Cali-Gurey Oo Si Ba’an U Weeraray Wasiirada Arrimaha Gudaha Iyo Madaxtooyada Oo Uu Ficiladooda Ku Maseeyay Morgan Iyo Gaani Oo Dhib Lagu Xasuusto

0
4120

“Umadani taas way ka soo dagaalantay mana aqbalayso”

groupHargeysa(Geeska)-Afhayeenka xisbiga UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) ayaa si ba’an u weeraray wasiirada arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo uu garab dhigay Gaani iyo Moorgan oo ay bulshada Somaliland ku xasuusato dhibaato iyo hadimayn shacab.

Cali-Gurey, oo hadal ka jeediyay xaflad kooban oo loo sameeyay soo dhawaynta Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo Hargeysa ku soo noqday, ayaa wuxuu sheegay inay KULMIYE wanaag u yaqaan wixii ay xumaanta u yaqaaneen wakhtigii ay mucaaradka ahaayeen. Isagoo ugu horayn ka hadlaya Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxaanu yidhi  “Waxaan is lahaa Cabdiraxmaan Cabdiqaadir saxiibadiisii Kulmiye ayaa soo dhawayndoona iyaga oo iska iloobay wixii dhacay maalintii aynu garanayno,saaxiibtinimaduna waa arin gaara ee rag badan ayaan filayey inay soo dhaawayndoonan Cabdiraxmaan Cabdiqaadir kuwaas oo Kulmiye ah, laakiin Lib-gadka iyo abaal la’aantu waa xeer u gooniya xisbiga Kulmiye.”

Isagoo si gaar ah uga sii hadlaya awoodda labadaas wasiir wuxuu yidhi “Raga  aan madashan ka filayey inay  ku  soo dhaweeyaan saaxiibkoodii ay dhabarka ka jabiyeen waxay ka baqayaan wasiirka madaxtooyada iyo wasiirka arimaha gudaha oo markay is hortaagaan sidii inan gashaantiya ay  hanqalkooda hoos u rogaan.”?

Cali Guray  oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu u hiilinayo xaqa iyo cadaalada waxaanu yidhi ?“Anigu  daalin iyo  madluun waxaan u hiilinayaa madluunka,cadaalada iyo cadaala daradana cadaalada ayaan u hiilinayaa,beenta iyo runtana runta ayaan u hiilinayaa. Waxaanan leeyahay saaxiibkay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir hadii aynu danbi galnay oo malaha  wakhti  faraha badan aynu  taageeradeena ay  qaadatay  cidii aynu siinay  ayaa danbi ahayd , inaanu ka toobad keeno oo aynu ilaahay  u toobad keeno ayuunbaana  ka asala.”?Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Wixii uu kulmiye foolxumada u yaqaanay markii ay  ololaha doorashada ku jireen waxa iska cad inay maanta qurux u yaqaanaan oo ay ku faanayaan, wixii ay wanaaga u yaqaaneen ee balanqaadadooda ku jiray ee ay  ka mid ahaayeen cadaalada,madaxbanaanida saxaafada iyo xoriyatul qawlka maanta waa wax la fool xun indhahooda.?Maanta waxay wadaan wasiirka arimaha gudaha iyo wasiirka madaxtooyadu  Gaaniyeyn iyo Moorganayn ayaan  u aqaanaa, umadanina taas way ka soo dagaalantay mana aqbalayso.”