London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daaha ka rogtay in sakatiga, warwarka ama qulubku ay qofka da’da caadiga ah gaadha noloshiisa ka lumiyaan ugu yaraan 5 Sano iyo 6 bilood oo cimrigiisa ah, waana isku mid haddii uu sakatigaas iyo warwarkaasi yihiin kuwo la xidhiidha shaqada, dhibaato dhaqaal ama xitaa qofka oo shaqo badan oo habeennimo ku saamalayla.
Warbixin uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey shabakadda caanka ah ee wakaaladda MBC ay ku leedahay Internet ka ayaa lagu sheegay in tijaabo lagu sameeyey 2 kun oo qof oo Ingiriis ah, qaan-gaadhna ahi ay caddaysay in qofku maalin kasta ugu yaraan laba saac iyo 11 daqiiqo oo waqtigiisa ka mid ahi ku khasaaraan warwarka, sakatiga, qulubka iyo guud ahaan xaaladaha kala duwan ee nafsiga ah ee la xidhiidha nolosha, taas oo noqonaysa in toddobaad kasta ay qofka 15 saacadood kagalumaan xaaladahan, una dhigmaysa in sannad kasta uu qofku 33 maalmood oo noloshiisa ka mid ah ay burburiyaan xaaladahani, marka la eego da’da inta badan celcelis ahaan aadamuhu gaadhaana ay noqonayso in qof kasta 5 sano iyo badh cimrigiisa ka mid ahi ku lumaan warwar, sakati iyo walbahaar.
Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in da’da uu qofku halka ugu sarraysa ka gaadho xaaladahan nafsiga ahi ay tahay marka uu gaadho 36 sano jir.
Calaamad muhiim ah oo qofku ku garan karo in xaalad nafsi ahi hayso.
warbixi lagu baahiyey wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxaa ayaalagu sheegay in calaamadda ugu muhiimsan uguna horreeya ee qofku ka dareemo in qulub, warwar, walaac, sakati ama xaalad uun kale oo nafsi ahi haysana waxaa ka mid ah in wadnuhu uu yareeyo garaaca, oo inta caadiga ah uu hoos uga dhaco. In kasta oo ay jiraan xaalado kale oo caafimaad oo iyaguna garaaca wadnaha yareeya.
Dhibaatooyinka ka dhasha xaaladahan nafsiga ah:
– Qofka oo si qumman oo xasiloon u fadhiyi kari waaya, oo hadba dhan isu geddiyaa waa calaamad muujinaysa in uu ku jiro qulub iyo xaalad nafsi ah oo weliba gaadhay heer u baahan in uu dhaqso isaga daweeyo.
– Hammo la’aan; dhibaatooyinka xaaladahan nafsiga ahi qofka ku keenaan waxaa ka mid ah in ay yaraato ama haddii xaaladdu sii xumaato uu lumiyo awooddii iyo doonistii jinsiga ahayd.
– Calool Xanuun: Maadaama oo midhicirada iyo maskaxdu ay shaqo-wadaag badan leeyihiin, qofku marka uu xaaladaha nafsiga ah ee aynu soo xusnay galo, waxa uu isku arkaa calool xanuun, iyo casiraad uu isku arko xitaa marka uu ka fikirayo xal u helidda mushkilad markaas hortaalla.
– Hurdo la’aan; Qulubka iyo culayska nafsiga ahi waxa ay qofka ku keenaan hurdo la’aan badan.
– Hadalka iyo sheekada oo uu tahli waayo; qofku marka uu xaaladdan ku jiro waxa uu caan ku noqdaa in uu hadalka ka go’o, ma’aha in aanu ereygu ka soo baxayn, balse waa in aanu doonayn in erey ka soo baxo, sidoo kale waxaa qofka ku adkaada neefsiga. Oo aad arkayso isaga oo qadaya ogsajiinta uu helayo oo hadba neef dheer qaadanaya.
– Cadho joogto ah; qofka xaaladdan ku jira waxaa lagu arkaa cadho joogto ah, oo arrin kasta oo xitaa aan mudnayn ka hadal uu dood iyo muran gelinayo, inta badanna waxaa adkaata is fahamka isaga iyo dadka ka agdhow, ee qoyska, asxaabta dhow iyo dadka ay wada shaqeeyaan ugu horreeyaan.
– Daal nafsi ah: Daal jidheed oo haddana aanu garanayn waxa uu ku daalay, iyo in uu mar kasta kala daadsanaado qofku waa calaamad inoo xaqiijinaysa in uu xaalad nafsi ah oo weliba halkii u dambaysay ah ku jiro.
– Hargabka oo ka bixi waaya: Khubada cilminafsigu waxa ay sheegayaan in qofka oo uu hargabku ka bixi waayo, oo hadba uu ku soo rogaal celiyaa ay tahay calaamad muujinaysa in uu sakati iyo qulub qabo, waxa aanay hoosta ka xariiqeen in xaaladahaasi ay qofka u nugleeyaan caabuqa.