Aragiyaha Laga Bixiyay Magacabista Cali Xoor Xoor

0
937

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay maareeyaha dekedda Berbera u magacaabay Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-Xoor) waxaanu xilkii ka qaaday maareeyihii dekedda Berbera Md. Axmed Yuusuf Dirir.

2

Madaxweyne Siilaanyo ayaa Cali Xoor Xoor xilkan uu shalay u magacaabay ka qaaday dabayaaqadii bishii August ee sannadkii 2010 oo ahayd markii uu talada qabtay, laakiin shalay ayuu si rasmi ah u soo celiyay maareeyahaas hore. Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada ee lagu magacaabay Maareeyaha ayaa waxa lagu yidhi, “Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-828/122011 Xilkii kaga Qaaday maareeyihii Hore ee Dekeda Berbera, Axmed Yuusuf Dirir.

Waxaanu uga mahadnaqay mudadii uu xilka soo hayey, Hawlihii uu qaranka u qabtay sidoo kale Madaxweynuhu isaga oo Sunaha Dawladnimo raacaya.

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                    Ahmiyadda Dekeddu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo in la dardar geliyo hawlaha Dekedda Berbera;

Markuu Ka Fiirsaday:                 Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 Markuu Ku Qancay:                   In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday

In Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xooor) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Jawaabaha laga bixiyay

Muddoyinkii u dambeeyay waxa isa soo tarayay in Madaxweyne Siilaanyo soo celinayo Eng. Cali Xoor Xoor iyo weliba masuuliyiin kale oo ka tirsanaa xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Kaahin, waxaanay dad badani hadal hayntaas yaqiinsadeen markii shalay la magacaabay maareeye Cali Xoor Xoor.

Axmed Yuusuf Yaasiin

Madaxweyne xigeenkii hore Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo uu Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyay sida uu u arko in Madaxweyne Siilaanyo soo celiyo maareeyihii hore ee xilligoodii hayay maamulka dekedda Berbera, ayaa soo dhaweeyay magacaabistiisa masuulkan, waxaanu sheegay inuu Madaxweynaha ku hambalyaynayo haddii uu go’aansaday inuu saxo go’aankii uu hore masuuliyiinta xilalkan oo kale hayay shaqada kaga fadhiisiyay oo uu sheegay inuu ahaa mid khaldan, waxaanu yidhi “Horta sideedaba marka la leeyahay dawlad; dawladi waa dadkii, xukumadiina waa fulintii, marka dawlad la la leeyahay waa dadkii dadkuna waa dadkii wadanka lahaa, dawladu waa dad isku tagay oo samaystay xukumad iyaga matasha ama arimahooda fulisa, markaa waxa weeye marka la leeyahay agaasime ama maareeye toban sanno hayay meesha ama saddex iyo tonban sanno waxa galay maalkii umada oo iyagaa wax lagu leeyahay oo waxa loo tababaray inay noqdaan rukumada wadanka , marka horeba waxaan u arkaayay nimankaas la eryay arin khaldan.”

Axmed Yuusuf Yaasiin wuxuu intaas raaciyay “Shalayna waxa uu madaxweynuu soo celiyay taliyii ciidanka Booliska, taliyaha boolisku siyaasad shaqo kuma laha, markaa hore arinku qalad buu ahaa, markaa hadduu maanta saxaayo madaxweynuhu khaladaadkiisii waanu ku hambalyaynaynaa. Waa niman wadanku u baahanyahay, waa niman wadanku wax geliyay, waa niman la tababaray waana niman loo tababaray inay wadanka u noqdaan rukumo oo hadday  isbedelaan  boqol dawladood iyagu hawshii ay wadaan”

Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe oo uu isagana Wargeyska Geeska Afrika weydiiyay sida uu u arko go’aanka Madaxweynuhu ku magacaabay maareeyihii hore ee dekedda Berbera oo uu xilka ka qaaday markii uu talada qabtay ayaa wuxuu si kooban u yidhi “Arintii uu dib ugu magacaabay taliyaha Booliska Maxamed Saqadhi iyo ninkaas maareeyaha ah ee uu maanta [shalay] dekedda Berbera u magacaabay waxay ku tusaysaa in aan kooxda KULMIYE macaa Madaxweyne Siilaanyo aanay waxb u diyaar  ahayn inay kursiga qabsadaan mooyaane, wax kale oo khibrad iyo ajande ah oo ay lahaayeena waxa muuqata inaanu jirin , waxaana muuqata inaanay wax qorshe ah sii diyaarsan.”

Gunaanad

Si kastaba ha ahaate Cali Xoor Xoor maaha masuulkii kowaad ee ka tirsanaa xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Kaahin ee uu Madaxweyne Siilaanyo inta uu xilka ka qaado haddana ku soo celiyo, waxase uu  ka mid ahaa  xubnihii ay xisbiga KULMIYE sida weyn u cambaarayn jireen xilligii cahdigii Daahir Rayaale, waxaanay dad badani aaminsanyihiin inay talaabooyinka noocan ahi muujinayaan dhawr qodob oo ay ugu muhiimsanyihiin inaanay Madaxweynaha u dejisnayn wax qorshe ahi markii uu talada qabtay iyo weliba inuu ku deg degay dhismaha xukuumadiisa iyo magacaabista xilal badan oo ay ka mid yihiin jagooyinka loo yaqaano xirfadaha iyo shaqaalaha oo Madaxweynayaasha talada la wareegaa aanay bedelkooda ahmiyad siinin, waxaana muuqata inay Madaxweynaha iyo la taliyayaashiisuba imika dambarsanayaan khaladaad ay galeen markii ay talada la wareegeen.