Donald Trump: Muxuu Ka Beddeli Karaa Maraykan? Qore: Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

0
715

Qoyska reer Trump waa qoys asal ahaan ka soo jeeda dalka Jarmalka. Aabbihii Fred Trump wuxu ahaa ganacsade, qoyskani waxa ay caan ku yihiin dhismayaasha, hudheelada iyo garroonada lagu ciyaaro gorofka. Waa qoys hantidooda lagu qiyaaso $4.5 billion.

1

Donald John Trump 14/6/1946 ayuu ku dhashay magaalada New York. Shahaadadiisa kowaad waxa uu ka qaatay “Wharton School of the University of Pennsylvania” isaga oo bartay cilmiga dhaqaalaha.

Donald Trump waa soo saaraha barnaamijka “The Apprentice” sida oo kale wuxu qoray buugga “Crippled America” oo afsoomaali ku ah; Maraykanka naafada ah iyo weedha jaldiga xagga hoose kaga xardhan ee buuggaa caanka ka dhigtay; sidaynu mar labaad Maraykan kaga dhigi karnaa dal awood leh.

Donald Trump iyo siyaasadda

Trump oo ah guddoomiyaha shirkadahooda dhanka siyaasadda wuxu taageere u ahaa xisbiga Republican iyada oo la arki jiray isaga oo u ololaynaya madaxweynihii siddetamaadkii ee filimadana matali jiray Ronald Reagan. Se siyaasadda geliddeedu waa u hadda.

Sannadkii hore badhtankiisi ayuu shaaciyey in uu u tartamayo jagada madaxtinnimo ee Maraykan. Fagarayaasha kolka uu ka hadlayo muu ahayn nin hoosasinta siyaasiinta cad lagu yaqaan u hadla, se nin badheedha oo hadallo cad buu ahaa. Waana ta keentay in dabaqadda sare ee reer Maraykan ku tilmamaan nin aan u qalmin in uu hanto jagada madaxtinnimo.

Intii uu ololaha ku jiray wuxu colaystay saxaafadda Maraykan oo meel wal dacaayado uga fidiyey. Wuxu ka soo horjeedsaday guurka dadyowga isku jinsiga ah. Haweenka Maraykan in ay ilmaha iska soo ridaan. Wuxu sheegay in uu mustafurin doono malaayiinta Maraykanka sharci darrada ku jooga. Meel walba wuxu ka sheegan jiray in uu yahay masiixi, waxaanu qarsan taageradiisa Yuhuudda. Dalka ay dariska yihiin ee Mexico ayuu sheegi jiray inu dayr ka samaysan doono si aanay dalkiisa u soo gelin. Ugu dambayntii waxa ay is colaystay toddobaatan jirkan Muslimiinta Maraykan iyo dunidaba.

Isku soo xoori maanta Trump wuxu hantiyey jagada ugu sarraysa Maraykan isaga oo islaantii inta badan la lahaa iyadaa hananaysa ee odaygani ciyaartu qurxinaya ka guulaysstay.

Haddii uu in badan hanjabayey, hadduu lahaa dagaallo ayaan qaadi, dayr baan idinka samaysan, maanta isagaa horjooga carro Maraykan. Ku darsoo xisbigiisuna labadda gole aqlabiyadda iyagaa leh.

Saadaalintii beenowday

Saaka amakaag ayey ahayd, waayo dee waayo. Wuxu yidhi ninkii; burkaba bahal maka dayey, waxa ka dhigan oday Trump baa soo bixi meesha mala soo dhigtay. Warbaahinta iyo siyaasiinta Maraykan waxa ay la dhacsanaayeen oo saadalinayeen islaantii Hillary Clinton se ma dhicin. Xisbigiisa rag ku jiraa lahaa u codayn mayno.

Cidda codaysa saaka ayey doorteen cidday doranayeen. Warbaahintu hadday kaa soo horjeeddo kabta ma yeelna beenowday, rag baa siyaasadda sii saadaliyaa beenowday, shax baa degsanayd odhanaysay nin madow si, habari haku xigto iyo khaniis baa sallaanka ku soo jira yadna beenowday. Isku soo duubo Maraykan gabadhi ma gaydo ayaa dhabowday.

Trump iyo Maraykan

Trump wuxu la yimid qaab olole ka duwan tii hore, wuxu maagis ku qaaday dadyow kala jaad ah. Waxase muuqata in uu taageero ku helay. Waayo, ninkan hadalka adag afkiisa iyo uurkiisa wada socda waana ninka cad sida dhabta ah ee uu u fikiro. Balse isku dhigis ay isku dhigaan in ay yihiin hormoodka dunida ayey cadhadooda iyo caaddifadooda u qarsadaan, oo xaddaarad iyo ilbaxnimo ayey ku daraan ah aniga oo ku dilaya ayaan haddana ku salaaxaya, se isagu is muuji.

Siyaasadda Maraykan waa siyaasad guun ah oo sal leh, ruug caddaayo na ka arrimiyaan jaangoynteeda. Maaha dal si fudud shakhsi isbeddel uga samayn karo, se waa dal isku taagay maamulidda waddamada dunida, sidaa ajligeed hal shakhsi ka gun dheer.

Siyaasadda Maraykan wax badan ma filayo in uu ka baddali doono; hadallo badani ka beerlaxawsi iyo ololayn bay ka ahayd. Malayiin baan mustafurin, dagaallo ayaan qaadi, fili maayo in Maraykan uu ka gadi karo. Dayr in uu xidho male, Yuhuudna inu taageerayo laba cali ha waydiin. Bilowga hore dardar in uu la soo gala waa xawaashaynta siyaasadda.

Dhammaad

Talo iyo tusaale ba waa xagginna

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan-Rakuub

         Facebook: Cabdirisaaq Rakuub

                Tell: Telesom: 063 440 85 03. Somtel: 97 08 515

   Email:

rakuub2020@gmail.com                            Rakuub.wordpress.com