Bunka oo la sheegay in uu ka qayb qaato la dagaalanka gabowga: Kamaal Ahmed Ali

0
621

bukaCanada- Cilmibaadhis caafimaad oo dhowaan lagu sameeyey dalka Canada ayaa lagu ogaaday in walxo Antioxidant ah oo bunka ku jiraa ay si weyn uga qayb qaataan la dagaalanka gabowga. Yazingh Liu iyo David Kitts oo ka tirsan jaamacadda British Colombia labadubana ka mid ahaa khubarada daraasaddan samaysay ayaa sheegay in bunku uu ka hortago astaamaha gabowga ee ka soo if baxa maqaarka sare ee qofka.

Cilmi-baadhayaashu waxa ay sheegeen in bunku uu maqaarka sare ka daadiyo unugyada  dhintay oo inta badan ah kuwa keena muuqaalka gabowga.