Cabsida Dhaqaale Iyo Bulsho Ee Qaxoontigu Ku Hayo Dalalka Yurub Oo Si Aad Ah U Sii Kordhaysa

0
622

Picture1London (Geeska)- Soo-galootiga sharci-darrada ah ayaa culays weyn oo dhaqaale iyo bulsho ku haya dalalka reer Yurub, waxaana maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogeysanaya doodda arrintan la xidhiidha ee ka jirta gudaha dalalka kala duwan ee Yurub si gaar-gaar ah iyo si guud midowga Yurub. Warbaahinta dalalka Yurub oo kuwa Ingiriiska u badan ayaa iyaguna muddooyinkii dambe siyaabo kala duwan, laakiin aan kala fogeyn uga hadlayey dhibaatada tahriibayaashu ku keeni karaan dalalkan, waxa aanay si gaar ah hoosta uga xariiqeen dhaq-dhaqaaqa arrintan la xidhiidha ee dalalka Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiisku ay wadaan. Waxaa ka mid ah wargeyska Financial Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo warbixin uu qoray oo Geeska Afrika soo akhriyey ku sheegay in marka dib loo eego tiro-koobyada qaxoontiga ka yimid Bariga dhex, Afrika iyo dalalka Balkans ka la yidhaahdo ay muuqanayso sida uu run u yahay walaacii ay dhowaan raysalwasaaraha Jarmalka Angelo Markel ka muujisay qaxoontiga oo ay sheegtay in laga yaabo in dhowaan ay arrinta qaxoontigu noqoto mid mashquulisa maskaxda Qaaradda Yurub, oo ka culays badata masalada hadda taagan ee Giriigga iyo dhibta ka taagan xasilinta lacagta Midowga Yurub.

Wargeysku waxa uu wakaaladda la socodka xuduudaha ee Midowga Yurub ka soo xigtay in Bishii ina dhaaftay ee Julaay oo keliya ay dalalka Yurub u gudbeen soo-galeeti tiradoodu dhan tahay Boqol iyo Toban kun oo ruux, tiradaas oo marka sannadkii hore isla bishan oo kale la barbar dhigo ay ka muuqanayso in ay saddex laab korodhay. Wargeysku waxa uu dalalka reer Yurub ee 28 ka ah ku canaantay in aanay illaa hadda lahayn mawqif midaysan oo ay jawaab mid keliya ah kaga bixinayaan khalkhalka dhaqaale iyo siyaasadeed ee haysta dalalka deriska la’ ah qaaradda Yurub ee ay qaxoontigan badankoodu ka soo gudbaan, waxa aanu wargeysku sheegay illaa reer Yurub ay arrintaas go’aan midaysan ka yeeshaan, in qul-qulka tahriibayaashu si aad ah u sii socon doono, khatarta ugu badanina ay ka soo gaadhi doonto dhammaan dalalka Yurub, waayo ugu horreynba waxaa suurtogal ah in marka culayska isu-socodka soo-galootigu bato in la joojiyo nidaamka isu-socod ee loo yaqaanno Schengen oo ah nidaamka hadda u dejisan reer Yurub ee ogolaanaya in inta badan ee dalalka Yurub ay baasaboor la’aan isugu socdaan. Wargeyska Financial Times waxa uu sheegay in dhibtu aanay intaas ku ekaan doonin ee ay gaadhi doonto in ay dib-u-noqosho ku timaaddo mashruuca weyn ee Midnimada Yurub, kala-qaybsanaanta dalalka Yurubna ay sii durki doonto, waayo qaxoontiga cusub ee tirada badan ku soo gaadhaya Yurub waxa ay ku xannibmi doonaan Talyaaniga, Giriigga iyo Isbayn, culayska ka dhashaana waxa uu ka cadhaysiin doonaa xukuumadaha dalalkaas ka taliya oo aan kelidood dadkaas culayskooda qaadi karin. Dhinaca kalana wargeyska The Independent ee isna Ingiriiska ka soo baxa ayaa soo dhoweeyey heshiiska ay dhowaan gaadheen dalalka Faransiiska iyo Talyaaniga ee ay iska kaashanayaan la dagaallanka qaar ka mid ah sababaha xididka u ah mushkiladda soo galoogtiga. Labadan dal ayaa ku heshiiyey in ay wada jir ula dagaallamaan kooxaha dadka Yurub u tahriibiya oo ay u arkaan in ay sabab weyn ka yihiin badashada tahriibka.

Wargeyska The Independent waxa uu warbixintiisan ku sheegay digniinta ah, in haddii aanay dalalka reer galbeed doonayn in aakhirka ay arrintan ku dambayso in dadkaas tahriibka ahi ay noqdaan culays dhaqaale iyo bulsho in hadda loo baahan yahay in loo sameeyo daryeel gaar ah, oo la dejiyo xeryo qaxoonti oo ku yaalla qaaradda. Halka ay hore si fudud isaga dhex geli jireen dadka dalalka ay u haajiraan.