Hargeysa (Geeska)- Waa qormadii Toddobaad ee taxane gaaban oo uu Geeska Afrika akhristayaashiisa afka Soomaaliga ugu soo beddelay qaybo ka mid ah buugga Cajaayibta Makhluuqa oo uu qoray Mansuur Bin Muxammed Ash-Shariidah.
Xusuusta Geela:
Geela oo aynu ognahay in abuurkiisuba uu ka mid yahay aayadaha cibrada badani ku jirto ee uu Alle Qur’aankiisa Kariimka ah ku caddeeyey in deymada qaab abuurkiisu ay wax-ku-qaadasho ku jirto ayaa mar kasta oo ay culimada cilmiga nooluhu si gaar ah hoos ugu sii dhaadhacaan waxaa u soo baxaya in uu yahay noole aan mucjisooyinkiisa si dhayal ah lagu soo koobi karo.
Mid ka mid ah mucjisooyinkaas oo aynu qormadeennan maanta ku soo qaadanayno ayaa ah awoodda dhinaca xasuusta ah ee uu geelu leeyahay. Baadhitaanno xeeldheer ayaa lagu ogaaday in Geelu aanu illaawin dhulka uu asal ahaan ka soo jeedo ama ku soo barbaaray, xitaa haddii sannado aad u badan uu dhulkaas ka maqnaado aadna uga fogaado, haddana waxa uu awoodaa in uu si sahal ah u yimaaddo.
– Waxaa iyaduna yaab leh in neefka yar ee Geela ah (Nirigga iyo Nirigtaba) uu awood u leeyahay in uu xasuusto meel kasta oo uu tagana soo garan karo, halkii ugu dambaysay ee uu naaska hooyadii ku jaqay.
– Geelu waxa uu awood cajaayib ah u leeyahay in uu si dhayal ah u garto meelaha uu biyaha uga arooro, deegaanka uu roobku ku hooro iyo dhulka naqa leh ee barwaaqada ah. arrintan oo ay khubaradu ku sababeeyeen in Geelu uu leyahay dareen urta ah oo aad u awood badan.
– Neefka Geela ahi marka uu kacayo waxa uu hal mar kor u qaadaa jeenigiisa midig iyo lugtiisa midig, kadib waxa uu mar kale kor u qaadaa lugtii bidix iyo jeenigii bidix, arrintaas oo ay khubaradu ku macneeyeen in neefkani uu doonayo in uu isu dheelli-tiro culayskiisa. Qaabkan ayaa ay khubaradu sheegeen in aanu jirin xayawaan kale oo Geela la wadaagaa.
– Geelu waxa uu ka mid yahay xayawaannada ugu hinaasaha badan noolaha, waxa aanay taas khubaradu ugu tusaale qaateen sida ay u adag tahay in awrka qoodha ah ee geelu uu ogolaado in awr kale oo qoodh ahi uu geela ku jro, xitaa haddii uu yahay qaalin uu isaguba dhalay oo ku dhex weynaaday Geela marka uu dareemo in uu qoodh noqday ayaa uu dagaal ku bilaabaa oo uu geela ka dhex eryaa ama waxa uu la galaaba dagaal adag oo laga yaabo in labadooda midkood lagu dilo.
– Neefka Geela ee dhiddig (Hasha) caanihiisu waxa ay u badan yihiin dhinaca bidixda.
– Geelu waxa uu ka mid yahay xayawaannada awoodda u leh in afartiis lugood uu ku dabbaasho. Dhammaaad
q ?yeH}Rp mily:Calibri;mso-default-font-family:Calibri; mso-ascii-font-family:Calibri;mso-latin-font-family:Calibri;mso-greek-font-family: Calibri;mso-cyrillic-font-family:Calibri;mso-armenian-font-family:Calibri; mso-hebrew-font-family:Calibri;mso-arabic-font-family:Calibri;mso-thai-font-family: Calibri;mso-currency-font-family:Calibri;mso-latinext-font-family:Calibri; language:en-US;mso-ansi-language:en-US;mso-ligatures:none'>Hadalka Ban ayaa u muuqda mid dhexdhexaadnimada ka fog oo ay siyaasadi weheliso. Geesta kale waxaan iyana la dhayalsan Karin hadalkiisa oo uu ku daray in gobalada galbeed ee Somaliland nabdoonyihiin balse ay gobalada bari dagaalo goos-goos ahi ka dhacaan, taas oo aanay waxba ka jirin.
Qodobadan oo dhan ayaa u muuqda dabino ay Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiska danjire Nicholas Kay ee UNSOM uu u maleegayo qaddiyadda Somaliland, waxase war-warkeeda leh sida aanay xukuumadda Somaliland, siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo shacbiguba xog badan uga hayn dabinada loo qoolayo qadiyadooda.
Xukuumadda Somaliland ayaa inta badan hadalada ka dhanka ah Somaliland ee ka soo yeedha qadiyada Somaliland kaga jawaabta hadal ay warbaahinta u mariso oo uu nuxurkiisu yahay inaanu hadalkaasi khusayn Somaliland islamarkaana ay kala duwanyihiin Somaliland iyo Somaliya. Hase yeeshe waxa xukuumadda looga baahanyahay ficilo siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed inay kaga jawaabto dhawaaqyadaas. Haddiise ay jawaabtoodu ku koobnaato hadal keliya waxa ay cid kasta oo Somalialnd dagaal ku haysaa si qarsoodi ah u sii wadi doontaa qorsheyaasheeda.
Gunaanadkii, xukuumad iyo shacbi ahaanba Somaliland waxa la gudboon in ay ku baraarugsanaato wax kasta oo qaddiyadeeda saamayn ku yeelan kara islamarkaana arrimahan halkooda lagu mooso oo laga hortago.
004#12?oMp ment:0000008034 SourceURL:http://geeska.net/wp-admin/post-new.php
Hargeysa (Geeska)- Janaraal Muhaab Mimiish oo madax ka ah haayadda mamausha Marin biyoodka Suweys ee dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday in Masar aanay marnaba aqbali doonin in uu xidhmo Marin Biyoodka Baab Al-Mandab ee dalka Yemen, haddii la isku dayana ay milateri ahaa u soo farogelin doonto.
Janaraalka oo shir-jaraa’id u qabtay warbaahinta caalamiga ah ayaa arbacadii 4ta Feebarweri sheegay in ay dalka Masar u diyaarsan yihiin ciidamo heegan ugu jira in ay dhaqso uga jawaabaan haddii kooxaha uu ugu yeedhay xag-jirku ay isku dayaan in ay marinkan xidhaan, waxa aanu ku dooday in isku day kasta oo noocaas ahi uu taabanayo amniga qaranka ee dalka Masar, si toos ahna saamayn taban ugu yeelanayo Marin Biyoodka Suweys.
Janaraal Muhaab waxa uu sheegay in dalka Masar uu si dhow oo joogto ah ula socdo xaaladaha cakiran ee dalka Yemen, waxase uu xaqiijiyey in illaa hadda aanu dalkiisu arkayn wax khatar ku ah marinka Baab Al-Mandab oo ka imanaya dalka Yemen.
Kornayl Axmed Rajaani oo ah xeeldheere Milateri oo shabakadda Al-Carabiya ay arrintan ka waraysatay ayaa isaguna sheegay in haddii Marin Biyoodkani uu xidhmo la filayo in Masar ay u soo farogelin doonto si kasta oo u suurtogal ah si ay danaheeda iyo amnigeeda u ilaaliso, “Waxa ay qaadan kartaa dhowr tallaabo oo milateri oo ay arrintan ku soo afjarayso, waa suurtogal in ay kelideed ku dhaqaaqdo ama in ay abuurto isbahaysi caalamiya, waayo dunida oo dhami ma aqbali doonto in la taabta amniga Marin Biyoodka caalamiga ah” ayaa uu khabiirkani yidhi, isaga oo intaas ku sii daray in ciidamada Masar ay leeyihiin awood ciidamada cirka ah oo ay ku duqeeyaan fadhiisinnada xag-jirayaasha ama cid kasta oo isku dayda in ay xidho marin biyoodka Bab Al-Mandeb, iyo in ay sidoo kale ku garaaci karto gantaalaha riddada dheer oo ay Masar haysato kuwo casri ah oo aad u awood badan.
Marin biyoodka Baab Al-Mandeb waxaa haddaba jooga ciidamo caalamiya oo isugu jira kuwo muddo dheer marinkan ku sugnaa oo ilaalinayey amnigiisa iyo kuwo ilaaliya budhcad badeedka, waayo waa marin caalamiya oo isku xidha dunida barigeeda iyo galbeedkeeda, haddiba ay dhacdo in uu xidhmana waxaa joogsanaya dhaq-dhaqaaqa badda ee caalamiga ah waxa aanu saamayn taban oo dhaqso ah ku yeelanayaa ganacsiga caalamiga ah, maadaama oo ay sannad kasta ka gudbaan in ka badan 21 kun oo markab oo shixnado ganacsi iyo shidaal sida, marinkan ayaa ah kan waraabiya marinka muhiimka ah ee Suweys oo isaga uu dalka Masar maamulo.
In kasta oo Somaliland aanay xad toos ah la lahayn marinkan haddana waxa ay ku taalla afka uu ka bilowdo marin biyoodku, waxaana si aad ah ugu dhow dekedda Saylac, iyada oo horena Soomaaliya loogu tirin jiray afarta dal ee kulaala marinka Baab Al-Mandab. Marar badan oo hore ayaa marinkan looga baqay ururka Al-Qaacida faraciisa dalka Yemen oo ku hanjabay in uu xidhi doono, sidoo kale waxaa looga baqaa budhcad badeedda Soomaalida oo marar door ah laga digay in ay khalkhal gelin karaan amniga marinkaas, haddase cabsida hore looga qabay Al-Qaacida waxaa sii xoojinaya awoodda ururkan ee sida xawliga ah ugu sii badanaya dalka Yemen oo ku jira marxalad amni darro iyo xasarado siyaasi ah, sidoo kale waxa aan laga cabsi la’ayn ururka shiicada ah ee Xuutiyiinta oo muddooyinkan dambe ku sii awoodaysanaya dalka Yemen oo laga yaabay in ay dowlad iyagu ay hoggaaminayaan ka dhisaan, taas oo sii badin doonta xasaradda siyaasiga ah iyo amniga dalkaas oo la filayo in sunniga dalkaas ku tirada badani aanu aqbali doonin xukunka Shiicada, Isla markaana Al-Qaacida ay fursaddan ka faa’idasan doonto.
Dagaal ka dhaca marinka Baab Al-Mandab waxa uu saamayn dhaqaale iyo amni oo xoog badan ku yeelanayaa dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan dalka Jabuuti iyo dalalka dekeddiisa adeegsada, in kasta oo aanay Somaliland, ku jirin, kuwa sida tooska ah looga baqayo khasaaraha ka dhasha ee dhaqaalaha, maadaama oo Baab Al-Mandab aanu ahayn marinka dekedda Berbera. Laakiin taas macnaheedu ma’aha in colaad marinkaas ka hurtaa aanay saamayn ku yeelan karin Somaliland oo aan masaafad ahaan ka fogeyn.
Waa run in Somaliland aanay dunida ka haysan aqoonsi ay arrintan xal u raadinteeda kaga qaybgasho, haddana waxaa u furan fursad diblumaasiyadeed oo ay quwadaha dunida ee arrintani saamaynayso ay ku tusi karto in ay awood u leedahay in ay kaalin ka qaadato difaacidda iyo sugidda amniga marinkan, sidii ay horeba kaalin ugu yeelatay barnaamijka la dagaallanka budhcad badeedda iyo waxa loogu yeedho argagaxisada. Waxa aanay awooddeeda marag uga dhigi karta sida ay badaheeda hore uga ilaalisay budhcad badeedda.