Ciddiyahaaga Ma Laga Garan Karaa Xaaladda Caafimaad Ee Aad Ku Sugan Tahay?!

0
1102

Haddii aad doonayso in aad waxbadan ka ogaato xaaladdaada dhabta ah ee caafimaadka qofka, waxaa kugu filan in aad u fiirsato qaabka ay ciddiyihiisu yihiin, waayo waxa ay khubarada caafimaadku isku raacsan yihiin in ciddiyuhu ay sida maqaarka bani’aadamka calaamad fiican u noqon karaan hadba xaaladda caafimaad ee qofka, gaar ahaan xaaladaha aan qofka guudkiisa ama ishiisa si fiican uga soo wada if bixin lagu garan karo. Midabka ciddiyaha iyo qaabkooda ama taabashada oogadooda sare ayaa si fiican looga akhrisan karaa xaaladda caafimaad ee qofka.

Qormadan uu Geeska Afrika afsoomaaliga u rogay ayaa ay shabakadda Alcarabiya ku eegaysaa khabiir u dhalatay dalka Ustareeliya oo ka hadlaysa ciddiyaha iyo xaaladaha caafimaad ee laga dheehan karo muuqooda iyo midabkooda. Haweenaydan xeeldheeraha ah oo lagu magacaabo Fiona Tak waxa ay sheegtay in ciddiyaha lugaha inta badna dhaawacyo siyaabo kala duwan u soo gaadhaan, sidaa awgeed aanay xaaladda caafimaad ee qofka u muujin karin si la mid ah ciddiyaha gacmaha oo iyaga calaamadaha laga arkaa yihiin kuwo si fiican loogu kalsoonana karo.

Fiona ee tusaaleyaal u samaynaysa sida xaaladda caafimaad ee qofka looga garan karo muuqaalka ciddiyihiisa ayaa tidhi, “Tusaale ahaan ciddiyaha oo burbur yeesha, si fududna isaga jabaa waxa ay tilmaamaysaa in qofka ay ku yaryihiin asiidhada duxda leh, barootiinta, Faytamiin A iyo Xadiidka (Iron) ama in Kalshiyaamtu ku yar tahay”

Fiona oo sii wataa calaamadaha caafimaad ee ciddiyaha laga garto ayaa intaas ku dartay in bara caddaanka ah ee mararka qaarkood ciddiyaha ku dhex samaysma ama jiitimaha (Xariijimaha) ay inta badan yihiin calaamad muujinaysa in qofka ay ku yar tahay maadadda muhiimka ah ee Sinkiga ama Faytamiin B6 loo yaqaanno.

Waxa kale oo ay sheegtay in inkasta oo dadka sigaarka nuuga uu midabka ciddiyahoodu isbeddelo, haddana in ay jiraan xaalado kale oo caafimaad oo midabka ciddiyaha ka dhiga cawlaan ama midab aan ahayn kii dabiiciga ahaa, waxa aana ugu muhiimsan xaaladahaas in qofka ay ku yar yihiin, nafaqada, xadiidka dhiigga (Iron) iyo barootiinta. Ama ta ka sii khatarta badan oo ah in xaalad caafimaa darro oo kelyaha ama beerka ahi jiraan.

Ciddiyaha oo data

Fiona waxa ay sheegtay in haddii qofku uu isku arko ingag badan ama ciddiyaha oo dhaca, ay taas sababteedu noqon karto in qofku aanu xunin xaddi ku filan oo ah barootiinta laga helo oonta xoolaha (Cadka iyo hilibka)

Ciddiyaha oo ingag noqda ama bixitaankoodu aad gaabis u noqdaana waa calaamad muujinaysa in qofka uu ku yar yahay Faytamiin A ama xadiidka dhiiggu.

Caadi ahaan ciddidu waa in ay u baxdaa qaab toosan oo afka hore (Inta la jaro) uu badqabo. Laakiin haddii ay dhacdo in ciddidu ay kor u kacdo waxa ay caddayn u noqon kartaa in uu burbur ku jiro ama dhaawac soo gaadhay nudaha dahaadhka ah ee ciddida dahaadhkeedu leeyahay haddii ay hoos u foorarsadaanna waxa ay noqon kartaa calaamad tilmaamaysa in habdhiska dheefshiidku uu taagdarro tirsanayo, gaar ahaan in aanu sidii saxda ahayd u nuugi karayn nafaqada cuntada ku jirta.

Maxaa ay tahay in aad cunto si ciddiyahaagu u caafimaad qabaan

Tallaabada koowaad oo dumarka u gaar ahi waa in ay gabadhu ka fikirto ama dhakhtar kala tashato in xamuuradda ama waxyaabaha kale ee la isku qurxiyo ee kiimikada leh ay ciddiyaheeda dhib u keeni karaan. Waxaa jira kuwo guud ahaan caafimaadka u xun iyo kuwo dadka qaar aan dhib ku keenayn balse kuwo kale khatar ku keenaya caafimaadka ciddiyahooda.

Fiona Tak oo ka hadlaysay cuntooyinka kale ee ciddiyaha caafimaadkooda u fiican ayaa sheegtay digaagga, gaar ahaan kuwa dabiiciga ah ee aan marka hore mishiin lagu dillaacin, beedka dabiiciga ah, badharka laga sameeyo geedaha dabiiciga ah, hilibka xoolaha ee aan dufanka lahayn, kalluunka iyo cuntada galka leh sida heedda iyo boorashka, khudradaha cagaaran iyo Afakaadhada. Cuntooyinkan ayaa dhammaantood u fiican ciddiyaha iyo maqaarka dadka labadaba