Madaxweyne Siilaanyo Oo Xukuumaddiisa Ka Difaacay Kala Socod Lagu Eedeeyay Iyo Aragtidiisa Hawlgalada Somaliya Laga Wado

0
714

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay dalka dib ugu soo noqday ka dib muddo bil ah oo uu fasax ku maqnaa.

SilaaMadaxweyne Siilaanyo oo ka soo kicitimay dalka Djibouti, wuxuu barqadii shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa oo ay ugu soo diyaar garoobeen Madaxweyne-xigeenka, shirguddoonada labada gole, guddoomiyaha KULMIYE iyo inta badan ee wasiirada iyo madaxda hay’adaha dawliga ah ee uu magacaabay. 

 

Madaxweynuhu markii uu salaam ka qaatay ciidamada qalabka sida, waxa uu warbaahinta hadalo kooban ku siiyay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa, waxaanu yidhi  ““ Farxad wayn ayay ii tahay aniga iyo waftiga ila socdaba in aan ku soo laabano dalkii hooyo, muddo bila ama ku dhaw dhaw ayaan ka maqnayn dalka mudadaas waxaan sii marnay  dalalka ay ka mid tahay Itoobiya waxaan tagnay dalka Ingiriiska waxaan soo marnay imika dalka Jabuuti.

Dibadaas aan u baxay may ahayn marti qaadyo may ahayn casuumado iyo shirar aan ka qayb galayo, waxay ahayd mid aan ku tagay sifo shaqsiya iyo fasax, hasa yeeshee wadamada aan soo marnay oo dhan mid walba madax iyo masuuliyiin waanu iska arkaynay, hadday tahay Ingiriiska oo aanu wasiiradeeda qaar iska aragnay iyo xubno baarlamaankeeda, waxa kale oo aan dawlada Itoobiya ka aragnay raysal wasaaraha Meles Zanawi ayaan la kulanay isagana,dawlada Jabuuti iyada marti qaad ayaan ka helnay oo madaxweyne Ismaaciil  Cumar Geele iyo dawladiisaba waan la kulanay, meeshan tagnaba si aad iyo aada ayaa naloogu soo dhaweeyay farxad wayna way noo ahayd waxaanu kala wada hadlaynay mid walba danaha Somaliland iyo xidhiidhka wanaagsan ee inaga dhaxeeya.

Waxa fursadaa noo dheera in aan iyana fursad u helnay mujtamaca reer Somaliland ee Ingiriiska jooga oo aan iyagana uga waranay xaalada dalka iyo umadu marayso iyo waxa looga baahan yahay inay gacan ka gaystaan oo hawsha qaranka iyo dhismahiisana ka qayb galaan, markaa meelahaan tagnay oo dhan si wacan ayaa naloogu soo dhaweeyay anaguna qadiyada Somaliland iyo arimaheeda iyo baahiyaheeda iyo meesha ay marayso mid walba waan u sheegaynay saaxibaday iyo dadwaynaa aan la kulmaynay intaba waan u sheegaynay, markaa si fiican ayaa naloogu soo dhaweeyay, magac wanaagsan oo qiima wayn leh ayaa u yaala Somaliland dibada iyo dhulka aan soo maraynay intaba, dad waynuuna aad iyo aad ayay ugu kalsoonyahiin horumarku dalku gaadhay iyo sidii u socdo iyo mustaqbalkuu hiigsanaayo intaba.”

Madaxweynaha oo la weydiiyay sida uu u arko dalalka Somaliya galaya si ay ula dagaalamayaan Al-Shabaab, waxaanu yidhi “ Mawqifka Somaliland waxa weeye dal waliba horta xoriyadiisa iyo madaxbanaanidiisa ayuu leeyahay, markaa anagu mar walba waanu taageeraynaa madaxbanaanida Somaliya laftigeeda waanu taageeraynaa in aan dadkeeda iyo umadeeda dhibaato loo gaysan oo aan dalkeeda la qabsan waanu taageeraynaa waanay noogu muuqataa inay xaq u leedahay. 

balse kolayto dhibaatooyinka ka taagan Somaliya ee la xalin kari waayay dhibaatooyinkaas oo gaadhay dunidii kale iyo dadkii kale nabadgalyadoodii iyo xasiloonidoodii wax yeelay way ka gaashaamanaysaa dunidii kale, markaa arintaa waxaan u aragnaa si aan iyagana madaxbanaanidooda wax loo yeelin laakiin dunida kalena ay xaq u leedahay inay ilaashato dhibaatooyinka ka soo gaadhaya iyo argagaxisada ka iminaysa iyo faragalinta lagu samaynayo intaba in xalkii loo baahnaa dunidu ka tashato oo loo wada helo ayaan anagu u aragnaa.”

Mar la weydiiyay inuu wax heshiis ah la soo saxeexday dawladda Djibouti, wuxuu yidhi “ Dawlada Jabuuti waanu isa soo aragnay waxa aanu soo kala saxeexanay ma jirto, dawlada Ismaaciil Cumar Geelane waxaan ka wada shaqaynaa wanaaga iyo sidii dalka wax loogu qaban lahaa iyo sidii loo wada qabsan lahaa wixii danta labada dalba u ah iyo shacbi waynaheeda ayaan ka wada hadalnay, si wanaagsan iyo saaxiibtinimo iyo jaarnimo inaga dhaxaysay iyo dadnimo wanaagsan baan ku soo wada hadalnay.”

Madaxweynaha oo la weydiiyay su’aal salka ku haysay is garab yaaca iyo kala socodka inta badan masuuliyiinta xukuumaddiisa ka muuqda, wuxuu yidhi “Taa aad leedahay dawladaada ayaa kala socota  anigu dawlad kala socota ma’ogi, taas waxay ila tahay waa hadal layska yidhiye dawladu shaqadeeda si wanaagsan bay u wadataa, hawshweeduna way u wanaagsantahay wax ka xumina ma jiraan.”

Qaabkii soo dhawaynta

Qaabka soo dhawaynta Madaxweyne Siilaanyo, ayaa waxa laga dareemayay buun buunin badan, waxaana garoonka Hargeysa la geeyay dhallinyaro iyo arday tiro badan oo loo labisay, kuwaas oo loo qorsheeyay inay Madaxweynaha soo dhaweeyaan, waxaana dadkaas lagu bixiyay dhaqaale. Sidoo kale waxa iyaguna madaarka joogay oo dhawr saacadood sugayay soo dhawaynta Madaxweynaha Madaxweyne xigeenka, shirguddoonka wakiilada,  guddoomiyaha maxkamadda sare,  11 wasiir, wasiir xigeeno, agaasimayaal, maareeyayaasha hay’adaha madaxabanaan ee dawliga ah, badhasaabada Burco iyo Berbera oo la sheegay inay soo dhawaynta Madaxweynaha uga yimaadeen gobaladii ay masuulka ka ahaayeen. Marka laga yimaado kharashka ku baxay masuuliyiinta madaarka tagtay oo dabcan ah kharash dawladeed, waxa baylahday shaqadii ay qaranka u hayeen.

Intaas waxa dheer kharashka iyagana ku baxay wasiiro iyo masuuliyiin kale oo Djibouti u tagay soo dhawaynta Madaxweynaha oo iyaguna isticmaalayay hantida umadda, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo noqday Madaxweynihii u horeeyey ee lagaga hortago dal kale.  Si kastaba ha ahaate, qaabka soo dhawayneed ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa ah mid markasta oo uu soo laabto uu kharash badani ku baxo iyo weliba in lagu dayaco shaqadii qaranka.