Ciidamada Booliska Oo Subaxnimadii Hore Ee Shalay Magaalada Hargeysa Ka Qabtay Saddex Qof Iyo Oday Goob-joog Ahaa Oo Ka Waramay Sidii Hawlgalku U Dhacay

0
579

Picture7Hargeysa (Geeska)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa  Subaxnimadii Shalay waxa ay gacanta ku dhigeen isla markaana xabsiga u taxabeen Imaamka tukiya Masaajidka Anilayn Sheekh Axmed Muxumed Axmed, iyaga oo ka soo qabtay Guriga uu degan yahay  oo ku yaala Xaafada Axmed Gurey ee Degmada Axmed Dhagax, waxaana sidoo kale Ciidamada RRU-du Guri aan ka fogeyn Guri Imaamkan ka qabteen Nin Dhalinyaro ah oo ay walaalo yihiin Imaankan, halka ay sidoo kalena Meherad Suuqa ku taalana ay ka qabteen isna Nin Dhalinyaro ah oo ay Ilamadeer yihiin Imaamkan.

Cali Raage oo isagu ah Odayga leh Guriga uu degan yahay Sheekh Axmed Muxumed Axmed, oo isagu goob joog ahaa markii uu falkani dhacaayey oo aanu wareysi la yeelanay ayaa  yidhi “Subaxnimadii hore ee Saaka (Shalay), ayaa Albaabka la igu soo garaacay, waan ka furay, mise waa Ciidamo afka ka xidhan, Qolkayga ayey soo galeen,wey baadheen, waxna wey ka waayeen, waxa ay igu yidhaahdeen ha ka soo bixin Qolkaaga, kadibna Qolalka kale ee Guriga ayey u gudbeen, waxayna soo qabteen Sheekh Axmed, si deg deg ahna wey u baxeen, waxa kale oo ay isna Guri kale oo noo dhaw ka qabteen Sheekh Walaalkii”.

Sidoo kale Guriga hawlgalku ka dhacay ayaanu   ku aragnay Caruurtii yar yarayd ee uu Dhalay Sheekhu iyo Dumarkii Guriga joogay oo argagax iyo cabsi aad u badani ka muuqato. Dhanka kale  markii uu Hawgalkani dhacaayey oo ku beegnayd Lixdii ilaa Todobadii Subaxnimo ee Shalay, ayaa Ciidamada RRU-du, waxa ay bandoo saareen laga soo bilaabo Garoonka Hargeysa Stadium ilaa Xaafadaha u dhaw Biriishka weyn ee Hargeysa, oo ay ku yaalaan Labadan Guri ee laga qabtay Imaamka Masaajidka Anilayn iyo Walaalkii, waxayna Ciidamada RRU-du joojinayeen oo Guriyaha ku celinayeen dadka  ka soo baxayey Guriyahooda ee u shaqo tagayey.