China Oo Doonaya In Uu U Noqda Dalka Ugu Horreeya Ee Taga Dayaxa Qaybtiisa Aan Dhulka Laga Arkin

0
601

Beijing (Geeska)- Dalka China ayaa qorshaynaya in uu daahfuro dayaxa oo uu safarka ugu horreysay abid ku tago qaybtiisa fog ee gudcurka ah oo aanay hore saynisyahannada dunidu u tagin.

Injineer Wu Weiren oo ah Injineerka ugu sarreeya barnaamijka sahaminta hawada sre ee dalka China ayaa talefishanka CCTV ee dawladda China u shegay, “Waxaa la qorsheeyey in inta aan la gaadhin sannadka 2020ka la gano dayax-gacmeedka Chang’e 4” Masuulkani waxa uu caddeeyey in ujeedada dayax-gacmeedkani ay tahay in la daraaseeyo duruufta dhinaca Jiyoolojiga ah (Geology) ee ka jirta dayaxa dhinaciisa madow. Ujeedada ugu dambaysaana ay tahay in dayaxa qaybtiisan ladhigo Teleskoob aan xadhig u baahnayn (Wireless Telescope) oo ay culimada cilmiga xiddiguhu isticmaalaan mustaqbalka.

Dayaxa qaybtiisa qarsoon ayaa ka bad-qabta saamaynta taban ee baahinta radyoow ee dhulku ku keeni karto, sidaa awgeed waa meesha ugu habboon ee la dhigi karo aaladaha xasasiga ah, sida Teleskoobka aan xadhiga lahayn. Waxaa lagu wadaa in dalka China uu hawshan soo gabagabayn doono sannadka 2017ka, waxa aanu ku dadaalayaa in dayax-gacmeedkani uu soo qaado muunado ciidda iyo dhagaca ka mid ah si cilmibaadhiso dheeraad ah loogu sameeyo.

Dalka China oo hore u noqday dalka saddexaad dunida ee tegey dayaxa oo ay uga horreeyeen Maraykanka iyo Ruushka ayaa haddii uu hawshan hadda ku guulaysta noqon doona dalka ugu horreeyey dunida ee taga dayaxa qaybtiisa aan laga arkin dhulka oo hore in sawirro laga soo qaado mooyee aanay cidi u tegin.