Ciidamada Ammaanka Oo Shalay Madaarka Hargeysa Ku Qabtay Rag Dhaawac Ah

2
806

 

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada ammaanka ee madaarka Hargeysa ayaa shalay qabtay afar nin oo dhaawac ah oo la socday diyaarad la sheegay inay ka timid magaalada Muqdisho.

Afartaas nin ee dhaawaca ah ayaa waxa ku yaala xabado kala duwan, waxaanay saddex nin oo waday sheegeen inay ku dhaawacmeen dagaal dhawaan magaalada Gaalkacyo ku dhex maray maamulka Puntland iyo beel la sheegay inay ka mid tahay beelaha Gaalkacyo.

Dhaawacaas ayaa la sheegay in loo qaaday Muqdisho, halkaas oo markii dambena loo soo gudbiyay Hargeysa. Laakiin ciidamada ammaanka oo ka shakiyay raggaas dhaawaca ah,  ayaa qabtay waxaana la sheegay in afarta nin ee dhaawaca ah iyo raggii wadayba lagu  xidhay saldhiga madaarka Hargeysa ku yaala. Saraakiisha ammaanka oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.

Comments are closed.