Cabdillaahi Cali Ducaale (Shakuur) Oo Geeriyooday

0
485

Picture3Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa Salaasadii toddobaadkan magaalada Toronto ee wadanka Kanada ku geeriyooday Marxuum Cabdillaahi Cali Ducaale (Shakuur) oo ay walaalo yihiin Wasiirkii maaliyada ee xukuumadii hore danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil).

Alle haw naxariiste marxuum Shakuur ayaa u geeriyooday xanuun uu muddo u jiifay. Marxuumka ayaa wuxuu ifka kaga tagay shan carruur ah.

Alle haw naxariiste Marxuum Shakuur, wuxuu sannadkii 1944 ku dhashay magaalada Hargeysa oo uu ku dhamaystay dugsiyadiisii hoose iyo dhexe ee waxbarashada. Marxuumku wuxuu waxbarashadii dugsiga sare ku qaatay Camuud oo Borama ah, halka uu waxbarashadii jaamacadda ku qaatay jaamacadda loo yaqaan Leicester University ee wadanka Ingiriiska oo uu MA ku qaatay culuunta Sociology. Waxaanay wakhtigii dugsigii sare isku fasal ahaayeen Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, oo ah wakhtigan madaxweynaha Somaliland.

Wuxuu Marxuumku wadankii la isku odhan jiray Somaliya ku soo laabtay sannadkii 1965 oo uu agaasime ka noqday xafiiskii raysalwasaarihii Somaliya ee xilligaas. Waxase uu sanadkii 1973 u wareegay ururka Midowga Afrika oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay isagoo muddo dheer ka shaqaynayay.

Wuxuu Marxuum Shakuur Cali Ducaale wadanka Kanada u guuray sannadkii 2000-kii oo uu ku noolaa ilaa geeridiisa. Alle haw naxariistu Marxuum Cabdillaahi Cali Ducaale (Shakuur), waxaanan tacsi u diraynaa shacabka, qoyska iyo qaraabada uu ka geeriyooday, gaar ahaana waxaanu tacsi u diraynaa walaalkii Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), marxuumkana waxaanu Alle uga baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo. Aamiin.