Calaamadaha Gabowgu Waxa Uu Qofka Ku Bilowdaa Marka Ay Da’diisu Gaadho Gu’ga 39aad

0
743

Washington (Geeska)- Xeel-dheerayaal ka tirsan jaamacadda Washington ee dalka MAraykanka ayaa ogaaday in raadadka gabowgu ay jidhka qofka ku bilowdaan marka ay da’diisu 39 sano gaadho, taas oo aad uga duwan sidii marka hore la aaminsanaa oo ahayd in aanu gabow ka horreyn 50 sano jirka.

Xeel-dheerayaashan oo daarasad cilmiya arrintan ku sameeyey ayaa sheegay in qofka da’diisu marka ay gaadho 39 uu jidhkiisu uu yareeyo soo saarista maadadda Myelin oo ah walax dufan ah oo dahaadh u ah neerfayaasha taas oo sababta in ay daciifaan xusuusta iyo u fiirsiga qofku, in uu khalkhal ku yimaaddo habsami u shaqaynta hab-dhiska muruqyada ee dhinaca dhaqaaqa iyo sidoo kale mararka qaarkood in ay ku soo baxaan mushkilado la xidhiidha caafimaadka wadnaha iyo halbawlayaasha dhiigga, waxaana hoos u dhaca guud ahaanba firfircoonida jidheed ee qofka.

Xeeldheeryaaashu waxa ay sheegeen in aanay cilmi ahaan suurtogal ahayn in la joojiyo gabowga, iyada oo weliba is bedellada gabowgu ku keenayo jidhku aanay si gaar ah ugu xidhnayn rag iyo dumar, nooca cuntada iyo nolosha ee qofka iyo wax kale. Si kastaba ha ahaato ee qofka oo iska daaya caadooyinka xun xun ee dhinaca cuntada, iyo isaga oo sameeya jimicsi jidhka ah, cunto caafimaad qabtana cunaa waxa ay dhammaantood ka qayb qaataan in qofku adkaysi u yeedho gabowga, laakiin ma joojiyaan.