Guddiga Xasuuqa Oo Ka Hadlay Caqabado Gudaha Dalka Ka Soo Waajahay

0
566

Picture1Hargeysa(Geeska)-Gudida Baadhista Xasuuqa ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa  ka Hadlay Caqabado ay sheegeen inay si dabiici ah ay uga horyimaadeen Shaqadii adkayd ee ay ka wadeen dalka,waxaanay dalab u jeediyeen qaar ka mid ah dadweynaha oo ay ku eedeeyeen inay deegaamaynayaan Goobaha lagu og yahay inay ku aasan yihiin Xabaal Wadareedyada ka dhashay Xasuuqii ka dhacay dalka dhamaadkii Sideetamaadkii .

 

Gudoomiyaha Gudidaas Mudane Khadar Axmed Like oo shalay u waramay warbaahinta ayaa shaaciyay inay gudi ahaan Shaqadoodii si habsami leh u wataan,inkastoo meelaha qaarkood ay had iyo jeer caqabado nagaga yimaadaan ayuu yidhi,Kuwaas oo ay ugu horayso qaybo ka mid ah Bulshadeena oo go’aansaday inay deegaameeyaan Goobaha la Calaamadiyay,oo lagu ogaa inay yihiin Meelo ay ka Jiraan Xabaal Wadareedyo.

Gudoomiyahu waxa uu Tilmaamay inay Xafiis ahaan haatan ka hawlgalaan Caasimada Hargaysa hasa yeeshee Shaqadoodu ay ka Hirgali doonto Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka isla markaana ay Xog ururino ka soo qaadayaan dad isugu Jira Markhaatiyo iyo Goob joogayaal.

Mudane Khadar Axmed Like Gudoomiyaha Gudida daba galka xasuuqu ayaa baaq u soo jeediyay dadweynaha Somaliland gaar ahaan Bulshada ku dhaqan Caasimada hargaysa oo uu ka dalbaday inay ka feejignaadaan inay dul degaan goobaha lagu og yahay Xabaal waddareedyada, Gaar ahaan Sadexda Goobood ee Kala ah Malko durduro,Badhka-Siinay iyo Wershadii hore ee Caanaha oo ah Goobo Qaranka ugu astaysan Xusuus Taariikheed isla markaana aan laga gun gaadhin baadhitaanadii lagu hayay.

Dhinaca kale Gudida Baadhista Xasuuqu waxay baaq kan la mid ah u direen Badhasaabada iyo Gudoomiye-yaasha Golayaasha deegaanka ee dalka oo ay ka codsadeen inay ilaaliyaan dhulka lagu og yahay Xabaal wadareedyada si aan looga dhigin degsiimooyin.

Gaba gabadii waxa uu Gudoomiyaha Gudida daba galka Xasuuqu kula dardaarmay shacbiga Somaliland in si wada jir ah loo xaq dhawro Meelaha qaybta ka ah Xisaabtanka iyo Garnaqsiga ay Somaliland la hortagayso beesha caalamka.