Carrab Weynaanta Akhriska, Iyo Xasaasiyadda Xisaabta Waxa Ay Ka Mid Yihiin Caqabadaha Waxbarasho Ee Ubadkeenna Ka Hor Yimaadda .. Sidee Aynu U Daweynaa

0
998

Hargeysa (Geeska)- Caqabado tiro badan ayaa uu ilmuhu la kulmaa inta uu ku dhex jiro geeddiga waxbarashada. Waxaa ka mid ah wax akhriska ama wax qoraalka oo ku adkaada, iyo xisaabta oo mararka qaarkood ay maskaxdoodu uba furfurmi weydo.

Maadaama oo ay labadan xaaladood marar kala duwan ubadka ku soo noqdaan waxa aynu qormadan ku eegaynaa talooyinka muhiimka ah ee ay xeeldheereyaashu waalidka iyo barahaba siinayaan, si loo garto marka ay ilmaha dhibtani haysato, iyo sida ugu habboon ee ay tahay in uu xalka u raadiyo.

Pascale Senko o ah qoraa u dhalatay dalka Faransiiska ayaa maqaal ay ku faafisay wargeyska caanka ah ee Le Figaro oo ka soo baxa dalka Faransiiska, waxa ay ku sheegtay in dhibaata akhriska iyo xisaabtu ay ku dhacaan boqolkiiba 5 illaa 10 carruurta adduunka, taas oo u dhiganta in fasal kasta oo waxbarasho ay ku jiraan laba illaa saddex arday oo dhibtan qaba, sida ay xeeldheereyaashu sheegayaan.

Dhibtan oo caqabad ku noqota horusocodka waxbarashada ilmaha, ayaa ay muhiim tahay in waalidku ogaado in aanay ku iman gaabis ka yimi ilmaha ama doonista ilmaha, balse ay tahay dhibaato ku imanaysa sababo la xidhiidha abuurta. Tusaale ahaan xidhiidh la leh koritaanka dhinaca neerfaha ee ilmaha.

Pascale waxa ay qoraalkeeda ku sheegtay in sababaha awoodda ilmaha ka baxsan ee xaaladdan keena ay sida oo kale ka mid yihiin kuwo la xidhiidha caafimaadka ilmaha, waxaa ka mid ah in carruurta xaaladahan lagu arko ay u badan yihiin kuwa ku dhashay muddo sagaal bilood ka yar (Sida kuwa toddobada bilood ku dhasha). Waxa kale oo ay ku timaaddaa sababo dhinaca hidde sideyaasha ah, oo isbeddel ku keenaya maskaxda dhinaceeda ka masuulka ah fahamka luuqadda qoran, ama sababo dhinaca deegaanka ilmaha ku xeeran ah, tusaale ahaan qoyskiisa iyo dadka uu la noolyahay oo aan waxbarasho lahayn.

Qoraa Pascale waxa ay sheegtay in carruurta akhrisku culayska ku yahay inta badan lagu arko dhibaatooyin ay ka mid tahay in ay nidaamin kari waayaan afkaartooda, in ay xafidi kari waayaan xogta, iyo in maskaxdu maahsanaanto oo dhugmadu ay ku yartahay. Laakiin warka fiicani waxa uu yahay in carruurtu ay marar badan ka gudbaan ama ka bogsadaan xaaladdan, marka laga reebo xaalado yar oo uu ilmuhu ka bogsan waayey dhibatada marka hore sababtay arrintan. Siyaabaha ugu fiican ee ilmaha looga caawin karo in uu xaaladdan ka bogsadana waxaa ka mid ah; midka ugu horreeya oo ah in xeeldheereyaasha caafimaadka nafsiga ah ee carruurta loo bandhigo dhibtan, si ay u hubiyaan xaaladda caafimaadka dareensideyaasha ilmaha.

  1. Carab-jalaqada akhriska

Akhriska oo ilmaha ku adkaadaa waxa ay ku keeni kartaa dhibaato dhinaca waxbarashada ah, oo ay ugu daran tahay in uu naco waxbarashada.

Calaamadaha bilowgaba lagu garan karo in ilmaha uu akhrisku ku adagyahayna waxaa ka mid ah in loo fiirsado xawaaraha akhriskiisa iyo in ereyada uu akhriyayo aanu isku dhex daadin, waxa kale oo muhiim ah in loo fiirsado sida uu u saxayo hingaadda ereyada uu akhriyayo, iyo in ilmaha ay ku adagtahay kala saarista ereyada isu eeg ee uu dhegeysanayo, ama kuwa isu ee uu akhriyayo oo uu isku qaldo, arrintaas oo sababta ilmaha oo doonaya in uu fahmo waxa uu akhriyayo in uu si gaabis ah xaraf xaraf ugu dul istaago akhriska. Iyo mararka qaarkood in uu u baahdo in uu ereyada kor u akhriyo iyada oo weliba laga yaabo in aanu weli sidii loo baahnaa u fahmin.

Dabiibka

Sida ugu fiican ee ilmaha xaaladdan looga daweyn karo ayaa ay Pascale ku sheegta in laga shaqeeyo xoojinta xusuusta ilmaha, in la siiyo tababar ay ka mid tahay ku dhawaaqista ereyada isku soo noqnoqda, kor u qaadista fahamka ereyo aan nidaamsanayn oo qoran, si dhugmada ilmaha, aragga iyo dhawaqaba isku mar loo dhiso.

Waxa iyaduna muhiim ah in ilmaha hab qoraalkiisa dib loogu noqdo, lagana shaqeeyo wanaajinta farta iyo qaab qoraalka labadaba, kaas oo ay ka mid tahay in la hubiyo qaabka uu qalinka u qabsado iyo barashadiisa xuruufta.

Intaas marka laga yimaaddo ilmuhu ka maarmi maayo in la tuso xeeldheere cilminafsiga wax ka fahansan si uu talada ugu fiican uga bixiyo sida ugu habboon ee ilmaha fahamkiisa kor loogu qaadi karo loogana daweyn karo carrab adkaanta oo haddii aan inta uu yar yahay la daweyn, mustaqbalka saamayn xun ku yeelanaysa waxbarashadiisa.

Waxa kale oo uu dhakhtarku dhisayaa awoodda garasho ee maskaxda ilmaha, dhiirranaanta iyo soo jeedinta dhugmadiisa, isaga oo si fiican u qiyaasaya isla socoshada maskaxda iyo shaqada xubnaha ku xidhan tusaale ahaan akhriska carrabka iyo dhaqaaqa indhaha iyo gacmaha, iwm.

Xoojinta aqoonta afka ee ilmaha

Pascale waxa ay ku talinaysaa muhiimadda ay leedahay in ilmaha akhrisku ku adagyahay laga dhiso dhinaca luuqadda. Maadaama oo akhriska ilmaha ku adagi uu calaamad u noqon karo in aqoonta afeed ee akhriska, fahamka iyo qoraalka ilmuhu ay hoosayso, waxaa muhiim ah in la dhiso aqoonta uu ilmuhu u leeyahay afka iyo xitaa ku hadalkiisa. Waxa kale oo iyaduna baadhis iyo hadday dhibi jirto daweyn u baahan awoodda dhawaqa ee ilmaha.

  1. Xisaabta

Waxaa mararka qaarkood dhacda xaalad loo yaqaanno xasaasiyadda xisaabta oo ah in ilmaha ay ku adkaato barashada xisaabtu, iyo in fahamka xisaabtu uu waqti badan ka qaato. Tusaale ahaan in ay ku adkaato kala garashada tirooyinka waa haddii uu yaryahay ee, ama in uu xafidi kari waayo jadwallada xisaabta ee isu geyn, kala goyn, isku dhufasho iyo qaybinta ah.

Dabiibka

Si la mid ah xaaladdii hore markanna ilmuhu waxa uu u baahan yahay in uu helo xeeldheere ka caawiya furfurista maskaxdiisa, oo ay ka mid tahay in loo sameeyo jimicsiyo maskaxda furfuraya ama dhisaya sida hal xidhaaleyaasha xiisaha leh laakiin xisaabta xidhiidhka la leh.

Daweynta xaaladdani kama maarmayso in macallinka iyo dugsigu ay kaalin muhiim ah ka qaataan, tusaale ahaan in macallinku uu marka hore ku tababaran yahay in ilmaha xaaladdan oo kale ah u samayn karo maskax dhis, iyo tababarro gaar ah oo ay ka mid tahay in uu u xiise geliyo furfurista masaladaha xisaabeed ee heerkiisa aqooneed la filka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here