Gudida Horumarinta Hoodaale Oo Hawl Waxqabad Ka Fuliyey Degmooyinka Bali Cabanne

0
514

Hargeysa(Geeska)-Xubnaha Gudida Horumarinta Hoodaale, ayaa shalay kormeer ku sameeyay bali biyoodka degmada bali-cabane oo dayactir balaadhan lagu samaynayay.

Guddida horumarinta Hoodaale, waxaa si balaadhan ugu soo dhaweeyay degmada Bali Cabane Masuuliyiinta iyo Dadweynaha deegaankaasi.

Ugu horayna waxaa halkaa ka hadlay Afhayeenka Mashaariicda Gudida Horumarinta Hoodaale Dr Maxamed Aw-Daahir oo madasha ka hadlay oo sheegay in bartilmaameedkooda koowad yahay mashaariicda Biyaha isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi“Waxaa maanta (shalay), farxad noo ah in aanu dhagax dhigayno, mushruucii shanaad ee gudida hoodaale oo ah ceeliyood dadku ay aad ugu baahanyihiin, oo aanu mashruucani noqon kii noogu dambeeyay, oo mashaariico kale ayaanu meelo kale ka fulin doonnaa, waxaanu haatan isku xil saarnayn mashaariicda biyaha oo ah bartilmaameedkayga koowaad.”

Sidoo kale waxaa madasha ka  hadlay Gudoomiye ku-xigeenkii gudida Horumarinta ee Hoodaale Maxamed Yuusuf  “Mashruucan aynu maanta (shalay), aynu joogno, oo ah dhoobo qaadka balayga tuulada cadaroosh, waa mashruucii shanaad ee ay fuliso gudida mashaariicda Hoodaale, insha alla noqon maayo mashruucii ugu dambeeyay ee aanu idin fulino, ee wuxuu noqon doon bilowga mashraaciida aanu ka qaban doonno degmada faraweyne.”Ayuu yidhi Maxamed Yuusuf waxaanu hadalkiisii sii raaciyay“Gudida horumarinta mashraaciida ee hoodaale, markii ay daraasad balaadhan ka soo sameeyeen socdaaladii dheeraa ee aanu marnay, waxay xaqiiqsadeen in baahida ugu badan ee dadka haysata tahay biyaha, aniguna waxaanu garwaaqsanay in aanu daraasada iyo baadhitaanka ay sameeyeen aanu wax ka qabanno.”Ayuu yidhi Gudoomiye ku-xigeenka Gudida Horumarinta Hoodaale Maxamed Yuusuf

Dhinac kale Gudoomiyaha Gudida Hoodaale Maxamuud Qaalib ayaa dadweynaha tuulooyinka kula dardaaramay in ay ilaashadaan mashaariicda ay u samaynayaan gudida Horumarinta Hoodaale“Waxaanu ogaanay inay degmadani ka yara dambayso, degmooyinka gobolka, waxaanu garawsanay in aanu soo gaadhsiino degmooyinka kale, maadaama oo aanu nahay gudidii horumarinta hoodaale.Laakiin degmo ahaan waxaanu idinka codsanayna inaad ilaashatan wixii la idiin qabtay, oo aad isla xilsaartan ilaasashadooda.” Sidoo kale, waxaa gabagabadii madasha ka hadlay maayarada tuulooyinka oo si isku mid ah u soo dhaweeyey waxqabada ay u sameeyeen gudida horumarinta Hoodaale.