dhinaca sawirka wanaagsan hadii laga eego oo horumarka la gaadhay la sheego waxa dhiman iyo meesha banaana la taabto markaas. Madaxweynaha Somaliland iyo xukumadiisuba markii barnaamijka siyaasiga ah lagu jiray waxay ololaha doorashada ku galeen inay sawirka siyaasadeed ee Somaliland ka dhex muujin doonaan dadka inta badan wax tabanaaya, laakin waxaad wali moodaa in maamulku ku mashquulsan yahay mashaqooyinka ka socda iyo sidoo kale arrimaha kaabashada dhaqaalaha, manay ahayn inay taasoo kale dhacdo iyada oo umada loo wada siman yahay oo dhaar loo wada maray. Marka wasaaradaha dalka dib loo eego waxaan odhan karayaay waxay kaga camal badan yihiin shirikaadka gaarka loo leeyahay oo agaasime waxaad kaliya malaha. Waxaana ka codsan lahaa maamulka bal in dadkaasi ay maruun iska dhex arkaan sawirka siyaasiga ah ee Somaliland.

Waxaa isna halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland Md Xasan Cabdi Madar, waxaanu sheegay in buugan lagu soo bandhigay adkademiyada  horumarinta waxbarashada dadka la hayb sooco uu ka waramaayo waayaha dadka la hayb sooco, waxaanu sheegay in uu taabanaayo labada dhinac qofka la hayb sooco iyo kii la hayb soocayba. Waxaanu sheegay in aan nacayb nacayb lagu dawayn laakin wanaag ayaa xumaanta lagu daaweeyaa. Xasan Cabdi Madar ayaa sheegay in qoraalka buugani uu ka dhashay maansadii Hadraawi ee Dhul Gariir iyo waxyaabo badan oo ka jira dunida guudkeeda.

Waxaa isna halkaas ka hadlay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu amaan balaadhan u soo jeediyey qoraaga buuga oo sheegay inay uu umada uga tagay dhax gal waara oo aan abid duugoobi doonin, waxaanu sheegay in qabiil iyo sheegashadi loogu yimaado gudaha Somaliland, waxaanu si gaara carabka ugu adkeeyey magaalada Hargeysa oo uu sheegay inay tahay meel qabiil loogu yimaado.

Wasiirka wasaarada cadaalada Somaliland Md Xuseen Axmed Caydiid ayaa isna halkaas ka hadalay oo sheegay in buuga Hiil uu yahay mid wax weyn ka tari doono takoorka iyo hayb sooco, waxaanu sheegay in arrimaha beelaha la hayb sooco ay khamiis kasta ku lifaaqan tahay shirka golaha wasiirada ee xukumada Somaliland, taas oo uu ku macneeyey in madaxweynaha Somaliland uu ku dhiiri galiyo tolihiisa wasiirada inay ka shaqaalaysiin wasaaradaha iyo xarumaha dawlada, in kastoo aanay wali waxbaka hir galin arimahaas. Waxaanu dhalinta Akadamiga u soo jeediyey inay abuuraan kooxo siyaasiya oo ka dhex muuqda goobaha siyaasada dalka lagu gorfeeyo.

Ugu danbayntii waxaa isna halkaas ka hadlay masuul sare oo ka tirsans shirkada Telesom Mr. Cabdiwahaab Maax Maxamed oo sheegay in arrimaha takoorka aan lagaga bixi karayn arrimo dhaqaale balse laga bixi karo sida uu sheegay cabsida ilaahay SWT, isla markaana meel looga soo wada jeesto isku tiirsanaanta iyo wada noolaanshaha, waxaanu sheegay in dadka la hayb sooco ay shirkad ahaan si tartan la’aana u galiyaan shaqada ka soo baxda Telesom, waxaanu intaas ku daray in shirkada Telesom ay tahay mida kaliya ee labaysa qaranimada Somaliland, isaga oo taas uga jeeday in cid kasta oo reer Somaliland dhaqaale ku leedahay  shirkada Telesom, isla markaana dib loogu celiyo gobol kasta dhaqaalaha ka soo baxa xisaab xidhka shirkada.