Madaxweynaha Yugaandha Oo Sheegay Inuu Ciidamo Cusub U Diri Doono Muqdisho

0
644

 

Muqdisho(Geeska) Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo la hadlaya warbaahinta dalkiisa ayaa sheegay inuu Somaliya u dirayo 2,000 askari oo dheerad ah, si loo adkeeyo ammaanka magaalada Muqdisho oo inteeda badan ay ka baxeen ururuka Al-Shabaab.

Tallaabada uu qaaday Museveni ayaa ku soo beegmaysa kaddib hal todobaad markii ay ku dhawaaqday Al-shabaab inay isbedel ku sameysay qaabkeedii dagaal ee Muqdisho ayna ka baxeen goobihii ay isku horfadhiyeen ciidamada Sh.shariif iyo kuwa AMISOM.

Afhayeenka cidiimada AMISOM Lt-Col. Paddy Ankunda oo ka hadlay ciidamadan dheeraadka ah ee ay Uganda ku darayso ayaa sheegay inay qayb ka qaadanayaan sidii lagu sugi lahaa ammaanka guud ee Muqdisho iyo sidii loo billaabi lahaa waji kale oo lagula dagaalamayo Al-shabaab.

“Uganda waxay go'aansatay inay kordhiso ciidamadeeda ku sugan Somaliya. Madaxweyne Museveni wuxuu mar hore go'aansaday inuu 2,000 askari oo dheeraad ah ku daro ciidamadiisa," ayuu yiri Col. Ankunda. "Uganda lama baxayso ciidankeeda waayo howshii lagu xasilin lahaa Somaliya ayaa hadda bilaabatay. Waayo inay Al-shabaab ka baxday Muqdisho waxay soo afjartay wajigii koowaad ee howlgalka, waxaana dhiman in ka badan laba howlgal oo kale.”

Dowladda Sheekh shariif ee ay xoojinayaan ciidamada AMISOM, ayaa la dagaalamaysay xoogagga hubeysan muddo shan sano ah. Waxaana hadda Uganda iyo Burundi kaga sugan Muqdisho 9,000-askari, iyadoo la qorsheynayo in laga dhigo tiradooda 12,000-askari.

Taliyaha AMISOM Gen. Fred Mugisha ayaa wariyeyaasha u sheegay horaantii todobaadkan in xoogagga ururuka Al-Shabaab ay weli ku jiraan gudaha Muqdisho, isagoo sheegay inay u baahan yihiin ciidamo dheeraad ah si ay u difaacaan dadka u baahan gargaarka bani'aadamnimo una soo celiyaan ammaanka Muqdisho.