Cabdiraxmaan-Cirro Oo Faysal Cali Waraabe Ku Tilmaamay Giimbaartii Burco Laga Bedelay Iyo Jawaabta Garnaqsiga Ah Ee Uu Isna Ka Bixiyay

0
782

 

laba

Hargeysa(Geeska)-Khilaafka u dhexeeya labada siyaasi ee saaxiibka weyn ahaan jiray Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe, ayaa maalinba maalinta ka dambaysa sii kululaanaya.

Khilaafkaas oo ka kacay guddoonka xisbiga UCID oo xubno uu guddoomiye Cirro horkacayaa sheegeen inay xilkii ka qaadeen guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo isna ku gacan saydhay ayaa hadda u muuqda inuu marayo halkii ugu saraysay.

Guddoomiye Cirro oo shalay hadal kooban ka jeediyay shirjaraa’id oo uu garabkiisu qabtay ayaa saaxiibkii Faysal Cali Waraabe si adag ugu weeraray, “Guddoomiyihii hore [Faysal ] waa saaxiibkay oo toban sanadood ayaan la soo halgamayay oo caayi maayo, waxaan leeyahay lacagtii Burco laga bedelay waxa la yidhaahdaa Giimbaar, saaxiibkay Faysal Cali Waraabe-na waxa uu noqday Giimbaar oo waa la bedelay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu waxaanu intaas raaciyay, “Saaxiibkay waxa ka soo hadhay dhawr kalmadood waxaana ka soo hadhay Aniga…Aniga, saaxiibkay wuxuu leeyahay xisbiga waan iskaga tagi lahaaye’e cid aan ku aamino ayaan la’ahay dadka ila jooga oo dhami waa xashiish. Xataa Guddoomiyihii hore waxa uu leeyahay qarankan Somaliland la yidhaahdo cid aan ku aamino oo ka naxaysa oo joogtaaba ma jirto ayuu leeyahay waxaan u malaynayaa inay taasi qaranka meel ka dhac ku tahay.”

Md. C/Raxmaan Cirro waxa uu intaasi raaciyay “Saaxiibkay waxa uu  cambaareeyay Guddidii fulinta ee shirtay waxaanu u tagnay Guddoomiyaha anagoo ixtiraamayna waxaanu geynay qoraal aanu kaga codsanayno inuu qabto shirkii billaha ahaa ee Guddida fulinta ee xeerka ku qornaa. Waxa uu hadalkiisii ku bilaabay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ma aqoonsani, Guddoomiye Ku Xigeenada 2-aad iyo sadexaadna ma aqoonsani. Maanta [shalay] wuu hadlay ayaa la yidhi Faysal Cali oo wuxuu yidhi xisbiga anigaa iska leh xisbiguna waa xisbi reer Hargeysa ah. Waar miyaanu xisbigu ahayn xisbi qaran? Soo kuwan goboladii oo dhammi fadhiya. Waxaanu leenahay xisbiga UCID waa xisbi qaran. Shirkii dhacay shalayto [doraad] shir beeleed muu ahayn, wuxuu ahaa shir guddi fulineed oo xisbimid qof soo abaabulay muu ahayn ee waa shirkii bilaha ahaa ee Guddida fulinta.Guddoomiyihii hore waxa uu shirkayagii ku sifeeyay inaanu nahay SSC. SSC waa reer Somaliland.”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo isna shalay la hadlay dadweyne taageerayaashiisa ah ayaa ka sheekeeyay heerarkii uu xisbiga UCID la soo maray, waxaanu yidhi, “Waxaan ka xumahay in dad axsaabtayda ah oo aanu saaxibo nahay oo aan wadda abaal ku lahaa inay gondahayga dagaal ka rideen aad iyo aad ayaan uga xumahay.

Aad waxaan uga xumahay walaalayaal ragga maanta arrintaas ku kacay waxa weeye ragii xisbiga magaca ku yeeshay, waxa weeye raggii xisbiga darajada ku yeeshay, waxa u horeeya ninkii u horeeyey ee aan ka sharaxay magaalada Hargeysa ee aan ka dhigay maayar ku xigeenka ee aan lahaa Hargeysa ha quruxiyo oo xisbiga wax ha u taro ayaa dagaalka maanta koow ka ah oo ah Maxamed Uurcade, waa nasiib daro taasi.” Ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaas ku daray, “Waxaa ku xiga walaalayaal Cabdiraxmaan oo ah saaxibkay oo aad ogtihiin dagaalka aan u galay inuu noqdo Ra’iisal baarlamaaka oo ay ahayd inuu dalkana hagaajiyo xisbigana wax u taro. Waxaa ka mida Waqaf saaxibkay oo aad ogtihiin sidii sharafta lagaga qaaday oo Rayaale ka qaaday xilka, waad ogtihiin in aan saaxibkaygii xisbiga ila dhisay Alle haw naxariistee Axmed Cabdi intaan ku idhi is casil aan isaga (Waqaf) gudoomiyaha koowaad aan ka dhigee. Maanta waxa weeye ragaas aan sheegay oo dhami mid kastaaba guri dawladeed ayuu ku jiraa ama dawlad ayaa ka bixisa, anigu guri dawladeed kuma jiro, dhulna kuma lihi dhulka Somaliland walaalayaal, aqal kuma lihi. Sideed iyo toban sanadood oo aan dalka ka shaqaynaayey oo aan tacabkayga u galiyey inay Somaliland qurux badnaanto. Haddii aanan maalintii ku dhawaaqin shir beeleed la isku dilo ayaa dhici lahaa walaalayaal, inta jeer ee aanu ka bad baadinay Somaliland inay isku dhacdo oo aanu anagu noqono dadkii ilaahay sababta uga dhigay nabad galyadeena walaalayaal, tii ugu danbaysay ee lixda qodob. Anigu walaalayaal waxaan maanta halkan u imi waxay ahayd in dadkiinaasi ay noqdaan dad wada shaqaysta oo guryo leh, oo biyo hela,  oo nadaafad hela, oo caafimaad hela , laakin arrintaasi wali ma muuqato walaalayaal oo aad iyo aad ayaan uga xumahay. Runta ayaan idiin sheegayaaye haddii aanan arag shacabkeena wanaagsan ee hoggaanka la’a, mar mar waxaan is idhaahdaa ma iska dhaqaaqdaayoo inta cimrigaaga kaaga hadhay tabliiq ma iska raacdaa, haddana waxaan idhaahdaa waar yaad uga tagaysaa. Imikana waxa weeye xisbigeenu sharci ayuu leeyahay, haddii aynaan sharciga ilaalin waxba noqon mayno walaalayaal. Waxa weeye shirwayne ayaa madaxda doorta, golaha dhexena wuxuu doortaa fulinta, fulinta cid ma doorato. Anigu xisbigan waxaan gacanta ku hayey mudo 18 sano ah, sideed sano muu diwaan gashanayn, tobana wuu diwaan gashanaa. Maanta anigu waxaan jeclaa in aan cid u dhiibo oo aan ku nasto oo xisbiga guul gaadhsiya, hase ahaatee ilaa hadda iima muuqato ragan leh waanu qaadanaynaa xisbiga rag guul gaadhsiin kara. Guusha ay doonayaan aniga ayey igu taageeri lahaayeen. Nina kun qof iima keenin. Maalinta aanu shir waynaha qabano, imika ururo ayaa dib la inoogu celiyeye qofka aan arko ee reer Somaliland ah ee daacad ah oo wadanka wax u taraaya oo xisbiga soo saaraya gidigeen waanu taagarayna, laakin walaalayaal xisbiga baabin mayno, anaa jecel in aan Cabdiraxmaan u dhiibo, anaa jecel in aan Waqaf u dhiibo, laakin midna ma soo saari karaayo, haddii ay soo saari karayaan miyey aniga igu caawiyaan waxay ku soo saarayaan mise way i hakranayeen. Dumarka reer UCID intay qabteen tobankeed midkoodna muu qaban. Markaa dadkaas ayaa xisbiga ka taliya shan iyo toban qof oo foojari ah oo aan ahayn heer fulin, fulinta aniga ayaa haya ee iyagu ma hayaan oo aniga ayaa guddoomiyihii ah.”